Liibaan Posted May 2, 2012 Jaaliyadda Khaatumo Ee Seattle Qado Sharaf U Samaysey Ra'iisal Wasaarihii Hore Prof. Mohamed Farmaajo-(Sawiro)- Lasanod Online. Wednesday, May 02, 2012 Seattle,(lasanod Online)- Maalinimadii Axada ee April 29keedii ayaa Jaalliyada Khaatumo State of Somalia la qaadatay qado sharaf.. si aad u heersaraysay loo soo agaasimay ra`isal wasaarihii hore ee Somalia ahna xoghayaha guud ee xisbiga Tayo mudane: Mahamed Abdillaahi Faramaajo oo maalmahanba booqasho ku joogay magaalada Seattle. Daawo Sawiro Xafladan ayaa ka dhacday mid ka mida hudheelada safka hore kaga jira martisoorka aduunka, kaas oo ku yaal biyaha bada Pacifiga dusheeda, Ka sokow casuumada ra`isal wasaaraha ,madashani waxay kulmisay labada beelood ee waalaalaha ah ee *********** iyo Sede oo si niyadsami badani ka muuqatay kaftan googoos ah iyo is xog waraysi hooseba dhexmaray. Waxaana kulanka furay gudoomiyaha Jaalliyada Khaatumo State ee Seattle mudane Cabdisayid Jaamac Saleebaan oo gacmo furan iyo qalbi furanba ku soo dhaweeyey martisharaftii xaflada ka soo qaybgashay. Intaa ka dib waxaa isaguna khudbad dhinacyo badan taabanaysay aadna loogu riyaaqay ka soo jeediyay madasha Eng. Nuur Maxu`d Gaas oo ka mid ah Golaha Marjaca ee Khaatumo State isagoo mudane Faramaajo uga mahadceliyay mudadii yarayd ee uu xilka hayay iyo waxqabadkii weynaa ee uu dalka ku soo kordhiyay.Wuxuuna u rajeeyey in Illaahay la garabgalo dadaalka is bedeldoonka ah ee uu wado. Waxaa isaguna khudbad aad qiima badnayd ka soo jeediyay madasha Col. Hussein Caateeye oo ah halgamayaasha Khaatumo State. Kornaylku wuxuu ka waramay taariikho hore,wuxuuna hoosta ka xariiqay in midnimada la xoojiyo.Iyadoo labada beelood ee walaalaha ahi leeyiihiin xidhiidh iyo iskaashi qotadheer oo soo jireen ah, ilaa maantana aan wax u kordha mooyee marnaba hoos u dhac ku iman. Sidoo kale waxaa isna madasha ka hadlay Axmed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ku nuuxnuuxsaday in la xoojiyo midnimada beelaha walaalaha ah, isagoo tilmaamay in dadku yahay wiil iyo adeerkii iyo wiil iyo abtigii, isagoo hadalkiisii sii watana wuxuu yidhi "Waxaynu nahay isku mid dhamaanteen." Ugaasku wuxuu umada Soomaaliyeed ugu duceeyey in Illaahay dhibta ka saaro, wanaagna ugu bedelo shidooyinkan soo noqnoqnaya. Waxaa isaguna madasha ka hadlay Suldaan Maxamuud (Suudi) oo si guud iyo si gaar ahaaneedba uga hadlayi qiimaha midnimadu leedahay wuxuuna Suudi tilmaamay in cadaaladii weli laalantahay dhibtuna halkaa Soomaali ka haysato, wuxuuna hadalkiisii ku khatimay mahadnaq balaadhan oo uu u jeediyaya Jaalliyada Khaatumo ee Seattle. Ugu danbayntii waxaa gabagabadii kulankii soo xidhay mudane Faramaajo oo ku hadlayay magaca xisbiga Tayo ee Soomaaliyeed, Faramaajo wuxuu sharaxaad ka bixiyay xisbiga uu odayga ka yahay iyo himilooyinkiisa, wuxu sidoo kale xusay in Soomaalidu mushkiladeeda iyadu xalisato oo aanay shisheeye uga fadhiyin inay wax u qabtaan. "Guulaha milatery ee dawladaydii gaadhay waxaa aniga igala miisaan badan dib u heshiisiinta ay ka dhex waday shucuubta Soomaalida, taas oo meelo badan oo dab ka shidnaa Ilaahay nagu guuleeyey inaan demino." Ayuu yidhi mudane Faramaajo. Wuxuu intaa raaciyay inaan laga daalin suluxa umada Soomaalieed dhexdiisa laga wado ha ahaado qoys,beelo ama gobolo intaba, wuxuuna ku dardaarmay in midnimada umada Soomaaliyeed la xoojiyo meelna looga soo wada jeesto. Kulankan oo haa mid qaatay saacado daban ayaa ku ku soo gabagaboobay jawi aad u heer sareeyey oo is faham iyo farxad badani ka muuqatay. Copyright © 2012 Lasanod.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Macallinka Posted May 2, 2012 Maashallah beautiful people ! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kilwe Posted May 3, 2012 Hugaamiyaha Mustaqbalka Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 3, 2012 Kan farmaajo na cheese cun iyo casho kama dhamado wabu dhergey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Yunis Posted May 3, 2012 ^Meesha cunto + Tayo aya lagu hayaa.. I recognize few old neighbors from the 1st image from my Sea-town days...Guul 4 Khatumo iyo Tayo :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted May 3, 2012 Kilwe;825948 wrote: Hugaamiyaha Mustaqbalka Kilwe waa runtaa, Prof. Farmaajo waa Hogaamiyaha Mustaqbalka Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted May 3, 2012 Prof. Mohamed Farmaajo meeting with KHaatumo State Senator & Member of KHaatumo Supreme Council of G10 Eng. Nuur Maxu`d Gaas Prof. Mohamed Farmaajo meeting with KHaatumo State Senator & Member of KHaatumo Supreme Council of G10 Eng. Nuur Maxu`d Gaas Prof. Farmaajo And Khaatumo Leader Eng. Nuur Gaas KHaatumo State Leader Eng. Nuur Gaas Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mario B Posted May 3, 2012 Good stuff! :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted May 3, 2012 Mashallah si wacan ayaa loso dhoweeyey. I hold this man in the highest regard. Ilahaay hadaayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites