Dr_Osman Posted May 6, 2012 Buurtinle : 600 guri oo laga dhisayo 4 May 4, 2012 - 6:57:13 AM GAROWE ONLINE Wafti ay hogaaminayeen gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab ,Agaasimaha Guud ee barakacayaasha wasaarada arimaha gudaha Puntland Beexaani Axmed Bare,masuuliyiin ka tirsan Hayada World Vision ayaa maanta degmada Buurtinle ku dhagax dhigay 600 oo guri oo loo dhisayo dadka barakacayaasha iyo kuwa danyartaa ee ku nool halkaasi. Gudoomiyaha Degmada Burtinle Faarax Maxamud Jaamac Salwe ayaa goobta laga dhisayay guryahan hadal ka jeediyay,kuna soo dhaweeyay masuuliyiintii ka socotay Dawlada iyo Hayada World Vision wuxuuna mahad u celiyey haya'dan guryaha dhisaysa oo ku sheegay inay yahay mashruuc dhaxal gala oo laga faa'iidaysanayo. Intaasi ka dib waxaa dhismaha 600 ee guri ka kooban si wadajir ah u dhagax dhigay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali iyo Agaasimaha barakacayaasha wasaarada arimaha gudaha Puntland Beexaani Axmed Bare waxayna ku booriyeen dadka guryahan loogu talagalay inaysan iska dayacin. Ugu danbeyntii Radio Garowe ayaa makaroofanka la dhexqaaday barakacayaasha degmada burtinle ee loo dhisayo guryaha, waxayna dareenkoda ku muujiyeen sida ay ugu farax sanyihiin guryahan wax badan ka bedelaya noloshooda. Guryahaan laga dhisayo degmada Burtinle ee dadka barakacayaasha iyo kuwa danyarta ah ee ku nool degamadaasi ayaa sidoo kele haya'dan waxay kuwaas kuwo la mid ah waxay ka dhisaysaa Caasimada Garoowe. Halkan ka dhagayso warbixin uu Cawil Cali ka diyaarsahay xafladda http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/600_oo_guri_Burtinle_lagu_dhagaxdhigay.shtml Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 6, 2012 Nugaal oo laga dhisayo 1,200 Guryo cusub May 4, 2012 // Warar Somaali Hay’adda Worldvision ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waday qorshayaal ay dhisme uga dhiseyso magaalooyinka Buurtinle iyo Garowe, kuwaas oo horey looga codsaday Hay’adda in ay xooga saarto dhismaha guryahaas mudo sanadkaan inta ka dhiman. 1,200 oo guri oo intooda badan la filayo in ay ka sameysnaan doonaan dhisme qolal yar yar oo jiingado ah ayaa hay’adda waxa ay mudo kooban gudihiis la filayaa in ay ka hirgeliso degaanadda nugaal. Cabdi Xirsi Qarjab Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa Saxaafadda u sheegay in dhismahaan yahay mid mudo dheer ay ku rajo weynaayeen in laga hirgeliyo degaanka isaga oo sheegay in dadka barakacayaasha la dejin doono qeyb ka mid ah dhismaha. “Dadka soo koonfurta ka yimi ayaa qeyb ka dejin doonaa, inta kalena waxaa siineynaa dadkeena dhibtaateysan ee aan haysan degaanka ay ku noolaadan.” Ayuu yiri gudoomiyaha. Dhowr jeer oo hore ayaa dhismayaal sidaan oo kale Hay’adda worldvision iyo kuwa kale ay uga fuliyeen degaanadda Soomaalida, waxa ay noqdeen kuwa dadka degan ay ku noolaan waayeen, iyadda oo taasi ugu wacan tahay dhismayaasha oo ka sameysan Jiingado taasina keeni karto in ay soo jiitaan jawiga markaasi jira. Puntlandnews-Garowe Quote Share this post Link to post Share on other sites