Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Sheikh daahir aweys there is no govt and mahiga runs the show he also warns the Somali elders

Recommended Posts

Xasan Daahir oo Digniin, Hanjabaad iyo Waano isugu Daray Odayaasha Dhaqanka

May 6, 2012

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kamid ah Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al-Shabaab oo ka hadlay mid kamid ah Masaajida Duleedka Muqdisho ayaa si kulul u weeraray Dastuurka Cusub ee la doonayo in Soomaaliya loo sameeyo .

 

Xasan Daahir waxa uu sheegay sida uu aaminsan yahay in Dalka Soomaaliya aysan kajirin wax Dowlad ah uuna iska maamusho Ninka Ergayga gaarka ah ee Qaramnada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Agoustine Mahiga.

 

“waa aragtaan Meeshaan Waxaa iska maamusha Mahiga oo markii rabo u hanjabaya kuwa hoos jooga waxa ee Xukuumad ku sheegayaan Xukuumaad maahan Mahigaa u taliya isagaa meesha kaape iyo Diiq ka ah oo laga danbeeyaa”

 

Xasan Daahir Aweys ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dastuurka loo samaynayo Soomaaliya uu yahay mid gaaleed oo aan wax dan ah ugu jirin Umada Soomaaliyeed, waxaana uga digay Odayaasha dhaqanka in ansixiyaan dastuurka oo ay god ku ridaan Umada Soomaaliyeed.

 

Hadalkan Xasan Daahir Aweys ayaa kusoo aadaya xili Xukuumada Soomaaliya ay ku hoolantahay sidii ay ku hirgalin laheed Dastuur cusub uu dalka yeesho iyadoona hada Muqdisho kulan uga socdo Odayaasha Dhaqanka oo soo xulaya Ergayda Ansixinaysa Dastuurka Qabyo Qoraalka Muranka badan galiyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay dowladda KMG ah iyo Dastuurka cusub ee la doonayo in la ansixiyo

mamuule-qabiiil.jpg

Axad, May 06, 2012 (HOL) — Hoggaamiyihii hore ee ururkii Xisbul Islaam, haddana ah sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab, Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in dowladda KMG ah ay tahay mid aan jirin, sidoo kalena wuxuu aad u dhaliilay dastuurka cusub ee la doonayo in la ansixiyo.

 

Hoggaamiyahan ayaa hadalkan ka sheegay duleedka Muqdisho oo ay awood badan ku leedahay Xarakada Al-shabaab, wuxuuna odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xubnaha ansixinaya dastuurka uu uga digay in Soomaaliya ay ku ridaan god aysan hadhow kasoo saari karin.

 

"Dowlad Soomaaliyeed meesha ma joogto, Mahiga ku goodinaya, isagaa handadaya, isagaa kaabbe ka ah, isagaa ka diiq ka ah, marka meeshan xukuumad Soomaaliyeed ma joogto waayo khiyaar ma lahan lagamana sugaayo, shacabka Soomaaliyeed waxaan uga digayaa inay ku qatalmaan, waayo dowlad ma ahan dowladna kama jirto halkaas," ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.

 

Sidoo kale, Sheekhu mar uu ka hadlay odayaasha soo xulaya guddiga ansixinaya dastuurka Soomaaliya ayuu sheegay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay in laga ansixiyo dastuurka oo keliya.

 

"Odayaasha ujeeddada laga leeyahay waa in laga ansixiyo dastuurka, waxaana leeyahay umadda ha ku ridina god aydaan hadhow ka bixi karin. Odayaashana waxay la mid yihiin odayaashii dhiibay Soomaali-galbeed," ayuu yiri Sheekh Xasan.

 

Hadalka Sheekh Xasan Daahir ayaa imaanaya iyadoo shalay uu Muqdisho ka furmay shir ay ka qaybqaadanayaan 135 oday-dhaqmeed oo lagu soo xulayo ergadii ansixin lahayd dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this