Sign in to follow this  
Mukulaalow

Professor Muusa Suudi Yaloxow oo diiday dustuurka cusub.

Recommended Posts

Muuse Suudi oo Sheegay in uusan Umada Soomaaliyed u Cuntamayn Dastuurka Cusub

 

May 1, 2012 - 2

 

 

Xildhibaan Muuse Suudi iyo Waxgarad kale oo si adag uga soo horjeestay dastuurka cusub ee Soomaaliya sheegayna inaysan aqbalayn.

 

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo ka mid ah waxgaradka iyo xildhibaanno ku shiray Muqdisho kana soo horjeestay dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay inaysan aqbalayn dastuurka.

 

Mudane Muuse Suudi ayaa ku tilmaamay dastuurka mid aanay ogolaan karin isla markaana uu yahay gogol-dhaaf aanay kasoo baxayn wax ay dani ugu jirto dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

“Dastuurkan lala rooraayo waa mid aanay dani ugu jirin dadka, innagu mas’uuliyiin ayaan nahay waana na weydiinayaan dadka aan xildhibaannada u nahay, marka wax aan u jeedno inaysan wanaagsanayn ma ogolaan karno,” ayuu yiri xildhibaanka oo si cad u sheegay inay dadka reer Muqdisho kasoo horjeedaan dastuurka.

 

Xildhibaan Muuse Suudi ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen in lagu tilmaamo dad qas-wadayaal ah haddii ay ka hadleen dastuur ay u jeedaan inaysan dani ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

“Annagu ma ogolaan karno in dastuur ay ku qoran tahay qofkii ajnabi ah ee dalka jooga shan sano wuxuu noqonayaa muwaadin. Waxaan nahay 10-Milyan haddii ay 100-milyan oo Shiine ah ay nasoo dul-dagaan shan sanana ay dalka joogaan waxay noqonayaan muwaadiniin, dalka waa nalaga qaaday markaas,” ayuu yiri xildhibaan Yalaxoow.

 

Mudane Muuse Suudi ayaa gabagabadii hadalkiisa ku sheegay in haddii la ogolaado in wax laga bedelo khaladaadka ay ka tabanayaan datuurka cusub ay soo dhaweyn doonaan kuwaasoo uu ku sheegay inay ka mid yihiin waxyaabo diinta islaamka ka horimaanaya balse uusan ka sheegin goobta.

 

Ugu dambeyn, waxaa iyana ka hadlay kulanka looga horjeeday dastuurka ee ka dhacay Muqdisho xubno uu ka mid yahay Prof. Maxamed Faarax Jimcaale oo hoosta ka xariiqay in dastuurkan uu yahay mid ay dalal shisheeye ah wataan lana doonayo in lagu kala googoosto Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Federalism is what they are trying to oppose but don't know how to say it since it will contradict the TFG they have been part of since 2004 is based on federalism political dispensation :D

 

War Yalaxow waa la hayyaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beelweynta ****** oo yeeshay kulan looga soo horjeedo dastuurka qabyo qoraalka iyo xubno si la yaab leh uga hadlay

 

shirkaan ayaa xubnihii ka soo qeybglay isku aragti ka noqdeen dastuurka qabyo qoralka oo lagu tilmaamay in la aqbali karin qodobadiisa

Shir balaaran oo ay yeesheen xildhibaano iyo siyaasiyiin ka soo jeedo beelaha ****** oo si weyn looga soo horjeestay qabyo qoraalka dastuurka

Ka gadaal kulan balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka qeybgaleen xildhibaano ,siyaasiyiin ,aqoonyahano culumaaudiin haween ,dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay kuwaas oo ka soo jeedo beelaha ****** ayey ganafka ku dhufteen dhamaan xubnihii ka qeybgalay .

 

Waxaana ay sheegeen in guud ahaanba qalad uu yahay dastuurka qabyo qoraalka oo la doonayo in la ansixiyo dhawaan waxaana meelmarintiisa ku howlan xubno ka tirsan masuuliyiinta dowlada KMG Somaliya si dalka loogu dhaqo .

 

Kulanka oo ay ka soo qeybgaleen siyaasiyiin iyo xildhibaano masraxa siyaasada dalka si aad ah uga dhaxmuuqdo ayaa masuuliyiintii ka hadashay waxaa ka mid ahaa maxamed farax jimcaale ,Xildhibaan Muuse suudi yalaxow ,sheikh yuusuf Maxamed siyaad indhacade ,nbadoon Maxamed Xasan Xaad iyo kuwa kale waxayna dhaaantood cadeeyeen in aan bulshadu ku dhaqmi Karin waxyaabaha uu xanbaarsan yahay .

 

Masuuliyiinta ayaa shegay in dartuurka qabyo qoraalku yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka la daalaa dhacayo dagaalada iyo abaaraha ayna u dheer tahay dowlad la,aan iyo iyaga oo aan heli Karin howlaha adeega guud ee bulshada ,waxayna tilmaameen in dastuurka lagu doonayo colaad hor leh oo dhasmarta markale qabaailada somaliyeed dhaxdooda kuwaa oo ay cadeeyeen in aysan fikir iyo talo midna ku laheyn ansixita iyo meelmarinta dastuurka dalku yeelanayo .

 

Qaar kamid ah shaqsiyaadkii madasha shirka ayaa ka dhawaajiyey in masuuliyiinta dowladu kuwooda u ololeynaya ansixinta dastuurka qabyo qoraalka iyaga oo fariin ugu diray in aysan marna ogolaandoonin in mugdi lagu meelmariyo masiirka shacabka Somaliyeed .

 

 

Alxaaji Muuse Suudi Yalaxoow " Dastuurka cusub canugii ku dhasha waa xaaraan qadcan ah" Xildhibaan Muuse Suudi yalaxoow oo maanta ka qeyb galay kulan culus oo ay isugu yimaadeen beesha ****** ayaa si kulul waxa uu mar kale uga hadlay arinta Dastuurka isagoona sheegay in marnaba aanay aqbali doonin.

 

Xildhibaanka ayaa sheegay in dastuurkaan uu yahay mid aan sharci ahayn isla markaana xaaraan ah sidaa darteedna looga baahanyahay beelaha Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay beesha ****** in ay arintaasi iska eegto.

 

"Hawiyoow i maqla ha dhihina waxba nooma sheegina, Dastuurkaan waa mid dalka lagu gaadi rabo, dastuurka cusub canugii ku dhasha waa xaaraan qadcan ah ee dalka yaan loo horseedin

 

xaaraanta, diinta islaamka kuma qotomo, waxaa ku jira wax aan diinta ahay, waxaa kaloo la yiri 5 sano ajnabigii joogaa dalka waa muwaadin, hadii 100-shiinees ah ay dalka timaado 5 sano ay

 

joogaan waa muwadiniin, AMISOM ayaaba wadani noqon rabta waayo shan sano ayeey joogaan marka sidaas ayaa lawadaaye namootiya dastuurkaan oo naga celsha" ayuu yiri Muuse Suudi Yalaxoow.

 

Sidoo kale xildhibaanka waxa uu eedeeyay ra'iisul wasaare Gaas oo uu sheegay in xukuumadiisa aanay dalka waxba ka qaban, isla mar ahaantaana ay tahay xukuumad daciif ah.

 

"Mida kale Ra'iisul wasaaraha hala weydiiyo amaankii dalka halka uu ku sheego, lacagihii uu soo dal dashayna hala weydiiyo halka uu geeyay, baarlamaanka inutuu ku ogyahay,

 

 

waxaad kaloo weydiisaan Ra'iisul wasaaraha dadkii baahnaa intuu ku sheegaa ee abaarta haysay, waxa uu meel ku sheego malahan warqado cad uu meel ku sheegaa, madaxweynahane waa

 

sidaas ee dastuurkaan beenta ah yeeysan sanka naga gelin"ayuu Xaaji Muuse Suudi hadalkiisa raaciyay.

 

Sidoo kale xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in markaan beesha ****** ay baraarugsantahay wax walba oo wanaag ahna diyaar u tahay balse ay garan la dahay kaliya qofkii wanaagaas la wadi lahaa.

 

"****** Dimuqraadi uu rabyaa waana jilacsanyahay ******, waxaana uu rabaa cid wax la qabsata nabadana diyaar aan u nahay laakiin in nala sasabo markii aan seexano ka dibna sanka

 

farta nalaga gelsho yeeli mayno anaga, wixii xoog wadana waan gediheenaa, geddi cad aa loo ridaa kadibna waa la jiidaa" Yalaxoow ayaa yiri.

 

Hadalka xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow ayaa waxa uu imaanaa xilli ay jiraan qabaa'ilo Soomaaliyeed oo si kulul uga soo horjeeda dastuurka cusub ee wadanka Soomaaliya loo sameenaayo.

 

Jnaraalka Yuusuf Maxamed Siyaad indhacade ayaa isagu qaba in beesha ****** ka mid tahay beelaha somaliyeed kuwooda ugu waaweyn isla markaana ay diidi karto wixii ay qalad u argot .

Shirka looga soo horjeedo ansixinta dasturka qabyo qoralka ayaa ku so badanaya magaalada Muqdisho iyada oo baaqyo loo dirayo madaxda dowlada iyo gudiga ku howlan ansixitiisa kuwaaas oo aan dhag jalaq u siineynin

Share this post


Link to post
Share on other sites

AMISOM ayaaba wadani noqon rabta waayo shan sano ayeey joogaan

Xiiji Muuse nimanka amnigiisa ilaaliya ee shabaab ka hor taagan buu u quuri la'yahay inuu baasaboor soomaali ah siiyo.;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Raamsade;825502 wrote:
Goormuu Muuse Suudi noqdey Professor? lol

Muuse Suudi waxaa lagu yaqaanay Budhcad badeeed iyo Budhcad Beriga, waaba mushkilah hadii budhbadeedkii oo dhan sheegtaan Professor Iyo aqoon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

xiinfaniin;825376 wrote:
Federalism is what they are trying to oppose but don't know how to say it since it will contradict the TFG they have been part of since 2004 is based on federalism political dispensation
:D

 

War Yalaxow waa la hayyaa

Exactly.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this