Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ahlusuna wal jamaca supports Somalilands quest for statehood

Recommended Posts

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca Ee Somalia Oo Sheegay Inay Taageersan yihiin Qaddiyada Somaliland Xidhiidhna Ka Dhexeeyo

Written by: Xasan Keefkeef

Published: 30/04/2012

 

“Dawladda TFG ha aqoonsato ama yaanay aqoonsan, taasi ra’yigayaga waxba ka bedeli mayso”. Guddoomiyaha Golayaasha Maamulka Ahlusunna-Waraysi Gaar Ah

 

Dhuusamareeb-(Togaherer) – Gudoomiyaha Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaaca ee Badhtamaha Somalia ayaa sheegay inay taageersan yihiin rabitaanka shacabka Somaliland ee ay kaga baxeen midnimadii ay la galeen dalkii la isku odhan jiray Somalia.

 

Gudoomiyaha saddexda gole ee uu maamulka Ahlu Sunna Wal-Jaamaca ka kooban yahay Prof. Xirsi Hilole (Laba-Gare) oo waraysi khaas ah siiyay Wargeyska Saxafi waxa uu kaga waramay aragtida maamulkiisa ee ku aadan madax banaanida Somaliland iyo weliba aragtida ay maamul ahaan ka qabaan wada hadalada la filayo inay dhexmaraan dawladda ku meel gaadhka ah ee Somalia iyo Somaliland. “Dawladda Ku meel gaadhka ahi ha aqoonsato amaba yaanay aqoonsane annagu waanu taageersanahay rabitaanka shacbiga Somaliland” Ayuu yidhi, Gudoomiye Hilole oo ka jawaabayay su’aal ahayd “Haddii dawladda Sheekh Shariif aqoonsato Somaliland ma ku taageeri doontaan? Ayaa waxaa uu ku jawaabay oo uu intaas ku daray “Aqoonsiga siyaasadeed dhowr nooc weeye: mid aqoonsi toosa ah oo dowladdu tidhaahdo dowladdaas waan aqoonsannahay. iyo mid aanay dowladdu si rasmi ah ugu dhawaaqin, laakiin ay xidhiidh siyaasadeed la yeelato dalka kale, sida ayada oo safaarad ka furata. mid kalena waa sida ayada oo xidhiidh ganacsi la yeelata heshiisyana la gasha. Qaababkaas kala duwan ayaa aqoonsiga siyaasadeed noqon karaa. Marka aqoonsi afka laga yidhaahdo wax wayn samayn maayo, waxaan qabaa in ay ka wanaagsantahay, in labada maamul wax wada qabsi yeeshaan iyo wada shaqayn. Ka dibna rabitaanka shacabka loo daayo mustaqbalka. Annagu marwalba waan taageersannahay rabitaanka shacabka Somaliland ama dawladda TFG ha aqoonsato ama yaanay aqoonsan, taasi ra’yigayaga waxba ka bedeli mayso”.

 

Hase yeeshee, mar uu gudoomiyaha Ahlu Sunna ka hadlayay xidhiidhka ka dhaxeeya maamulkiisa iyo Somaliland waxa uu yidhi. “Annaga iyo Somaliland xidhiidh wanaagsan ayaa naga dhexeeya, aad bay noogu taageersanayd la dagaalanka argagixisada Al-shabaab, waxayna noo ogolaatay in aan dekedaha Somaliland kala soo degno wixii aan u baahanno ee taakulayn ah, haddana waxaan rejaynaynaa in xidhiidhkeenno intaa ka sii wanaagsanaado”

 

Laakiin Gudoomiye Hilole oo ka waramaya qaab-dhsimeedka ururkooda waxa uu yidhi. “Ururuka ahlusunna wal jamaaca (ASWJ) wuxuu ka howlgalaa 3 meelood oo kala ah Gobalada dhexe (Mudug, Galguduud iyo Hiiraan), iyo Banaadir iyo gobalada koofureed. Aniga waxaa la ii doortay bishii Agosto ee sanadkii la soo dhaafay Guddoomiyaha saddexda gole ee Ahlusunna ee Gobalada dhexe oo ah deegaanka ugu wayn saddexda deegaan ee ahlusunna ka howl gasho. Maamulkayagu wuxuu ka koobanyahay saddex gole, golaha fulinta, golaha la tashiga iyo golaha garsoorka iyo caddaaladda, saddexda gole waxay leeyihiin guddoomiye guud, waana jagadaas midda la ii doortay”.

 

Gudoomiyaha Maamulka Ahlu Sunna waa Badhtamaha Somalia oo ka hadlaya xidhiidhka ka dhaxeeya maamulkooda iyo dawladda ku meel gaadhka ah waxa uu yidhi. “ ASWJ iyo dowladda ku meelgaadhka ah heshiis ayaa dhexmaray 2010kii, inkasta oo aan heshiiskaas sidii loo baahnaa looga midha dhalin”. Waxaanu intaasi ku daray “Xukuumadda dhexe waxaa ku jira xubno ku soo galay magaca ASWJ inkasta oo aanay ahayn kuwo xidhiidh fiican la leh ururka. Taasna waxaa ugu wacan markii la magacaabayay shakhsiyaadkaas ayaan ururku isku raacin magacaabistooda. Waxaa kale oo ka mid ah in ururka siyaasaddiisii iyo maamulkiisii ay wax iska bedeleen”.

 

Ugu dambayn waxa uu Gudoomiyaha maamulka Ahlu-Sunna ee gobolada dhexe ee Somalia sheegay in sida ugu haboon ee dawladnimo loogu soo celin karo Somalia ay tahay in la ixtiraamo rabitaanka shacabka. Waxaanu yidhi. “ASWJ waxay aaminsantahay in haddii la ixtiraamo rabitaanka shacabka la helayo dawlad wanaagsan”.

 

Warqabadka Togaherer

 

Hargeysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

ASWJ and the gov of SL actually have far better and extensive relations than many realise, including regular contact and support. @ Wikileaks.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

No, this is the tribe of Hassan Dahir Aweys, the Al-Shabaab member and former leader of Islamist Group Al-Itihad.

 

sheikh-hassan-dahir-aweys.jpg

 

For more information on Hassan Dahir Aweys go to his Wikipedia page.

 

He is believed to have been involved in the 1998 embassy bombings in Kenya and Tanzania.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

First Galmudug, then Ximan and Xeeb and now ASWJ support Somaliland's recongnition. Xaaji, what is going on? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Actually it's just 1 clan that has taken different names, Ximan and Xeeb, Galmudug and ASWJ do not even make up a federal state.

 

That's like me announcing I support Somaliland region...

Share this post


Link to post
Share on other sites

after 21 years waxay aheyd inaad tiraahdaan waxaa na aqoonsatay UN, NATO, ARAB LEAGUE, AFRICAN UNION, ISLAMIC CONFERENCE, EU. instead I am hearing waxaa na aqoonsatay ASWJ, XimanXeeb, Malaaq Yaanyuuow, iwm. ;) I see SL back peddling.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mukulaalow no one said iyaga wax ictraafay read the topic support Somalilands quest for statehood wa tageero iyago wa mamuulo waxba ma ictraafi karan laakin waxa la dhisaya xidhiidh with Somalia the better friendly entities towards sl the better for Somaliland the lesser political enemies this has nothing to do with dejure recognition Somaliland is seeking.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Mukulaalow;825047 wrote:
after 21 years waxay aheyd inaad tiraahdaan waxaa na aqoonsatay UN, NATO, ARAB LEAGUE, AFRICAN UNION, ISLAMIC CONFERENCE, EU. instead I am hearing waxaa na aqoonsatay ASWJ, XimanXeeb, Malaaq Yaanyuuow, iwm.
;)
I see SL back peddling.

Exactly!

 

@Xaaji, Galmudug is not recognized yet, it is recognized when it fulfils the requirements of the Garowe Principles which has said it will give it the capacity to fulfil it.

 

Get your facts straight as usual.

Share this post


Link to post
Share on other sites

They are part of the signatures of you're so called road-map they were part of the London conference Somalia there is no mamuul goboleed in Somalia with 2 regions or more only Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

There could be but they are either occupied by Al-Shabaab and Somaliland or they can't unite.

 

Don't blame Puntland, the fact that the TFG has survived is a miracle, which other entity has devoted this much to the federal government?

 

Ilaahi in aad ka baqdid baa fiican, xaasidnimada adiga la kaa arko waa mid aan wiligey arkin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;825048 wrote:
this has nothing to do with dejure recognition Somaliland is seeking.

it has everything to do with the elusive recognition. you realised you just wasted 21 years on trying to build a house from the roof, now your trying to build it from the foundations. and that is a good start, mar haddaad soomaali ka soo raadisay ictiraaf waa wax wanaagsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

The game being played by Somaliland regarding getting support from sympathetic clans is too late, they should have done this at the latest in 2009. The international community has set its foot behind Puntland instead of Somaliland when it comes to the politics of Mogadishu which was one of the great failures of their icon Egal who wanted isolationism.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this