odayga inanta Posted June 18, 2017 Cilmi axmad muxumed "Faradheere" has once grew his hair into Somali afro-style. Kaynuun saw him showing off on Facebook. As they always have a mutual poetic fun, Kaynuun began with this following verses. Ninkii fooddu wayntahay ayaan , fidhinka daynayne Feedhfeedhayaa iyo ammase, fuudka mariyaaba Markii ay faniinaan sidii, foosto gubanaysa Waa inuu saliid fixi markaa fiidka daydaya'e Cilmi Responded Gardho fidi og wuu firan yaqiin, faraca soomaale Waa waxa fagaaraha adduun lagu, fil soocaaye Fool cowdan dhinac fiiqan waa, foos dad leeyahaye Farsamada galbeedkiyo adaa, meykal fiirsadye Ninka madaxa foocfoocsanaw, faalka iga joogi Quote Share this post Link to post Share on other sites
odayga inanta Posted June 18, 2017 Adiguna Habbooney, Soomaali hubban iyo, Hidda dhalad inaad tahay Hal-abuurka guunka ah Howraarta maansada, Heesahiyo gabayada, Suugaanta hodanka ah, Erayadan rag wada helin, Qurux iyo hannaan dumar, Ama heybad iyo sharaf, Waxay hoodo leeyiin, Halkii uu ka sheegaba, Maxaad ugu horreysaa? ,,,, Cilmi Faradheere.... Hees:- Habboon Quote Share this post Link to post Share on other sites
odayga inanta Posted June 18, 2017 48) Adoo maalin heli kara, 49) Mugdi yaanu kugu galin, 50) Adoo miidda cabi kara, 51) Murud weelka haw dhigan, 52) Adoo malab qurqurin kara, 53) Milix yaan laguu tumin, 54) Adoo miir u socon kara, 55) Heys maqiiqin weligaa, 56) Adoo maaro heli kara, 57) Taada yaan laguu marin, 58) Adoo mowjad kicin kara, 59) Marriin yaan lagaa dhigan, 60) Meegaarka xeradiyo, 61) Muska yaan lasoo jebin, 62) Adoon mowdku kuu iman, 63) Magacaagu yuu lumin. ,,,, Faradheere....... Quote Share this post Link to post Share on other sites