Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Breakingnews TFG Parliamentarians killed in dhuusamareeeb

Recommended Posts

War deg deg ah:- Qaraxka dhacay Dhuusamareeb Xildhibaan Seeraar iyo Xildhibaan Maxamed Aw Maxamuud oo dhintey

Posted by Pi on May 1st, 2012

Warar ka iminka naga soo gaaraya Dhuusa mareeb ayaa no xaqiijiyey inay ku dhinteen Alla ha u naxariistee Xildhibaan Yusuf Mire Maxamuud Seeraar yo Xildhibaan cCabdiwali Shiikh Maxamed owmohamuud iyo 5 qof oo rayid ah, waxaa iyana dhawac ah Korney Cabrisaaq Sheikh Biixi, Xuseen warsame Gafar, iyo Mohamed cabdisalaan oo Wasiir mar ahaan jiray.

Ragaan dhawaca ah qaar ayaa dhawacoodu aad u liitaa lakiin nalooma kala xaqiijin.

 

wixii so kordha kala soco Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax ay ku dhinteen Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Dhuusamareeb ka dhacay

Talaado, May 01, 2012(HOL): Qarax is-miidaamin ah ayaa goor dhaweyd ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee bartamaha Soomaaliya.

 

Qaraxan ayaa ka dhacay goob ay ku sugnaayeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale oo dhawaanahan booqanayay deeggaano ka tirsan bartamaha Soomaaliya.

 

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen tiro dad ah oo uu ku jiro xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar.

 

Dadka dhaawacmay ayaa la xaqiijiyay inuu ku jiro siyaasiga Axmed Cabdisalaam, balse ilaa hadda wararkaasi si toos ah looma xaqiijin karo.

 

Wixii warar ah ee faahfaahsan ee ku saabsan cidda qaraxa fulisay iyo khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay, goor dhow ayaan idiin soo gudbin doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ow Sh!t.

 

This is big blow for the government, Seeraar was one of the juboyinka warlords before the tfg came, Max'ed C/Salan was wasiir xilligii c/lahi yusuf wuxuuna mar ahaa danjirihii UNka. he was also lobbying for Guriceel and middle regions state.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhuusamareeb: (Sh. M. Network) Galinkii dambe ee maanta ayaa qarax ismiidaamin ah waxa uu ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, gaar ahaan goob ay ku sugnaayeen masuuliyiin isugu jira xildhibaano, siyaasiyiin iyo waxgarad uu hogaaminayay Axmed C/salaam Xaaji Aadan.

 

Inta la ogyahay labo xildhibaann oo ka tirsanaa Barlamanka KMG Soomaaliya oo lagu kala magacaabo Yuusuf Mire Seyraar iyo Cabdiwali Aw Max’uud ayaa ku geeriyooday, dad kale oo isugu jira siyaasiyiin, xildhibaan iyo waxgarad waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ay ka mid yihiin Axmed C/salaan Xaaji Aadan iyo xildhibaan Xuseen Warsame Samatar kadib markii qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay qof naftoo hura ah uu ka dhacay goob lagu Shaaheynayay oo ku taala degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

 

Masuuliyiin isugu jira Xildhibaano iyo siyaasiyiin oo Shabelle la hadlay iyagoo goobta ku sugan ayaa xaqiijiyay geerida Xildhibaanadaan, waxaana ay sheegeen in ay dhaawacmeen masuuliyiin kale oo kusugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

 

Wasiirkii hore ee dhaqan celinta Maleeshiyaadka ee dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Cumar Cali Rooble oo ka mid ah siyaasiyiintii la socotay Wafdiga uu hogaaminayay Axmed C/salaan oo Shabelle la hadlay ayaa waxa uu sheegay in mar qura ay ka warheleen qarax dhacay iyo hilbo googo’an oo dhulka daadsan isagoo intaasi raaciyay in dad farabadan ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo uu xusay in si rasmi ah aan loo heyn tira koobkooda.

 

Sheekh Cumar Cali Rooble wasiirkii hore ee dhaqan celinta Maleeshiyaadka ayaa ku eedeeyay in qaraxa ay ka dambeeyeen kooxo uu ku sheegay in ay yihiin arxanlaawayaal inkastoo uusan si rasmi ah u sheegin cida sida tooska ah ugu dambeysa qaraxaasi.

 

Waxaa Mar qura isbadalay goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo halkaasi lagu arkayay bur bur xoogan oo uu sababay qaraxaasi iyo hilbo googo’an oo yaalay goobta, waxaana durba goobtaasi soo gaaray ciidamo iyo masuuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca, iyadoo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasina loo qaaday xarumo caafimaad oo kuyaala gobolka Galgaduud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I suspect Alshabaab, but don't rule out these ASWJ groups since they fiercely rejected Ahmed A/Salan and Indh cadde's porposal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this