xiinfaniin Posted May 3, 2012 Shariif oo la kulmey guddiga dastuurka 3 May 3, 2012 - 7:24:53 AM Madaxweynaha DF Somalia ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Maanta 03,May 2012 Guddoomiyaha Guddiga madaxabanaan ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Prof Cabdillaahi Xassan Jaamac iyo Guddoomiyaha Guddiga Khubarda Prof. Muxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyagoo munaasabadaa ku gudoon siyay qalin horaadka qormada qabyo tirka dastuurka ee latashiga madaxda sare dalka si uu taladiisha ugu biiriyo Kulanka ayaa waxa goob-joog ahaa lataliyaha Madaxweynaha Xagga Sharciga Prof. Abuukar Xassan Axmed. Ka dib markii ay wada hadal dheer galeen waxaa uu labada guddi ku booriyay inay fiiro gaar ah u yeeshaan arrimaha soocda; 1.Shareecada iyo xeer dhaqameed Soomaaliyeed iyo hidihii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed. 2.Ilaalinta arrimaha quseeya jinsiyada Soomaaliyeed. 3.Maqaamka caasimada Qaranka Soomaaliyeed iyo arrimo kale oo ku saabsan cutubyada kale ee dastuurka. Kulankaa oo sacaado badan socday wuxuu madaxweynuhu ugu danabyntii ku bogaadiyay labada guddiga sida wacan ee ay u wadaan xilkan qarameed oo dalka ahmiyad gaar ah u leh, iyagoo weliba ku shaqeynaya daruufo adag. Madaweynuhu wuxuu ku dhiiri geliyay; 1.Inay ku dadaalaan in geedisocodka dastuur sameynta Soomaaliya si waafaqsanaado shuruucda dalka. 2. Marka labada guddi ay soo dhameystiraan qormada gebeda oo ay ku dhafan talada dadweynaha iyo madaxda sare ee dalka ay hordhigaan culumada iyo ogaalayda ku taqasusay qanuunka iyo shareecada, dhaqanka, dhaqaalaha , maamulka iyo maareynta hay’addaha dowladda. 3. In labada guddi sii wadaanka latashiga madaxda sare ee dalka iyo maamulada kale. 4.Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxaa uu labada Gudoomiye ka codsaday inay salaan iyo bogaadin ka gaarsiiyaan dhamaan xubnaha labada guddi. 5. Waxuu Madaxwaynaha tilmaamay inay muhiim tahay in laga qaybgalo shirka khuburada ee international community ee lagu qabanaayo jabuti. Source: Suldaan A. Faarax Madaxa warfaafinta xafiiska madaxweynaha DF Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Yunis Posted May 3, 2012 xiinfaniin;826382 wrote: 2. Marka labada guddi ay soo dhameystiraan qormada gebeda oo ay ku dhafan talada dadweynaha iyo madaxda sare ee dalka ay hordhigaan culumada iyo ogaalayda ku taqasusay qanuunka iyo shareecada, dhaqanka, dhaqaalaha , maamulka iyo maareynta hay’addaha dowladda. 3. In labada guddi sii wadaanka latashiga madaxda sare ee dalka iyo maamulada kale. kulankaan waa muhiim - laakiin week late. shareef, waxaa la arkaa always after the facts. It may be little too late.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted May 3, 2012 Yunis;826406 wrote: kulankaan waa muhiim - laakiin week late. shareef, waxaa la arkaa always after the facts. It may be little too late.. It could be after the facts, but sometimes it is better be late than never Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mukulaalow Posted May 3, 2012 thats what we want, say your views, address your concern on specific articles, but hey to say 'dooni mayno dastuur' is unacceptable and un-patriotic. well-done pres.shariif Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted May 3, 2012 Review teh dastuur, read it, suggest improvement, this is not a Quran, but dont just say NO. Saying just NO is unacceptable. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ilka-dahable Posted May 4, 2012 no no waa halkii heestii saado ii tali NO aan kuu taliyo NO aan wadatashano NO Quote Share this post Link to post Share on other sites