Saxansaxo Posted March 31, 2014  @Coofle said:

Allahayoow Cirkoo Dam Ah, Ayaad Dacal Ka Faydaaye
Markaasaa Shamsadu Daalacdaa, Dunidu Nuurtaaye.
Allahoow Dalkoo Oomman, Baad dixo Biyaysaaye
Markaasaa Dugaag Iyo Dadiyo Duunyo Ka Cabbaane.
Allahayoow Cirkoo Diiran Baad, Caad Ku Dadabtaaye
Markaasuu Daruur Culus Helaa, Di'idna Yeeshaaye
Oo Ay Dareemada Dhulkiyo, Dixidu Baacdaaye.
Allahayoow Mid Duunyo Yar, Baad Darajo Siisaaye
Markaasaa La Daba Shaanbiyaa Doobab Iyo Beele.
Alahayoow Mid Daadduumayaad, duni u dhiibtaaye
Markaasuu Ka Diihaal Baxaa Deeqna Hidiyaaye.
Allahayow Mid dawga Dhaafayaad, ku camirtaa diine
Markaasaa Duunuubtuu Iskaga Rogo Uga Danbaysaaye.
Deeqdana Adaa Wada hantee Darajo noo yeele
Allahayoow Kan Loo Dayriyiyo, Hayga Dhigin Daallin
Oo ducada ii qaad sidaan kaa dalbaday CAAWA ........!!!
~Saalax Maxamed Beautiful description of Allah's many blessings subhannaAllah... This one always makes me coming back, powerful words. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coofle Posted April 15, 2014 @Saxansaxo,,,Subxan Allah, This one brought me back today to this thread to read it again, I should memorize it. ...its not only me, i guess. Quote Share this post Link to post Share on other sites
odayga inanta Posted May 5, 2014 One bloke once brought his cattle at nightfall. He looked at the sky after he milked them and drank huge amount, getting very dark, thundering and threatening to soak all the world. The man had no life partner as he was parent-less from the beginning, very poor, jobbed cattle rearing for the people and not yet had the muscle to get married. Alone with the herd and a bare-ribbed to sleep on the cow dung, while his friends of the same age already married by their families support. He saw the rain coming, lightening and sounding against him.... he said ............................... Cirka qaw-qaw low qadhqadhay Qaawanaantayduu arkaye Ee qudhayda halkeen dhigaa Kuwii aabaha lahaa Amaa hooyada lahaa Aroos yay wada hurdaane Aroori anaa ku hadhay ..Hidii dii yoo hidii, way hidii dii yoo hidii, way hidii dii yoo hidii..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coofle Posted June 16, 2014 36. Baribaa dadkuba qaawanaa dibad ku noolaaye 37. Ooy daaqayeen cawska iyo darista geedaha e 38. Dareemada marbay ugu koreen duudka buuraha e 39. Dalanbaabi iyo guuldariyo dooga cunidiida 40. Danbaa galisay inay raadiyaan nolol ka door roone 41. Dugsi iyo markii ay heleen dab i iftiimaaya 42. Duunyadiyo markii ay dhaqdeen bahaladii duurka 43. Ugaadhiyo markii ay dabteen deeradiyo cawsha 44. Beeraha markii ay degeen orodki may dayne 45. Damacbaa hogaanka u qabtoo door labaad raraye 46. Daar iyo markii ay dhisteen aqalo daah wayn leh 47. Markab aan dagayn iyo markii doonyo lagu dhoofay 48. Sabarayn dabaashiyo markii qalab lasii daayay 49. Nin waliba markuu daadsadee kibir la daanshooday 50. Yaa niman dalxiis ugu keceen meel dusheena ahe 51. Sawaariikh dilaantiyo rag baa guudka loo diraye 52. Duhur kaliya bay sii socdeen daala may arage 53. Dayaxay habeenkoo badh tagay degel fadhiisteen 54. Maantana dhulkii sii durugsan baa dirirka muuqdaane 55. Dabagaabahaa lagu socdaa awrka doobta lehe Durdur, Hadraawi Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coofle Posted June 16, 2014 "Gorayadu Ilmaheeda, Aroori bay dhigtaayoo, Aboodigu ku laayaa" "Shimbirtuna aroosay, Ilo-xidhoo amaana bay, Ubadkeeda seexisaa" Kala awrran labaduye edebtiyo aqoontiyo Asluubtay isku dhaafeen Caqligii wanaagsani itaal inuu ka roonyahay bal eegoo u fiirsada "Ilka-waynaw maroodigu, arradaadu mirtaabuu, cadawgu ka ugaadhaa" "Aboorkuna dundumadaan, aragnay buu dhistaayuu, Naftiisa ku ilaaliyaa" Kala awrran labaduye edebtiyo aqoontiyo asluubtay isku dhaafeen Caqligii wanaagsani itaal inuu ka roonyahay bal eegoo, u fiirsada. ~Ereyadii Xasan Sh. Muumin (AUN) heestana waxa ku luuqeeya Hibo nuura Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coofle Posted June 21, 2014 Nin laqwiyey tashigu waa ka lalay laguna leecaanye Hadaan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdiiye Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye ~Salaan Carrabay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coofle Posted June 21, 2014 - Awal buu qaldamay shaah ninkii, koobabkow qoraye - In qiyaamo loo sii ceshaa, ma ahan qaynuune - Qalbiguu wax yeelaa markuu, qaar madow yahaye - Qarka jooji maandhey hunguri, qaadan bay wada'e ~Nin xaraaro dubatay!. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coofle Posted July 5, 2014 Helmiyay oo Helmiyay oo amaantiis heli waayee Hoosiisaw Midabkaagu Ma habeenkiyo waagoo Kala haayirayaa? Halgaraadka guntiisiyo Guudkii buu ka cadaadee Ma galool ubaxlaa? ~Cali bucul Quote Share this post Link to post Share on other sites
Barwaaqo Posted August 17, 2016 Coofle iyo asxaabta kaleba waad mahadsan tihiin. Suugaan qiimo badan ayaad ururiseen oo u dhaafteen akhristayaasha bogaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coofle Posted September 18, 2016 Xamar weeye oo midab fardood, kala xariir roone Xawaariyo kadliyo raaxo iyo, xawlis iyo jeefaq Xaggii loo eryaba waa gammaan xulashadiisiye Xubna toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e Goortaan xusuus ula noqdaa, xiisa ii qabane Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere .. ;; ;; Aduu galabta kuu xoolo yahay, Xamarkii dheeraaye Waa Xiin Finiin neefka aad, xadhigga haysaaye Xayawaanka oo idil naftey, kala xaroodaane Mar hadduu suldaan igu xil lihi, igaga xayddaantay Xadhiggiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene. Xiin finiin by sayid Maxamed Cabdille Xasan. Thank you for reminding me to post in this thread..like finding a photo for a piece of gabay (disclaimer:the faras depicted is not xamar by color!) Quote Share this post Link to post Share on other sites
odayga inanta Posted June 18, 2017 Haweenkii adkaysiga badnaa, hawsha gurigooda Hadafkuudo waatuu ahaa, haynta ubadkoode Imikana dir wada hawle oo, haadhayaa jira'e Hugiskii gurada lagu awdayiyo, heeryadaa maqane Kuwa madaxa hool-hoolay baa, haatan soo baxaye Haatif wada sanqanayiyo bir baa lasyku hagayaaye Hootaaba kuu iman kolkay halaw yidhaahdaane Markaasaa huteel loo cayimay lagu hoyaadaaye Hablawayntu waxa laga hagbaday, hoo ninkow tidhiye Heerinkiyo carmalidaa ku badan, haadda reer yurube Allaylehe habaar baa ku dhacay, hiririflayntoode Madheedkoodii laga haadsayoo, hadhaca loo oodye Hiddihiyo asluubkii wacnaa, haysta laga waaye Giddigoodba naayaa hambooy, iyo hun weeyaane Dhan waliba mid aan laga horrayn, dumar hal-doorkooda Waad heli tu kula haad ah, ood hilib wadaagtaane Ninkii guurku hoonka u tumoow, xulo halbeegaada ,,,,, Kaynuun Cisman Cumar,,,,, Gabay:- Halbeeg Quote Share this post Link to post Share on other sites
odayga inanta Posted June 18, 2017 Adduunyadu waa waraaq War iyo wax kastaba qortoo Xogtay kaa warisay baa Weynuhu kaa abaal marshaa Ogow weerkii caddaa Waadaantiyo iilka kulul Markii wadar iyo waxdiba Gagada lagu soo waxsharo Ayaanta wadaadka iyo Intii walad kheyr qabtaba Jannooyinka looga Waco Kolkay warasada jannadu Kufaarta ku wiirsadaan Dharaar wacadkii baqara Jaxiima la wayraxdee Wadiiqada naarta iyo Waadiga jahanama la shido Markay gaaladu warraaq Weheeyda ku booyayaan Ogow warra'aa ku dhacay Horay u qabeen warkee Adduun lama waarayee Eebaha wacdigiisa iyo Wasaayada diinta raaca ,,,... Kaynuun Cismaan ,,,,, Maanso:- Waano Quote Share this post Link to post Share on other sites
odayga inanta Posted June 18, 2017 Sannad waliba kuwa sii qaxee, qaaradaha buuxshay Qorba jooga waxa noogu wacan, waa qorshe la'aane Qaxarkeennii waakaa ku fiday, qaaligaa yurube Qolqolada galbeedkoo dhan baan, quud ka guranaaye Arrinteenu waa qaash iyo mayaash, qaabadeediiye Qasaaraha adduunkaan u nahay, qoomamkaa kale,e Sida filinka lays qoomayay, nagu qoslaayaane Afrikana in baa lagu qalqalay, oo la quudhsadaye Qatligooda waxa iiga daran, qiimo li'idaase Qufac iyo waxay igu dileen, qoomamiyo ciille Dhallinteenna qaaliga ah ee, lagu qamaaraayo Qalbigii damiir lihi runtii, waa qajilayaaye , ,,,,,Kaynuun Cismaan ,,,, Gabay:- waano qaadan maysaan Quote Share this post Link to post Share on other sites
odayga inanta Posted June 18, 2017 Waa laac adduunyadu ninkii ,laab leh baa garane Labadii ku kulantaba mudday, ladantu haysaaye Waxay laamadoodaan sidii, lulanta geedaha'e Libiqsiguna waa uu mac yahay, leedda fuulka'iye Lootada mar bay kugu dhigtaa, laydhu soo celine Layaab ma leh adoo yara ladnaa, inay ku laashaaye Nin labeen ku dhaashtow rag baa, leefay dacartiiye Libaanteeda aakhiro ayaan, laasanayn abide ,,, Kaynuu Cismaan.,,,,,,, Gabay:- Lahashada ka gaar noqo Quote Share this post Link to post Share on other sites
odayga inanta Posted June 18, 2017 Halkaan naawilaayee Qalbigaygu nagiyahay Naftaydaa u heelane Niyadaydu waa meel Waxa jira mid nacasoo Ku naxuusinaayee Yaanu nacabka kuu jabin Waxba yuu naruuriyo Uu nasteexo kuu galin Nuxurkeedu wuxu yahay Naftaneey ka diga rogo Saaxiib an kuu nixin Nabarrada an kaa dhayin Naxariisna kuu galin ,,,, Kaynuun Cisman,,,,, .....True friends are rarely found... Quote Share this post Link to post Share on other sites