Xaaji Xunjuf Posted May 4, 2012 Ciidamadii ugu horeeyey ee AMISOM ka socda oo gobolka Hiiraan gaarey Ciidamadii ugu horeeyey ee ka tirsan kuwa AMISOM ayaa xalay gaaray duleedka degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan. Ciidamadan oo ay tiradoodu 300 gaareyso kana socda dalka Jabuuti waxay xalay u hoydeen deegaanka Kalabayr halkaas oo ay kuwa Itoobiya horay fariismo ugu lahaayeen. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ciidamadan Jabuutiyaanka ah oo kasoo gudbey dhinaca Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ay soo gaaraan magaalada Beledweyn. Waxaana wararka deegaanadaas laga helayaa ay sheegayaan inay weheliyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Faransiiska ee dalka Jabuuti fariisimaha ciidan ku leh. Waa markii 2-aad ee ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay ka howl galaan meel ka baxsan gobolka Banaadir, todobaadyo kahor ayeyna ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ka socda ee AMISOM qaybta ka ahi ay magaalada Baydhabo gaareen. Itoobiya ayaa sheegtay inay ciidamadeeda kala bixi doonto magaalooyinka Baydhabo iyo Beledweyn oo ay Al-shababa horay uga arimin jirtey. Waxaana magaalooyinkaas kala wareegi doona ciidamada nabad ilaalitna ee AMISOM. Quote Share this post Link to post Share on other sites