Liibaan Posted May 2, 2012 Maamul Goboleedka Galmudug Oo Ka Horyimid Ansixinta Dastuurka Shisheeyaha Lasanod Online. Wednesday, May 02, 2012 Galkacyo,(lasanod Online)- Maamulka Galmudug ayaa waxay maanta si cad u sheegeen inay kaasoo horjeedaan ansixinta qabyo qoraalka Dastuurka cusub. Kullan maanta ay ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxa ay kaga doodeen Dastuurka uu muranka ka taagan yahay ee loo sameynayo dalka Soomaaliya. Waxaana Mas’uuliyiinta Galmudug ay si cad u sheegeen inay jiraan qodobo dhowr oo ku jira Dastuurka oo si toos ah ugu hor imaanaya Diinta Islaamka oo ay diidanyihiin. Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federalka ee Maamulka Galmudug Xasan Faarax oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay inay jiraan qodobo ilaa iyo iminka aan la kala cadeynin, isagoo xusay in Dastuurka ay ku jiraan qodobo ay ka hor imaanay Diinta Islaamka sida uu hadalka u dhigay. Hadalkan kasoo yeedhay Maamulka Galmudug ayaa waxa uu imaanaya xilli muddooyinkii dambe ay jireen, siyaasiin, aqoonyahanno, Xildhibaano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Muqdisho oo si cad u sheegay inay Dastuurka ay ku jiraan qodobo u baahan in dib loogu noqdo. Copyright © 2012 Lasanod.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 2, 2012 Good news dastuurkan degdega badan eeh umada lugu qasbayo hala diido. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mukulaalow Posted May 2, 2012 Xaaji Xunjuf;825827 wrote: Good news dastuurkan degdega badan eeh umada lugu qasbayo hala diido. Alla ninku koonfur fowdo la jecelaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 2, 2012 Mukulaalow fawdo maha wa cadalaad tageer umada badankooda wa diideen dastuurka , Axmed ismaciil samatar iyo cali khalif galaydh ma fawdo bay la jecelyihin Somalia. if you want Somalilands opinion as a country they don't really care ma kala jecla dastuur ama dastuur la aan. Laakin anigu oday wayn baan ahay wixi dadka Somalia u wanaagsan waan ka hadli maslaxad baan ka shaqeynaya. Quote Share this post Link to post Share on other sites