Sign in to follow this  
VivaSomaliaa

Wasiiru-dowlaha Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida AUN marxuum

Recommended Posts

Wasiiru-dowlaha Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland Prof. Cabdulkadir Cabdi Xaashi

” Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun”

Birmingham, UK (RBC, Radio): Wasiiru-dowlaha Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland Prof. Cabdulkadir Cabdi Xaashi ayaa wuxuu tacsi u dirayaa dhamaan Qoyskii, Walaalihii, Ehelkii & dhamaan Shacabka Puntland ee uu ka geeriyoodey AUN marxuum Dr Cabdi Xasan Jimcaale.

Wasiir Prof Cabdulkadir Cabdi Xaashi ayaa ugu horayn ALLE uga baryaya ugana tacsiyeeynaya Qoyskii iyo Ehelkii uu ka geeriyoodey AUN Marxuum Dr Cabdi Xasan Jimcaale in uu samir iyo iimaan ka siiyo waxaana uu leeyahay ” Naf waliba way dhadhamineysaa dhimashada waqtigii ALLE u qoreyna dhaafi mayso ee ku samra”, marxuumkana ILAAH uga baryaya inuu Jannadiisa ugu naxriisto.

Sidoo kale wasiirku wuxuu tacsi halkan uga dirayaa dhamaan Hayadaha kala gedisan sida Xukuumada, Baarlamaanka iyo Maxkamadaha ee Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyo Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Dr Cabdirahmaan Sh. maxamed iyo Golaha wasiirada ee uu ka tirsanaa AUN marxuum Dr Cabdi Xasan Jimcaale waxaana uu Leeyahay “Waxaa naga dhintey Walaal, Saaxiib, Aqoonyahan waana ognahay ka Xukuumad ahaan iyo dhamaan Shacabka Puntlandba masuuliyadii iyo howshii adkayd ee uu u hayey taas oo ahayd mid aan marnaba la hilmaami karin, markaas waxaan ILAAH ka baryayaa inuu samir naga siiyo dhamaanteen, marxuumkana waxaan ILAAH uga baryaya inuu Jannadiisa ugu naxriisto”

AAMIIN,AAMIINAA;MIIN……….

” Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun”

Birmingham West Midlands of England , UK

RBC, Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this