Sign in to follow this  
Dr_Osman

Galkayo: Puntland Journalists Celebrates Free Media Day. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Gaalkacyo : Xuska Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Aduunka oo Gaalkacyo ka dhacday(Sawirro).

 

02 May 2012

 

APL

 

Gaalkacyo (APL ) : Xuskaan Maalintan oo ah maalin balaran oo laga xuso guud ahaan ayaa lagu abtay magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaana munasabadda soo qabanqaabiyey Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Nusoj oo kaashanaya xafiiska Qaramadda Midoobay u qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya ee UNPOSS.

 

Munasabadda oo ka dhacday Xarunta Nabadda iyo Dhalinyaradda ee Gaalkacyo ayaa waxaa kazoo qaybgalay Madaxda Ururka Nusoj, MAP ,MAG,Maamulka Gobolka Mudug,masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta puntland,Saraakiisha Xafiiska puntland ee UNPOSS iyo xubno ka socday ururada Bulshada Soomaaliyeed.

 

Kulanka oo ahaa mid si weyn loogu muujiyey dareenka warbaahinta soomaaliyeed ayaa waxaa ugu horey goobta loogu duceeyey suxufiyiintii soomaaliyeed ee iyaga oo ku guda jira howlahooda shaqo ku dhintay iyo kuwii ku dhawacmay oo ay waxyeeleyeen shakhsiyaadka aan garanayn qiimaha wariyaha ayaa loo duceeyey in kuwii dhintayna ilaahay u naxariisto ,kuwa dhawaca ahna uu caafimaadsiiyo.

 

Gudoomiyaha Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Nusoj Burhaan Axmed Daahir ayaa qaatay hadalka waxaana uu jeediyey khudbadii sanadka ee Munaasabnadda waxaa uu gudoomiyuhu soo bandhigay dilalkii,Dhawacyadii iyo Tacadiyadii loo gaystay suxufiinta soomaaliyeed Sanadkaan oo uu xusay in la oran karo waa kii ugu waxyeeladda badnaa marka loo eego kuwii tagay.

 

Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in maalintan oo loo asteeyey 3 May ,balse xafladaan ay ugu talo galeen in ay dhacdo labo maalmood ayna ka kala dhacdo Magaalooyinka Muqdisho & Gaalkacyo,isla markaana mid tan la mida ay ka dhacayso Magaaladda Mudisho maalinka bari ah .

 

Burhaan ayaa sheegay in ay jiraan wariyaal ku waxyeeloobay qaraxii Tiyaatarka muqdisho kuwasoo intii cuslayd loo diray caafimaad dibadeed ,waxaa uu kaloo sheegay in ay jirto dhibaato guud oo haysata suxufiyiinta soomaaliya taasoo ah amaan xumo ,”waxaa jirta waxyeelayn loo gaysanayo suxufiyiinta waayo ma hubaysna ,waxaana leeyahay haloo dhabar adaygo adeega bulshada lo ohayo,koox iyo shakhsi yarna yaan loo baajin shaqada dadweynaha soomaaliyeed”.

 

Ugu danbayn waxaa uu gudoomiyuhu sheegay in ururku ku dadaalayo sidii loo heli lahaa marxalad wax looga qabanayo sare u qaadida tayada mihnadda iyo sidii loo tayeyn lahaa suxufiyiinta soo koraysa ee soomaaliyeed.

 

Siyaad Faarax oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Qaramadda Midoobay u qaabilsan soomaaliya qaybtiisa Xuquuqul insaanka ayaa isna jeediyey fariinta Maalinta safaaxadda Aduunka oo ahayd Badbaadinta Suxufiyiinta Aduunka iyadoo la baarayo Cida waxyeelaysa.

 

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo munasabadda si rasmi ah u furay ayaa warfiyeenadda ugu hanbalyey sida soomaalinimada leh ee ay isu qareemaan isla markaana isaga warqabaan,waxaa kaloo uu sheegay gudoomiyuhu in ay warbaahintu tahay indhaha bulshada aana loo baahnayn in la waxyeeleeyo .

 

Gudoomiyuhu waxaa uu ku booriyey warbaahinta in ay dhowraan jiritaanka dalka soomaaliyeed ayna iska dhowraan baahinta wixii kala kaxaynaya soomaalida.

 

Xafladda ayaa Qaybteeda labaad ahayd Dood ku aadan Caqabadaha iyo dhibaatooyinka haysta suxufiyiinta soomaaliyeed & Sida looga hortagi karo ama looga gudbi karo.

 

Munasabadda maalintaan ayaa maalinta bari ah ka dhacysa magaaladda Muqdisho .

 

Xafiiska wararka allpuntland Gaalkacyo.

 

201.jpg

201.jpg

195.jpg

196.jpg

197.jpg

198.jpg

199.jpg

200.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this