Xaaji Xunjuf Posted April 30, 2012 Xildhibaan sheegay in Gaas uu ku shaqeeyo Fakarka Madaxweyne Faroole SHABELLE MEDIA NETWORK APRIL 30, 2012 Muqdisho: (Sh. M. Network)Xildhibaan Boot Cabdulle Magan oo ka mid ah barlamanka oo waraysi siiyay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali Gaasy ay ku fashilantay wax ka qabashada xaladaha Siyaasadeed iyo midda ammaan ee ka jirta dalka Soomaaliya. Xildhibaan Boot Cabdulle Magan ayaa waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku shaqeeyo fakar u gaar ah Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole maadaama uu matalo 18-ka gobol oo ay ka kooban tahay Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in tan iyo xilligii uu Gaas yimid aysan Xukuumaddiisa soo gudbin wax miisaaniyad ah iyo Lixisabtan dowladeed. Sidoo kale Boot Cabdulle Magan ayaa waxa uu ugu baaqay siyaasiyiinta, Culumaa’uddiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay ka tashtaan aayaha Soomaaliya islamarkaana ay gacamaha is qabsadaan maadaama sida uu tibaaxay Soomaaliya ay kusoo wajahan yihiin dhibaatooyin kala duwan. Muddooyinkii dambe ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada waxa ay muujinayeen mucaaradyada xooggan ee ku saabsan jiritaanka Ra’iisul wasaare Gaas oo ay ku eedeeyeen in uu wado arrimo aan dan u aheyn shacabka Soomaaliyeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted April 30, 2012 what is the accusation? on what does he work for Faroole? Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted May 1, 2012 let every region run its affairs and only then unity among those comfortable getting along..simple.This federal,central or whateva u call can't be imposed..total nonesense in this environment. Quote Share this post Link to post Share on other sites