Coofle Posted May 3, 2012 In an attempt to make Suugaan more attractive for the younger generation, I will attach each photo with a relevant piece of Somali literature...Be free to join and add your Sawir & Suugaan “Marka loo dhibtoodaa dharag iyo wanaagiyo Dhaqashada la gaadhaa Dhaydiyo gadhoodhkiyo Dharab lagu caweeyaa Oo malab la dhuubiyo Dhuunyaalka buurtiyo Dhafaruurta geeduhu Intay soo dhawadaan Carabkiyo dhanxanagiyo Dhabanada yimaadaan” ~Abwaan Maxamad Muumin "Ababe" Waadigii cararaayayee Car yay itaaban lahaaye Dulaha caaradiisiyo Baguu caynku ku gooyay! Waadigii salalaayee Sabadaha miranaayee Lo'da suulasha gooyayee Bagood gaajo sureertayoo Sabirkaagu yaraaday Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coofle Posted May 3, 2012 Wadaad iyo ninkii waran lahow, dirir u weelqaada Wiil iyo walaal wada socdoo, waano qaba yeesha Wacadkaad isugu dhaarateen, waafi ha ahaado Wadankeenu waa fiicanyee, cadowga weydaarsha Walbahaarka dhiga geesibaan, waabasho aqoone ~Garaad wiilwaal Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coofle Posted May 3, 2012 Guy #1 sings ; "Wiil magaalada, Soo maraanmaray, oo Mijo cas dumar, Maro la huwaday, Maalintii Ceel, Kuu midayn waa" Guy #2 Replies: "Wiil Catootil ah, oo cad badhiya leh, maalintii ceel, kuu cidayn waa" NB ; Those are for cattle "Lo'da Xiliga waraabka" Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coofle Posted May 5, 2012 Allahayoow midii uurlehiyo tii irmaan dumarka Allahayoow umulihii nin diley ubad jaqsiinaayey Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey Allahayoow addoonimo midaan kugu adeecaynin Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaaga Allahayoow mid oogada jirka aad insiga mooddo Allahayoow misana aan ahayn awliyana sheegta Allahayoow ibleys kaa u eeg oonu garan weyney Allahayoow nin aayaadka iyo diinta ku adeegta Allahayoow amaba aan u odhan siday ahaayeenba ~Cali jaamac haabiil... Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted May 10, 2012 Thou I didn't comment ab't this, si wacan baan ola socday laakiin, Maxaad u joojiday sxb Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coofle Posted May 10, 2012 Taan dumar ku leeyahay , waa gabadh togdheeroo Toban iyo lix jirahoo Hiddihii tilmaamee Maxmuudi toox-weyn , sadex qayd ka tolatoo oo daraya muuskuna , taakiyo badh muuqdee dhacluhuna tarraxa oo, tusbax luqunta galisoo sidii boqorad taash xidhan, hadalkeeda tirisoo kolba erey ku tuurtee ~lyrics from song by the Legendary Muuse Ismaaciil Qalinle AUN "Geela-Jooji" Wixii Damal dilay Oo dameer leeg Oo ka daba wayn Sooma daayaw Ha igu soo dayn ~Cigaal shiidaad Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coofle Posted May 10, 2012 wyre;828837 wrote: Thou I didn't comment ab't this, si wacan baan ola socday laakiin, Maxaad u joojiday sxb Dee wax ku darso..oo laftayda wax igu kordhi... Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted May 10, 2012 Brother aniga abwaan ma ihi waxna iskuma haayo balse waan kaa faa'iiday Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coofle Posted May 10, 2012 wyre;828857 wrote: Brother aniga abwaan ma ihi waxna iskuma haayo balse waan kaa faa'iiday Anba kuma dhaamo, oo ma gabyo, mana maansoodo, Afarrey-na iskuma aadiyo, Laakiin Suugaanta jaadadkeeda oo dhan waa Jecelahay, Mudnaan gaar ahna waan siiyaa.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saxansaxo Posted May 13, 2012 Waxaan aahay qabiilkii aakhiray reer Afriiqiya'e Abaartiyo colaaduhu anay ila rafiiqaane Arradka iyo gaashada ayaan ehel wadaagnaaye Waxay dhalay iblaysiiyo jin iyo odayo sheydaane Abtirsiino kala sooca baa ii iskuula ahe Aji iyo sab anigaa ka dhigay uun walaalo ahe (Xaaji aadan Af-qalloc) Hooyoy la'aantaa Aduunyadu hubaashii Habeen kama baxdeenoo Iftin lama heleenoo Dadku uma hayaameen Xiddig hawd ka lulatoo Sida haad ma fuuleen Dayax heego joogoo Hubka laguma tureen Hawo laguma gaadheen Cirka hirar ka muuqdoo Hooyoy addoomuhu Halkay maanta joogaan Adigow horseedoo Intaad hanad xambaartee Haaneedka siisee Horaaddada jaqsiisee (Mohamed Ibahim warsame/hadraawi) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 13, 2012 Saxansaxo;829385 wrote: Waxaan aahay qabiilkii aakhiray reer Afriiqiya'e Abaartiyo colaaduhu anay ila rafiiqaane Arradka iyo gaashada ayaan ehel wadaagnaaye Waxay dhalay iblaysiiyo jin iyo odayo sheydaane Abtirsiino kala sooca baa ii iskuula ahe Aji iyo sab anigaa ka dhigay uun walaalo ahe (Xaaji aadan Af-qalloc) Same location. Eebboow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coofle Posted June 7, 2012 Allahayoow Cirkoo Dam Ah, Ayaad Dacal Ka Faydaaye Markaasaa Shamsadu Daalacdaa, Dunidu Nuurtaaye. Allahoow Dalkoo Oomman, Baad dixo Biyaysaaye Markaasaa Dugaag Iyo Dadiyo Duunyo Ka Cabbaane. Allahayoow Cirkoo Diiran Baad, Caad Ku Dadabtaaye Markaasuu Daruur Culus Helaa, Di'idna Yeeshaaye Oo Ay Dareemada Dhulkiyo, Dixidu Baacdaaye. Allahayoow Mid Duunyo Yar, Baad Darajo Siisaaye Markaasaa La Daba Shaanbiyaa Doobab Iyo Beele. Alahayoow Mid Daadduumayaad, duni u dhiibtaaye Markaasuu Ka Diihaal Baxaa Deeqna Hidiyaaye. Allahayow Mid dawga Dhaafayaad, ku camirtaa diine Markaasaa Duunuubtuu Iskaga Rogo Uga Danbaysaaye. Deeqdana Adaa Wada hantee Darajo noo yeele Allahayoow Kan Loo Dayriyiyo, Hayga Dhigin Daallin Oo ducada ii qaad sidaan kaa dalbaday CAAWA ........!!! ~Saalax Maxamed Quote Share this post Link to post Share on other sites