Sign in to follow this  
Somalia

Al-Shabaab: Dhuusamareeb Attack Was Revenge For Emir Ceyrow

Recommended Posts

Somalia   

Muqdisho (RBC) Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkii isqarxinta ee ka dhacay shaley Dhuusamarreeb ay ugu aargudaayeen Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa hoggaamiyihii hore Ururkooda.

 

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamud Raage “Cali Dheere” oo la hadlaayay Idaacaddaha Muqdisho, ayaa sheegay in qarixii shaley lagu dilay xildhibaano iyo saraakiil kale ee ka dhacay Dhuusamarreeb ay ugu aargudaayeen dilkii Adan Xaashi Ceyrow oo 1-dii May 2008-dii ciidamada Mareykanka ay ku dileyn magaaladaas.

Wuxuu yiri ” Mujaahidiinta waxa u suura gashay in Macalinkoodii Aadan Xaashi u aargudaan, maxaa yeelay gaalada iyo xabashada ayaa iyaga ku dilay Dhuusamarreeb”

 

Wuxuu intaa ku darayy hadalkiisa in goobta qaraxa uu ka dhacay ay ahayd meel la doonayay in looga hadlo sidii look ala qaybin lahaa shacabka ku dhaqan Gobolada dhexe isla markaana dadka Cadowga ah ee dalka ku soo duulay gacanta looga gelin lahaa Ummadda Soomaaliyeed.

 

Wuxuu yiri Cali Dheere raga ku dhintay qaraxaas waxa ku jiray ragii ka dambeeyay dilkii Adan Ceyrow, kuwaas oo hadda doonayay in ay kala qayb qaybiyaan Umadda Soomaaliyeed loona gacan geliyo Gumaysi.” .

Sidoo kale, waxa uu afhayeenka Al-Shabaab digniin u diray Xubnaha dawladda Federaalka ee hadda kawada gobalada dalka in ay maamulo hoostaga DKMG ah ay ka sameeyaan halkaas.

 

Si kastaba, Qaraxa Shalay ka dhacay Magaalada Dhuusa marreeb ee xarunta gobalka Galgaduud ayaa siyaabo kala duwan loo cambaareeyay,waxana Guddoomiyaha fulinta ee Maamulka ahlu sunana Maxamed Yuusufo Xeefow uu sheegey in ay Maxkamad soo taagi doonaan goor ay nootaba Rag uu ka mid yahay Cali Dheere Afhayeenka Al- Shabaab.

 

Al-Shabaab dhowr jeer ayey sheegtay masuuliyada dhowr weerar oo ka dhacay Soomaaliya, qarixii Dhuusamarreeb waa kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale oo ay ka sameeyaan gobalka Galgaduud.

Magaalada Dhuusamarreeb oo, 560 km ujirta dhinaca waqooyi caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxa hadda maamula kooxda Ahlu Sunna, dhowrsano laakin dhowr jeer ayey dhacday in magaalada Al-Shabaab qabsadaan oo ay ku jirto bishii March ee sanadkan.

 

Xildhibaan Daahir Amin Jesow waxa uu ka mid ahaa ragii ku sugnaa goobta qaraxa, wuxuu u sheegay wakaalada wararka Reuters in qaraxa uu ka dhacay Hotelle oo markaas shaax ay cabaayen, kadibna uu isku qarxiyay nin isoo midaamiyay, wuxu yiri dhowr qof oo ay ku jiraan labo xildhibaan ayaa ku dhintay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this