Liibaan Posted May 6, 2012 Realtaleex: Wufuuda Maamul Goboleedka Khaatumo State oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada Mogadishu Muqdisho{RT}:-Xubno Ka Tirsan Golaha Sarre ee Madaxda Dhaqanka Maamulka Goboleedka Khaatumo State Of SOomaaliya ayaa galabta gaaray magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya . Xubnahan oo kala ah Garaadka Guud ee khaatumo State Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Ugaas C/laahi Ciise Nuur oo manta ka anbabaxay magaalada Nairobi oo mudooyinkii danbe ay ku sugnaayeen ayaa galabta ka degay garoonka aadan cadde ee muqdisho waxaana ismadan garoonka ku soo dhaweeyey mas;uuliyiinta ka tirsan dowlada soomaaliya, iyo xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee khaatumo ee horre ugu sugnaa magaalaadaas. Isimada maanta gaaray muqdisho ayaa ku biiraya isimo ka socday maamulka khaatumo oo harre ugu sugnaa magaalada muqdisho ugana qayb gelayey shirka oday dhaqameedka soomaaliyeed ee sabtidii ka furemay magaalaada muqisho laguna soo xulayo ergada ansixinta dastuurka qabyo qoraalka soomaaliya. __________________________________ Horufadhi.com: Daawo Sawirada Sida Loo Soo Dhoweeyey Wafuudii Khaatumo State Of SOmalia uu Hogaaminayey Garaadka Guud Garaad Jaamac Garaad Cali {Sawiro}. Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Garaadka Guud ee Khaatumo oo isku jira Golaha Sare ee Dhaqanka Khaatumo,G10 iyo Waxgarad kale ayaa soo gaadhay magaaladda Muqdisho iyada oo ay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen madax ka tirsan Dawlad Fedraalka ah, Khaatumo, Golaha sare ee dhaqanka khaatumo ee horay u sii joogay iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan oo isku jira reer Muqdisho iyo reer khaatumo Garaad Jamaac Garaad Cali, Aqoonyahan Xassan Axmed Ciise, Iyo Dr. Abdulkareem Hasan Wasiirkii TFG Hore ee Wasaarada Warfaafinta Boostaha & Isgaadhsiinta, Kana Mid Ah Hada Golaha Sare ee KHaatumo State - G10 Garaad Jamaac Garaad Cali, Aqoonyahan Xassan Axmed Ciise, Iyo Dr. Abdulkareem Hasan Wasiirkii TFG Hore ee Wasaarada Warfaafinta Boostaha & Isgaadhsiinta, Kana Mid Ah Hada Golaha Sare ee KHaatumo State - G10 Laba Garaad Jaamac - Garaad Jaamac Garaad Cali & Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Iyo Garaad AbShir SaalaX Madax Dhaqameedka KHaatumo State Of SOmalia oo Is Gacan Qaadaya - Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Jamaac Garaad Ismaaciil, Garaad AbShir SaalaX, Iyo Ugaas Cabdulahi Ciise Nuur Garaad Abshir Saalax oo Horkacaya Dadkii Soo Dhoweeyay Wufuuda KHaatumo State Of SOmalia Garaad Abshir Saalax oo Horkacaya Dadkii Soo Dhoweeyay Wufuuda KHaatumo State Of SOmalia Ugaas Cabdulahi Ciise Nuur oo Dhex Taagan Wufuuda KHaatumo State Of SOmalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted May 6, 2012 mashallah si wanaagsan aya loo soo dhoweeyay garaad jama garaad cali iyo dhamaan wafdiga ka socday Khaatumo. Ilaahay hadaayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted May 6, 2012 Ugaaska KHaatumo State Of SOmalia, Ugaas Cabdulahi Ciise Nuur waxa uu leeyahay Bakoorad aad u Qurax badan Quote Share this post Link to post Share on other sites
walaalkis Posted May 6, 2012 The capital always welcoming place . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted May 6, 2012 Nice welcome indeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kilwe Posted May 7, 2012 Alloow ka dhowr kuwii is qarxin jiray Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted May 7, 2012 Wafti Culus oo Ka Socda Maamul Goboleedka KHaatumo State Ayaa Soo Gaadhay Caasimada Muqdisho {sawiro} wafti culus oo uu hogaaminayo garaadka guudee khaatumo oo gadhay muqdisho si aada loogu soo dhaweeyey wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Garaadka Guud ee Khaatumo oo isku jira Golaha Sare ee Dhaqanka Khaatumo,G10 iyo Waxgarad kale ayaa soo gaadhay magaaladda Muqdisho iyada oo ay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen madax ka tirsan Dawlad Fedraalka ah, Khaatumo, Golaha sare ee dhaqanka khaatumo ee horay u sii joogay iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan oo isku jira reer Muqdisho iyo reer khaatumo sidoo kale waxaa waxaa isna ku soo wajahan magalada muqdisho garaad c/laahi garaad soofe sidoo kale waxaa isla shalayba loo qaybiyey waftiga khaatumo ee ay kagaga midnoqon lahaayeen golaha dhaqanka somaliyed Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted May 8, 2012 Wafuuda Ka socota Golaha Wasiirada Khaatumo Iyo Golaha Sare ee dhaqanka Khaatumo ayaa gaadhay Caaasumadda muqdisho maalinkii Isniinta ee Todobaadka waxana garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Airpot ku soo dhaweeyey madax ka tirsan labadda Gole ee DFKM,Odayal dhaqameedyo Soomaaiyeed, Siyaasiyiin, Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed waxaana Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo islaan iyo mar xabaysi ka dib loo galbiyey Hoygii loogu talo galay in ay dagaan oo ahaa Hotel Ambasator Muqdisho halkaas oo ay isku sugayeen dadweyne fara badan oo si aad ah ugu soo dhaweeyey Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted May 8, 2012 Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo Muqdisho si diiran loogu soo dhaweeyey ( Ishii buktaay ku bikaacso) + Sawiro Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe iyo Caaqil Cali Cabdi Cali ayaa maanta soo gaadhay magaaladda Muqdisho waxaana Garoonka Aadan Cadde International Airpot ku soo dhaweeyey Golaha Sare ee dhaqanka Khaatumo,G10 iyo waxgarad badan oo ka tirsan dawladda Khaatumo waxana Garaadku uu muddo ku nastay Qolka VIP-da ee Garoonka Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe ayaa ka soo kicitimay magaaladda Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn waxana socdaalka Garaadku uu yahay sidii hawlaha muqdisho ka socda ee Khaatumo uu uga qayb qaadan lahaa isla markaasna uu garab istaagi lahaa Xubnaha Golaha Sar ee dhaqanka ka tirsan ee Shirka ka qayb galaya waxana Garaadka la dajiyey Hotelka ay dagan yihiin madaxdda Khaatumo ee Ambasator, wada tashi fara badan oo Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo yeesheen ayaa ay ku go’aansadeen in shirka ay u matalaab aftar Ergay oo kala ah Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur Socdaalka Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe ayaa ku noqonaya Cadaawaha Khaatumo falaadh kaga dhacda Wadna maadaama ay maalmihii u danbeeyey la wareegayeen warar aan waxba ka jirin oo ah in Garaadku uu damaanad soo siiyey Maxamed Xaaji Cumar taasina ay noqotay been abuur cad Shirka wada tashiga Odayasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa la filayaa in uu bari si rasmi ah u bilawdo waxana socday labadii maalmood ee la soo dhaafay khilaaf saarid beelaha **********,Digir iyo Mirifle iyo *** oo isku haystay ka qayb galka shirka sidoo kalena waxaa ka soconayey hoolka shirarka wacyi galino iyo Siminaaro ku saabsan Dastuurka Soomaaliya ee ma jirto wax shir ah oo wali si rasmi ah u bilawday Cabdiqani Makhtal Maxamed Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted May 8, 2012 Is Garaad Sofe in Mogadishu already? Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted May 8, 2012 From the picture, yes he is.. I would suggest though Katuumo to drop off these fight on Mogadishu and focus on liberating its lands first.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted May 8, 2012 Its nice to see garaad sofe because i heard one elder was brought to mogadishu pretending to represent the garaad.I totaly agree khaatumo should concentrate on liberating the lands still not in their hands. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted May 8, 2012 Kaalay garaadadan habeen walba ma mid baa dhasha, war wuxu tira badanaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted May 9, 2012 MoonLight1;828245 wrote: Kaalay garaadadan habeen walba ma mid baa dhasha, war wuxu tira badanaa. Are you trying to be funny or just posting for the sake of it???Either way,its just a waste of time and space. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted May 9, 2012 The Leaders of KHaatumo State Of SOmalia Quote Share this post Link to post Share on other sites