Sign in to follow this  
Saalax

Bilicda Hargeysa Oo Maalin Maalinta Ka Dambaysa Talaabo Qaadaysa iyo adeegyo Hore Loo Dhaadanaa Oo H

Recommended Posts

Saalax   

Bilicda Hargeysa Oo Maalin Maalinta Ka Dambaysa Talaabo Qaadaysa iyo adeegyo Hore Loo Dhaadanaa Oo Hadda La Kowsaday

(Hadhwanaagnews) Tuesday, May 08, 2012

Bilicda Hargeysa Oo Maalin Maalinta Ka Dambaysa Talaabo Qaadaysa iyo adeegyo Hore Loo Dhaadanaa Oo Hadda La Kowsaday

 

Hargeysa (HWN) Bilicda Magaaladda Hargeysa ayaa maalinba-maalinba maalinta ka dambaysa sare u sii kacaysa, ka dib markii ay ganacsatadda waaweyn ee ka dhex shaqaystaa ay keeneen fekrado hore loogu itaal waayay.

 

Shirkadda Milgo Digital Tv iyo KOW Media ayaa mid waliba uu keenay qorsheyaal ganacsatadda waaweyn ku xayaysiisan karaan ganacsigooda.

 

?di=BAZS

 

 

Adeegyaddan ay soo kordhiyeen shirkadahan ayaa ah kuwo bilicda caasimadda Somaliland ee hargeysa sare u qaaday iyada oo ay labadda shirkadood mid waliba jidadka caasimadda ku soo kordhisay adeegyo ay bulshadu si weyn isha ula raacdo.

 

Milgo Digital Tv

 

Milgo Digital Tv hayadd warbaahineed oo baaxad weyn leh, waxaana hadda magaaladda Hargeysa iyo sida igu maqaalo ah goboladda dalka looga isticmaalaa si weyn.

 

Hayaddan oo ay uu iska leeyahay muwaadin reer Somaliland ahi ayaa waxa ay baahisaa adeegyo kala duwan, waxaana ugu horeyn bilicda aynu ka soo qaadan karnaa shaashad weyn oo uu jidadka dhex mara hal bawlaha caasimadda ku rakibay.

 

?di=0XC6

 

Waxaana inta ay shidan tahay oo dhan laga dheehdaa kolba adeegyadda cusub iyo kuwii hore ee ku jiray, kuwaas oo isla markaaba ay dadku kala xidhiidhaan.

 

Sidoo kale Milgo Digital Tv, waxa ay u fidisaa shacabka Magaaladda Hargeysa adeegyo ay ku daawan karaan telefishano uu muuqaalkoodu dhif iyo naadir ku ahaa dalka.

 

Kow Media Group:

 

Sida shirkadda Milgo ayaa shirkaddana uu iska leeyahay muwaadin Reer Somaliland ahi, waxaana inta badan ay ka shaqaysaa adeegyo ay ka mid yihiin ururinta taariikhda dalka iyo waliba samaynta filimo dhaxal gal ah.

 

Waa shirkad inta badan ka shaqaysa bilicda caasimadda, waxaanay fidisaa adeegyo casri ah iyada oo gidaaradda ku hareeraysan wadooyinka.

 

Adeegan ayaa sida nagu maqaalo ah marka ay meel ka bilaabaan loo kala dheerayaa, waxaana qolo waliba ay qaydataa meel iyada oo jeclaysanaysa in ay ka degto meel laga wada arki karo.

 

Maxay Reer Hargeysa Ka Yidhaahdeen:

 

Dad Weynaha Ku Dhaqan Magaaladda Hargeysa oo talaabo-talaabo ula socda waxyaabaha kala duwan ee dunida casriga ah Maalinba Maalinta Ka Dambaysa Ku Soo Kordhaya ayaa si weyn u soo dhaweeyay adeegyaddan.

 

Runtii Waa adeegyo bilicda caasimadda Sare u soo qaadaya, waayo hadii aad marto jidadka oo adiga oo hawlo kala ku foogan ayuun baa mar keliya dareenkaaga ay soo jeedinaysaa waxyaabahan casriga ah ee jidadka lagu xardhay sidaas waxa yidhi wiil dhalinyaro ah oo ku soo koobay magaciisa Ismaaciil.

 

Isku soo wada duubo adeegyaddan ayaa ah kuwo ay Magaaladda Hargeysa muddo dheer tabaysay isla markaana dib u soo celiyay bilicda caasimadda.

 

Najax Aadan Cunaaye

 

Hadhwanaagnews/Office

 

Hargeysa/Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this