Sign in to follow this  
Qandalawi

Shirkii odayaasha dhaqanka Soomaalida oo furmay

Recommended Posts

Shirkii odayaasha dhaqanka Soomaalida oo furmay

Updated:- 4 mins ago| 0 Commnets

 

Dugsigii hore ee tababarka Booliska ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirweynaha odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed.

 

Shirka oo dib uga dhacay wakhtigii horay loogu qorsheeyey inuu furmo ayaa waxaa ka soo qabay galay dhamaan Isimadii lagu marti qaaday.

 

Sidoo kale waxaa shirka joogo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah oo uu kamid yahay Ra’iisul wasaare gaas, xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo xildhibaano.

 

Marti sharaf caalami ah oo isugu jira kuwo ka socda xafiiska qaramada midoobey ee Soomaaliya iyo safiirada xarumaha ku leh magaalada Muqdisho ayaa iyagana kamid ah dadka furitaaka shirkaas kasoo qayb galay.

 

Mas’uuliyiin badan ayaa furitaanka shirka khudbado ka jeediyey waxaana kamid ah Prof. Cabweli Gaas iyo wasiiradiisa Dastuurka iyo warfaafinta.

 

Faah faahin ku saabsan shirka, sawirada iyo khudbadaha kala duwan ee laga jeediyaba Horseed Media dib bey idiinka soo gudbin doontaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masuuliyiinta sare ee Dawlada Faderaalka Soomaaliya oo soo ku soo dhamaystirmay Madesha shirka iyo khudbado xasaasi ah oo socda.

Posted by Puntlandi on May 5th, 2012

Muqdisho(puntlandi.com):- Xarunta cusub ee golaha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa wali ka soconaya shirkii Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saabsana.

 

Madasha shirka oo ay hada ka socdaan khudbadii Masuuliyiinta Dawlada Faderaalka Soomaliya islamarkaana uu fadhiyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa hada madasha shirka soo galay oo Masuuliyiintan ku soo biiray Madexweynaha Dawlada Faderaalka Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

 

Khudbadaha oo hada meel fiican maraya waxay u wareegeen Odayaasha Dhaqanka, waxayna aad uga hadlayaan rajada ay ka qabaan Dastuurka soomaaliya iyo hididiilooyinka fiican ee u muuqda.

 

Inkastoo Khudbadu ay yihiin kuwii Furitaanka shirka hadana waxaa la filayaa in doodo dhaadheer ay bilawdaan marka khduabada furitaanku ay soo dhamaadaan, waxaana la filayaa inta doodadaahsi ay socdaan in madesha shirka ay ku sii nagaadaan xubno ka mid ah Madexda Dawlada Faderaalka Soomaaliya.

 

Warbixinada shirkan oo faahfaahsan qaybaha dambe ee webka puntland kala soco.

 

Posted in warka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbax balaaran oo lagu taageerayo Shirka Odayaasha oo Muqdisho ka Socda.

Posted by nbi on May 5th, 2012

 

Banaanbaxyo balaaran oo ay soo abaabuleen qaybaha kaladuwan ee shacabka Magaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacay inta badan degmooyinka kaladuwan ee gobolka Banaadir iyadoona Banaanbaxyaashaasi ay soo dhawaynayaan shirka Odayaasha Soomaaliyeed uga soconaya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Banaanbaxayaasha ayaa codsanaya in la dadajiyo Tastuurka qaranka ee cusub oo ay Garwadeenka diyaarintiissa ka tahay Xukuumada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Prof.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyadoona Banaanbaxyadaasi siweyn ay u saameeyeen iskusocodkii dadka iyo gaadiidka Muqdisho.

 

Banaanbaxayada ayaa dhacaya xili uu si rasmi ah goordhaway u furmay shirkii Odayaasha Soomaaliyeed waxaana furitaanka shirkan oo si rasmi ah Muqdisho uga bilowday goobjoog ka ah madaxda kaladuwan ee Qaranka Soomaaliyeed.

Wixii kasoo Kordha Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this