Sign in to follow this  
kingofkings

Heavy Rains in Karkaar state of Puntland

Recommended Posts

Roob Lixaadleh oo ka da’ay nawaxiga magaalada Qardho

 

Iyada oo maalmihii u danbeeyey ay da’ayeen roobabkii guga ayaa roob lixaad leh ka da’ay deegaanada ku xeeran magaalada Qardho, Roobka oo bilowday wax yar ka hor salaadda subax ama saacaddu markey ahayd 04:00 Subaxnimo ayaa sababey in biyo lixaadleh ay ku soo fatahmaan magaalada Qardho.

 

Roobabka ayaa xoogoodu ka da’een galbeedka magaalada halkaas oo caan ku ah in biyo gaara bad-weynta Hindiya ay ka soo jabaan.

 

Subaxnimadii hore ee saaka markii uu bilowdey dhaq-dhaqaaqa dadka ee dhanka ganacsiga ayaa dadku isla dhexmarayeen in biyo soo dhacayaan ama dhanka galbeed biyo ka soo socdaan taas oo aysan dheg jalaqu siin, Waxaa hal mar is qabsadey guuxa biyaha oo afka kuwata dhir, jiingado iyo aalado kale ayaa hal mar dhankasta magaalada u tafey una dhaafey, waxaana biyuhu hal mar kala xireen labada dhinac ee magaalada.

 

Iyada oo magaalada Qardho ay ku taalo dooxo biyo mareen ah ayey biyuhu lahaan jireen goobo cayiman ee ay maraan isla markaana waxyeelada ay geysan jireen ay ahayd mid aad u yar. Kadib burburkii Dawladdii Soomaaliya waxaa dadku degeen oo weliba dabaqyo ka dhisteen dooxii biyihu mari jireen iyaga oo geliyey lacag aad u faro badan si aan guriyahaasi u dumin, waxaana ay sababeen in biyuhu ay magaalada dib ugu noqdaan.

 

Inkasta oo aysan jirin khasaaro naf oo wax ku noqotey biyaha ayaa haddana waxaa biyuhu horey iyo gadaal ka galeen bakhaarada raashinka, kuwa dhismaha iyo ganacsi kale iyada oo dad badan ay ku cayroobeen.

 

Ka sokow khasaaraha yar ee gaarey dadka qaarkiis ayaa haddana dadku aad ugu faraxsan yihiin biyahan lixaadka leh oo magaalada dhex gulucleynaya kuwaas oo waxa laga faa’idayo ay tahay caws ka soo baxa oo keliya isla markaana aysan jirin qaab kale oo looga faa’ideysanayo biyahan gaaray Badweynta Hindiya, dadku awood uma lahan in ay samaystaan biyo xireeno ay ku celiyaan Biyaha isla markaana uga faa’ideystaan siyaabo kala geddisan.

 

Marka aad eegto guuxa biyaha dhulka gulucleynaya,dhawaaqa raha iyo roob-ladhacda dhulka yaacsan, baalaleyda iyo shinbaraha kolba dhinac isu raacaya, buuraha Qardho oo daruuro subxeed ku gadaaman yihiin, waxaad ka marag ka caysaa Qurux aduun, sidoo kale waxaa kuu soo baxaya ayaan darada haysata magaalada Qardho marka aad eegto dhanka amniga iyo maamul xumida ka taagan ee ay kaga hartey qayrkeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

Local planning should include road side ditches that lead the water away from the villages/towns to a water reservation plant...so much to be done..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this