Sign in to follow this  
Dr_Osman

Garowe And Burtinle 1200 Residential Project Kick Off. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Buurtinle : 600 guri oo laga dhisayo

 

4 May 4, 2012 - 6:57:13 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Wafti ay hogaaminayeen gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab ,Agaasimaha Guud ee barakacayaasha wasaarada arimaha gudaha Puntland Beexaani Axmed Bare,masuuliyiin ka tirsan Hayada World Vision ayaa maanta degmada Buurtinle ku dhagax dhigay 600 oo guri oo loo dhisayo dadka barakacayaasha iyo kuwa danyartaa ee ku nool halkaasi.

 

Gudoomiyaha Degmada Burtinle Faarax Maxamud Jaamac Salwe ayaa goobta laga dhisayay guryahan hadal ka jeediyay,kuna soo dhaweeyay masuuliyiintii ka socotay Dawlada iyo Hayada World Vision wuxuuna mahad u celiyey haya'dan guryaha dhisaysa oo ku sheegay inay yahay mashruuc dhaxal gala oo laga faa'iidaysanayo.

 

Intaasi ka dib waxaa dhismaha 600 ee guri ka kooban si wadajir ah u dhagax dhigay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali iyo Agaasimaha barakacayaasha wasaarada arimaha gudaha Puntland Beexaani Axmed Bare waxayna ku booriyeen dadka guryahan loogu talagalay inaysan iska dayacin.

 

Ugu danbeyntii Radio Garowe ayaa makaroofanka la dhexqaaday barakacayaasha degmada burtinle ee loo dhisayo guryaha, waxayna dareenkoda ku muujiyeen sida ay ugu farax sanyihiin guryahan wax badan ka bedelaya noloshooda.

 

Guryahaan laga dhisayo degmada Burtinle ee dadka barakacayaasha iyo kuwa danyarta ah ee ku nool degamadaasi ayaa sidoo kele haya'dan waxay kuwaas kuwo la mid ah waxay ka dhisaysaa Caasimada Garoowe.

 

Halkan ka dhagayso warbixin uu Cawil Cali ka diyaarsahay xafladda

 

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/600_oo_guri_Burtinle_lagu_dhagaxdhigay.shtml

 

DSC00465.JPG

DSC00466.JPG

DSC00467.JPG

DSC00468.JPG

DSC00478.JPG

DSC00479.JPG

DSC00481.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Nugaal oo laga dhisayo 1,200 Guryo cusub

May 4, 2012 // Warar Somaali

 

Hay’adda Worldvision ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waday qorshayaal

ay dhisme uga dhiseyso magaalooyinka Buurtinle iyo Garowe, kuwaas oo

horey looga codsaday Hay’adda in ay xooga saarto dhismaha guryahaas

mudo sanadkaan inta ka dhiman.

 

1,200 oo guri oo intooda badan la filayo in ay ka sameysnaan doonaan

dhisme qolal yar yar oo jiingado ah ayaa hay’adda waxa ay mudo kooban

gudihiis la filayaa in ay ka hirgeliso degaanadda nugaal.

 

Cabdi Xirsi Qarjab Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa Saxaafadda u

sheegay in dhismahaan yahay mid mudo dheer ay ku rajo weynaayeen in

laga hirgeliyo degaanka isaga oo sheegay in dadka barakacayaasha la

dejin doono qeyb ka mid ah dhismaha.

 

“Dadka soo koonfurta ka yimi ayaa qeyb ka dejin doonaa, inta kalena

waxaa siineynaa dadkeena dhibtaateysan ee aan haysan degaanka ay ku

noolaadan.” Ayuu yiri gudoomiyaha.

 

Dhowr jeer oo hore ayaa dhismayaal sidaan oo kale Hay’adda worldvision

iyo kuwa kale ay uga fuliyeen degaanadda Soomaalida, waxa ay noqdeen

kuwa dadka degan ay ku noolaan waayeen, iyadda oo taasi ugu wacan

tahay dhismayaasha oo ka sameysan Jiingado taasina keeni karto in ay

soo jiitaan jawiga markaasi jira.

 

Puntlandnews-Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this