Somalia Posted May 3, 2012 Despite threats from the Somaliland vice leader, they will attend and talk with their president. Mashallah. Odeyaasha dhaqanka reer Somaliland ee ka qaybgalaaya shirka ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa jawaab ka bixiyey hadal kasoo baxay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland. Hadalka ayaa ahaa mid looga digaayay Odeyaasha iyo Siyaasiyinta reer Somaliland in ay ka qaybgalaan ansixinta dastuurka cusub ee Federaalka oo la filaayo in ay dhacdo bartamaha bishaan. Boqor Maxamed Jaamac Cumar oo kamid ah Odeyaasha reer Somaliland ka qaybgalaaya shirka kana soo ambabaxay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay ka qaybgali doonaan shirarkaas isla markaana kusoo laaban doonaan degaanada Somaliland. Wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo in uu ku fashilmay wixii shacabkiisa ay u doorteen isla markaana dadka oo dhan cabudhin ku sameeyay. ‘’Waan soo noqonayaa oo dhawaan ayaan ku soo noqonayaa Burco iyo Ceerigaabo-ba, hadii aad u jeedo waa lagu xidhina xadhiga rag ayaa loo sameeyey oo imikaba waxa xidhan rag aan is leeyahay waxba may galabsan oo uu ka mid yahay Badhasaabkii Maroodii Jeex, Agaasimihii guud ee Dib-udajinta iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka oo xaqdaro ku xidhan, waxaanaynu ognahay inaan ragaas iyo kuwo kale oo badanba aan wax cadaalad ah la horkeenin. Markaa xadhigu maaha wax mishkilad ah oo hadii ay dadka oo dhan xidhi karto xukuumadda Siilaanyo ha waa xidhxidho bal cida ay wax kaga xumaanayaan’’,ayuu yiri isagoo wareysi siinayay Wargeyska Haatuf ee kasoo baxa Hargeysa. Boqor Maxamed Jaamac ayaa hadalkiisa ku daray in ay xaq u leeyihin in ay ka qayb qaataan wax kasta oo looga baxaayo dhibaatada ka taagan Soomaaliya isla markaana haddii ay sii socdaan saamayn ku yeelan karaan Hargeysa ama Somaliland,isagoo tibaaxay in uusan isbedelin mowqifkiisa Somaliland-nimada. ‘’May ismuu badalin aniga Mabdaaygii Somailland-nimo, laakiin hadana maadaama oo aan Soomaali ahi waxaan jeclahay inaan ka qaybqaato wixii dhibaatada iyo colaadaha Soomaalida lagu soo afjari karo, waayo hadii ay colaada iyo dagaalada Muqdisho ay sii socdaan Hargeysa-na way saamaynayaan oo sidaa nabad u ahaan mayso’’,ayuu yiri. Issimo iyo Waxgarad ka socda Somaliland ayaa ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo ka qayb qaadan doona ansixinta dastuurka cusub ee Federaalka. Maamulka Somaliland ayaa dhowaan si cad u diiday ka qaybgalka wada hadal la filaayo in ay la yeeshaan Dowladda Federaalka kadib markii ay ka hor yimaadeen labo xubno ka socda Puntland oo ay dalbadeen in laga saaro. Bosaso Press Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 3, 2012 This guys is a nobody siilaanyo ba caleemo saaray to counter attack buurmadow As they used to say during cigaals day wa salaadinti busaarada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted May 3, 2012 Loool@ saladiinti Busaarada. War xajiyooow saladiinta waa la ixtiraama oo shaqada wadaan xuduud malaha. Meel kasta wee tagi karraan. From Mandhera, Muqdisho, Maroodi Jeex, Maydh ila Daad Mareedh wee tagiyaan hadaaa loo baahdo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 3, 2012 ‘’ May ismuu badalin aniga Mabda’aygii Somailland-nimo , laakiin hadana maadaama oo aan Soomaali ahi waxaan jeclahay inaan ka qaybqaato wixii dhibaatada iyo colaadaha Soomaalida lagu soo afjari karo, waayo hadii ay colaada iyo dagaalada Muqdisho ay sii socdaan Hargeysa-na way saamaynayaan oo sidaa nabad u ahaan mayso’’, ... wax fahan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mukulaalow Posted May 3, 2012 Salaadiinta Busaarada ROCK. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AsadSL Posted May 3, 2012 a Suldan that represents no one:cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted May 3, 2012 nothing new,there were big shots before him like jama yare who came back after 20yrs.Isagaa soo daali.... Quote Share this post Link to post Share on other sites