Liibaan Posted May 10, 2012 Madaxdhaqameedkii Khaatumo State oo Noqday , Madaxdhaqameedkii ugu horeeyey ee qaatay Kaadhadhka AqoonsigA Waxaa saaka dhamaan madaxdhaqameedka Soomaaliyeed u dareereen gurashada iyo is diiwaangelinta, maadaba maalmahan ay isku xanibnaayeen hawluhu ka dib markii odayaasha Beelaha ******, Digil iyo Miriflle iyo weliba kuwa ********** isku haysteen Kuraasta wakiilnimo ama Isimnimo. Arintaas ayaa maanta la soo afjaray, waxaana si rasmi ah maanta Kaadhadkii aqoonsiga loo siiyey dhamaan dadkii la saxay ee ka socday Odayaasha dhaqanka, waxaana ugu horeeyey oo maanta kaadhadhkii qaatay Madaxdhaqameedka Khatumo maadaba ayagu aysan marnaba is Khilaafin Ergadooduna diyaar u ahay. Madaxda qaadatay Kaadhadhka aqoonsiga ayaa kala ah, - Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac. - Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud. - Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil - Ugaas Abdullaahi Ciise Nuur. Arintan ayaa waxay soo afjaraysaa ficiladii Faroole ee uu ku doonayey inuu khal khal ku geliyo ergada ***********, asagoo markale ku hor kufay shaxda Siyaasada ee heerka qaran. Waxaana meesha ka baxday warar been abuur ah oo shabakadaha u adeega maamulka faroole isku maaweelinayeen. Waxaana maalinimada sabtida ah, xerada Xallane ka furmaya shirka odayaal dhaqameedka, kuwaasooo laga bedel;ey Ex School Polizio. Sababo dhanka amaanka ah. Goor filo waraysi ku saabsan arimaha oo aan la yeelan doono, mas’uuliyiinta Khaatumo ee ku sugan Muqdisho. Horufadhi News , ka dhigo Hoygaaga xaqiiqda iyo wararka sugan. Quote Share this post Link to post Share on other sites