Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland's vice president opens the official electoral commission office in the Capital+PICS

Recommended Posts

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo Maanta Xadhiga ka jaray Dhismaha Gudida Koomishanka Doorashooyinka Qaran ka…

 

Published: 07/05/2012 @13:08

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo Maanta Xadhiga ka jaray Dhismaha Gudida Koomishanka Doorashooyinka Qaran ka…

 

Hargaysa /Togaherer 07/05/2012

 

Xaflad balaadhan oo xadhiga lagaga jarayay dhismaha cusub ee Komishanka Doorashyinka Qaran ka Somaliland Daartan oo ay maalgaliyeen Dalalka EUROPEAN UNION,DANIDA(DEMARK) , SIDA(SWEDEN),SWITZERLAND,UK, USAID.

 

Xafladan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin kala ah Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Saylici Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro Gudoomiye ku xigeenka Kowad ee Golaha Wakiilada Baashe Cade Wasiirka Maaliyada C/Casiis Maxamed Samaale Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Yusuf Boobe Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheikh Khalil Qaar ka mida Gudida Diwaan Galinta iyo masuliyiin aad u fara badan.

 

Waxaa ka hadlay Furitaanka Xaruntan Cusub ee Komishanka Afhayeenka Komishan ka Qaran Maxamed Axmed Xirsi Geele waxaanu yidhi “ Marka hore aad baan idiin soo dhawynayaa dhamaan ka soo qayb galayaasha maanta munaasibadan waxaan isugu nimid xadhig ka jarida dhismaha cusub ee Komishan ka Doorashooyinka Qaranka oo aad wada arkaysaan inta uu leeg yahay iyo sida uu u dhisan yahay Gudidi u horeysay waxaay kiraysteen makhsin yar waxoogaa lacagana Maaliyadda u so ururisay maanta waxaanu galaynaa Guri Saddex Dabaqa marka nabad iyo deganaasho la helo ayuu horumarku yimaadaa dhismahan waxaa naga maal galiyay Gudida la yidhahdo Gudida Dimuqraadiyyada Somalida oo fadhigeedu yahay Nayrobi dhamaan waa kuwa magacyadoodii ku xusan xaga sare ”.

 

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale waxaana hadaladiisa kamid ahaa “Markale ayaynu markhaati u noqonayna taaloyinka ka taagan Somaliland oo ku yimid guulihii ay dadka reer Somaliland, Deeq bixiyayaashu way ogyihiin inaynu ka mid nahay dalalka soo koreya laakin shardigu waxaa weeyi inay u yimaadaan meel nabada maanta ayynu taaganahay waa guulaha ku suntan Qaran ka Somaliland iyo Deeq bixiyayaasha waxa laga yaabaa dadka qaarkii Inay yidhaahdaan ma 7 xubnood ayaa daarta intan leeg galay waxanu ka hadalaynaa maaha Dad intay soo toosaan maalinta ay Doorashooyin jiraan laakiin waaa xarun lagu samaynaayo Odoros hanan kara dhaman macluumaadka la xidhidha Arimaha Doorashooyinka sidaas ayanay daartan u dhisanay waxaanu u baahanahay inaynu kuw kale ku kaabno Daartan maanta aynu furaynaa waxay markhaati ka tahay horumarka Somaliland waxaan sina waxay ku imanayaan nabada iyo dimuqraadiyada aynu kaga duwanahay Geeska Afrika waan hambalyaynayaa Komishan ka ’.

 

Sidoo kale waxaa kale oo halkaa ka hadlay Sarkaal sare oo ka socda hayada INTERPEACE C/raxmaan Cismaan Raage waxanu yidhi “Daartani kumay iman maalin qudha laakiin waxay ku timid dadaal fara badan oo dadka reer Somaliland ay galeen Aqoonyahanada reer Somaliland galeen caalamkuna taageeray hore waxanu u soo dhisnay qayb ka mida Baarlamaan, Academiyada Nabada maaanta way dhamaystiran yihiin waa tiirkii Nabada waxaa laga yaabaa in wakhti loo baahan doono mid kan ka wayn Ha`yada Inter Peace way ka duwan tahay kuwa Kalle waxaa sameeya qaar ka mida kuwa hogaamiya Dalalka soo koraya waxaad markhaati ka tihiin ilaa 1999 waaxay ahayd Ha`yada ka jirta inaan maqnaana ma rabno Somalialnd waa inay hore u socotaa oonay ku soo noqon Albaabkaa xidhmay ”.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Ciise Xamari waxaanu yidhi “Doorshada waxay ahayd marki hore in loo codeeyo Urur laakiin markii dambe waxaanu ka dhignay in loo codeeyo Qofka Qaabkaa aan ku shaqayn doona waxaa uu wax ka badalay qaabkii hore intaa waxaaan soo wadnay Ururada soo baxay iyo 3dii Xisbi Qaran waxay Gudida Diiwaan Galintu noo soo Gudbiyeen 6 Urur oo soo baxay iyo 3 dii Xisbi Qaran ee hore u jiray waxaanu hada ku tala jirnaa Mudada iyo Goobaha iyo Kharshka ”

 

Ugu dambayntii waxa halkaa ka hadlay Madaxwayne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliand Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil {Saylic} waxaanu yidhi” Waxaan maanta halkan u nimid inaan u mahad naqno Deeqbixiyayaasha inoo bineeyaya Daarta Quruxdaa leh ” kadib waxaa uu Shahaadooyin Gudonsiiyay Dalalka Deeq Bixiyayaasha intaa kadibna waxaa u xadhiga ka jaray Daarta loo dhisay Gudida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Xadhiga ka jaray Dhisme cusub oo ay dhisteen Komishanka Doorashooyinka Qaranka

 

afhayeenka Komishanka dorashooyinka qaranka Somaliland waxa uu sheegay in dhismahani hada u baahanyahay

 

Hargeysa(GNS)-Madaxweyne ku-xigeeenka Somaliland ayaa xadhiga ka jaray Dhismaha Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland ee Magaalada Hargeysa, kaasoo dhsimihiisu socday labadii sanadood ee ugu dambeeyay.

munaasibada xadhiga lagaga jaray Dhismahan cusub oo lagu qabtay xarunta Komishanka waxa ka soo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Somalilnad, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee xukuumadda, Safiirka Maraykan u fadhiya Kenya, Ergo ka socta wadamada Qaadhaan-bixiyayaasha, Saraakiil ka socota Hay'ada Interpeace, kuwaasoo dhamaantood gacan ka geystay dhismaha cusub ee Komishan Doorashooyinka.

sidoo kale waxa munaasibadaasi goob-joog ka ahaa todobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, qaar ka mid ah madaxda Asxaabra siyaasada iyo saraakiil ka tirsan Hay'adaha iyo Ururadda Muxaliga ah ee dalka ka hawl-gala.

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Axmed Xirsi (Geele) oo furitaankii Munaasibadaasi ka hadlay ayaa ka waramay sidii lagu hir-geliyay Dhismahan, waxaanu sheegay in laga bilaabay Qaadhaan yar oo laga soo uruuriyay qaar ka mid ah Jaaliyada reer Somaliland dibada, hase yeeshee markii dambe ay ka qayb qaateen dhamaystirkiisa qaar ka mid ah wadamada deeqaha Bixiya ee Reer YURUB iyo Maraykanku, sida EUROPEAN UNION, Denmark, NORWAY, SWEDEN, UK, SWIZERLAND iyo USA.

afhayeenka Komishanka dorashooyinka qaranka Somaliland waxa uu sheegay in dhismahani hada u baahanyahay qalabayn iyo in la awdo Baahiyaha kale ee hoose, hase yeeshe uu dhisme ahaan dhamaystiranyahay, isagoo dhinaca kalena tibaaxay inay u baahanyihiin in loo dhiso xafiisyadii kale ee Gobolada, waxaanu yidhi "dhismahani iminka wuu dhamaaday laakiin wali wixii la hoos dhigi lahaa ma hayno xafiisyadii kale ee Goboladanu waa u baahanahay"ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka qaranka Ciise Yuusuf X. Maxamed oo isaguna halkaasi ka hadlay ka hor intii aanu madaxweyne ku-xigeenku xadhiga ka jarin dhismaha ayaa ka waramay nidaamka doorashooyinka dalka iyo waxqabadkii Komishanka ee mudadii ay shaqaynayeen, waxaanu ku faanay in wax qabadkoodii uu ka mid yahay dhismahan cusub ee maanta Xadhiga laga jaray "waxaad ogtihiin in Xilku meerto yahay oo maalinba cidi Kursiga ku fadhido, sidaa awgeed anagu mudadii aanu shaqaynaynay wuxuunbaanu ku dedaalaynay inaanu umadda wax anfaca uga tagno, markaa dhismahani wuxuu ka mid yahay waxyaabihii aanu ku guulaysanay intii aanu joognay, waxaanan odhan karaa weelkii aynu wax ku shubaynay waynu haynaa laakiin waxa loo baahanyahay wixii lagu tayayn lahaa, haday shaqaale noqoto iyo hadii ay qalabayn noqotaba".

 

marka kale Guddoomiyuhu wuxuu sheegay "doorashooyinka soo socdaa way ka duwan yihiin qaabkii hore ee aynu doorashooyinka u geli jirnay, markaa taasina waxaanu ku gudo jirnaa diyaarintedii"ayuu yidhi.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa ugu dambeyn xafladaasi ka hadlay, kaasoo mahad naq iyo amaan ka dib xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee loogu talo galay Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland oo mid Fooqa oo ka kooban saddex Biyaano oo isa saaran, halka markii hore ay ka degenaayeen Guri Bangalo ah oo aan ku filnayn.

Geesta kale waxa xaflada ka hadlay Wakiilka dawlada Maraykanka ee dalka Kenya oo booqasho ku jooga Somaliland iyo sarkaal ka tirsan Hay'ada Interpeace oo qayb libaax ka qaadatay taabo gelinta Dhismaha xadhiga laga jaray, kuwaasoo mahad naq iyo amaan u soo jeediyay Komishanka iyo dawlada somaliland, isla markaana balan qaaday inaanay ka daaalayn gacan siinta ay la garab taaganyihiin dawlada Somaliland ee ka midka ah qaramada soo koraya ee ka tirsan Qaarada Afrika, kuwaasoo u baahan in taageero loo fidiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji Xunjuf;827467 wrote:

 

107_1722-475x356.jpg

An election commission office of three storey's. These elections are already diverting Somaliland from working. All lections should be once in 4 years. no need for an annual election theatre

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

These elections are a gimmic, its "SL"'s way to extort money from the international community by playing the democratic card. This process that criminalizes unionist in the enclave should never be called democratic...it's a slur to genuine democracies of the world that this clan charade should put in the same breath as other true open societies.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mario B;827558 wrote:
These elections are a gimmic, its "SL"'s way to extort money from the international community by playing the democratic card. This process that criminalizes unionist in the enclave should never be called democratic...it's a slur to genuine democracies of the world that this
clan charade should put in the same breath as other true open societies.

Somalilands genuine democracy the British prime Minister

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

Xaaji Xunjuf-Somalilands genuine democracy the British prime Minister

 

That's why I said it's a slur to genuine democracies of the world that this clan charade should be put in the same breath as other true open societies.:confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this