Sign in to follow this  
Mukulaalow

Marqaan bombs, Alshabab's new tactics.

Recommended Posts

Xeefow oo Dhalinyarada Jaadka Maqaayadaha ku Cunta ku Eedeeyay Qaraxii Shalay

 

May 2, 2012 - jawaab

 

Ahlu Sunna ayaa waxay sheegtay in ninkii shalay isku qarxiyay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, uu ahaa nin dhalinyaro ah oo Qaad ku cunaayay maqaaxida uu qaraxa ka geystay.

 

Gudoomiyaha Guddiga Fulinta ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow, ayaa wuxuu sheegay in ninka isqarxiyay uu ahaa nin dhalinyaro ah, oo Qaad ku cunaayay maqaaxida uu qaraxu ka dhacay.

 

“Wuxuu ahaa nin caadi ah oo dhalinyaro ah, wuxuuna ka mid ahaa dadkii fadhiyay maqaaxida uu qaraxa ka dhacay ee Jaadka ku cunaayay, dad badan ayaa arkay kahor inta uusan isqarxin in uu cunaayay Jaad” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Maxamed Xeefow.

 

Wuxuu wax lala yaabo uu ku tilmaamay in Xarakada Al Shabaab ay Qaadka u diido dadka ku dhaqan Deegaanada ay maamusho, halka Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay u ogolaato inay Qaadka cunaan.

 

“Waxaa layaab leh inay dadka u diidaan inay Jaadka cunaan oo ay dhahaan ma-cuni kartaan, haddii aad cuntaan waala idin dillaa, waa la’idin xiraa iyo waxaan joogin, halka iyagana ay cunaayaan xataa haddii ay isqarxinaayaan” ayuu sii raaciyay Sheekh Xeefow.

 

Gudoomiyaha Guddiga Fulinta ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow, ayaa wuxuu sheegay inay soconayaan baaritaano badan oo ku aadan qaabka uu qaraxaasi u dhacay, ayna dib ka soo faah faahin doonaan.

 

http://www.galgaduudnews.com/?p=2078

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faah faahin kasoo baxayso ninkii shalay isku qarxiyay Dhuusamareeb.

 

Ayada oo ay xildhibaano iyo dad kale ku geeriyoodeen qarax shalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa soo baxayo warar dheeraad ah oo ku saabsan ninka is qarxiyay.

 

Sida ay sheegeen saraakiisha Ahlusuna ee magaalada Dhuusamareeb, ninka is qarxiyay ayaa ahaa nin ku cusub magaalada ayada oo uu joogay magaalada mudo isbuuc ah guri ku yaalo magaaladana uu deganaa.

 

Wararka hordhaca ah ee ku saabsan baaritaanka shaqsigaan ayaa tilmaamayo inuu ninkani ahaa nin aan laga aqoon magaalada islamarkaasna uu mudo gaaban ku sugnaa halkaas.

 

Dhanka kale ninka is miidaamiyay ayaa waxa uu cunayay jaad/qaad marka uu yimid goobta uu isku qarxiyay taasna waxay u sahashay innaan laga shakin maadaama uu ahaa qof iska qayilaya, balse cabaar kadib uu meesha isku qarxiyay ninkaas oo aan si dhab ah magaciisa iyo halka uu kasoo galay magaalada Dhuusamareeb la shaacin.

 

Weli waxaa socdo baaritaanka ay wadaan saraakiisha amniga ee culumaa’udiinka Ahlusuna Waljameeca. Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay qaraxii shalay ay ku dhinteen xildhibaanada kala ah Yuusuf Mire Seeraar, Cabdiweli Aw-Maxamuud iyo weliba dad kale oo uu ku jiray askari Ahlusuna katirsanaa, halka ay ku dhaawacmeen xildhibaan Cabdirisaax ***** Biixi oo la sheegayo inuu dhaawiciisu culus yahay, siyaasiga Axmed Cabdisalaan, xildhibaan Xuseen Cabdi Samatar iyo weliba dad kale.

 

Dhaawacyada dadkii shalay ku dhaawacmay Dhuusamareeb ayaa waxaa maanta loo qaaday magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya si loogusoo dabiibo halkaas ayada oo ay laba diyaaradood ka qaadeen magaalada Guriceel ee isla gobolka Galgaduud.

 

Sikastaba ha ahaatee, ayada oo la filayo inay soo baxaan faah faahino dheeraad ah oo ku saabsan ninkii shalay isku qarxiyay Dhuusamareeb ayaa waxaa muuqato inay Alshabaab markastaba la timaado hab cusub oo ay ku fulinayso qaraxyadeeda.

 

Sida looga bartay Xarakada ALshabaab, waxa ay inta badan soo gudbin jirtay magaca iyo muuqaalka qofka is qarxiya balse weli lagama hayo Alshabaab magaca iyo meesha uu kayimid ninkii shalay is qarxiyay inkastoo ay xili hore tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this