Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland President Ahmed Siilaanyo appoints new Ambassadors

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay todoba Safiir

May 6th, 2012

astaanta%20qaranka.gif

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaannyo) ayaa xalay magacaabay Todoba safiir oo cusub oo Somaliland u fadhiyi doona dalalka dibadda.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu xalay ka soo baxay qasriga Madaxtooyadda, waxaanu u dhignaa sidan:-

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1077/052012 ku magacaabay wakiilada Somaliland u fadhiyi doona INGIRIISKA (UK), Canada, Norway, France, Sweden, Kenya iyo Danjiraha Wareega ee Somaliland.

 

MADAXWEYNUHU :-

 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee xarafka ® ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka INGIRIISKA (UK), CANADA, NORWAY, FRANCE, SWEDEN, KENYA IYO iyo In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large);

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontood iyo hufnaantooda shaqo;

 

Markuu ku qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

1. In Mudane, Cali Aadan Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska (United Kingdom).

2. In Marwo, Luula A. J. Ismaan, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Canada.

3. In Mudane, Sulub Warsame Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway.

4. In Mudane, Cali Ismaaciil Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka France.

5. In Marwo, Rooda Jaamac Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Sweden.

6. In Mudane, Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

7. In Mudane, Kaysar Cabdilaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large).”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this