Paragon Posted May 5, 2012 Dastuurkani waxuu meel ka dhac ku yahay 'Xuquuqul Isnaanka Qabqablayaasha, Culumada caaddifaysan iyo Guurtida Qas-wadayaasha' waayo dastuurka wuxuu soo af jarayaa xuquuqooyin aad u tira badan oo ay ka mid yihiin: (1) Iska dhigo Isbaaro, (2) Feer iyo fara-laab wax ku hel, (3) Fatwo lagu fududaaday caamada ku waabso...iyo kuwa kale oo aanu Dastuurku hadda inoo fasaxayn in aan halkan ku soo daabacno. Fiiro gaar ah: Dastuurku wuxuu na amrayaa in aanan iska hadli karayn. Iska hadalku waa xaq aan aad iyo aad u jecel nahay, mana ogolaan doonno in Dastuurku 'Warfaafinta Kutirikuteenka ah' in uu xakameeyo. Sida aawadeed inagoo ah Gudiga iyo guurtida is caleemo saartay ee isbahaysiga Maslaxo la dirirka Somalia (GIG- MDS) waxaan cambaarayn aan loo dhamayn u diraynaa cid Allaale iyo cid doonaysa in ay Dastuurka Somalia mee mariso waayo Qaska iyo Qalalaasaha waa Business ay dad badan oo Somalia ku nool raasimaalkooda ku helaan - hergelinta Sharicga iyo kala dambaynta ay TFG hadda waddona waxay aad wax ugu dhimaysaa kaabayaasha Budhcadda, siiba isbaaro dhigatada iyo gaandheriyada, Qowlaysatada dhuxul ka baycmushtara, Budhcad baddeeda, Gunno-ku noolka Siyaasada ku qaraabta iyo kuwa kale oo badan oo uu dastuurta inaga mamnuucay inaan soo magac qaadno haddeer. CUDURDAAR: MA DHAMAYSTIRI KARAYNO WAR SAXAAFADEEDKAN WAAYO NABADDU CARADA AAN U QABNO DARTEED AYEEY FARARUHU LA NUUXNUUXSAN LA'YIHIIN. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted May 5, 2012 PS: Look ooma baahnin dastuurka in aan akhrino waayo waan iska ognahay waxa ku qoran because waxaan naqaan dadka soo diyaariyay dadka soo dirsaday waxa ay aaminsan yihiin. Faroole ka yeeli mayno in uu nagu amar ku taagleeyo! Maleeskudheelaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites