Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Siyaasiyiin iyo waxgarad ka digay dagaal ka dhasha ansixinta Dastuurka csuub

Recommended Posts

Siyaasiyiin iyo waxgarad ka digay dagaal ka dhasha ansixinta Dastuurka csuub

SHABELLE MEDIA NETWORK APRIL 30, 2012

 

Muqdisho : (Sh. M. Network) Waxgarad iyo siyaasiyiin ayaa ka digay in dagaal sokeeye uu ka dhasho ansixinta Dastuurka la wado in loo sameeyo dalka Soomaaliya.

 

Malaaq Showri Malaaq Coloow oo ka mid ah Malaaqyada ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo u waramay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka la doonayo in lagu ansixiyo Muqdisho uu dhalin doono dagaal Sakeeye oo Dhiig badan sababi kara oo ka dhacay Soomaaliya.

 

Malaaq Showri ayaa ugu baaqay Midowga Afrika oo hormuud u ah Dastuurka inay faraha kala baxaan arrimaha Soomaaliya maadaama shacabka Soomaliyeed gabi ahaantiisaba ay kasoo horjeedaan Dastuurkaasi, isagoo ku eedeeyay Dastuurkaasi inay wataan Ra’iisul wasaare Gaas iyo Madaxweyne Faroole.

 

Sidoo kale Siyaasiga Max’ed Faarax Jimcaale oo isna ka hadlay arrimaha Dastuurka ayaa waxa uu xusay in Dastuurka loogu gon leeyahay in Madaxda dowladda ay kusii fadhiyaan kursiga Madaxtinimo, isagoo taasi badalkeeda shacabka ugu baaqay inay sameeyaan banaanbaxyo nabadeed oo looga soo horjeedo Dastuurka, Ciidamada dowladdana waxa uu faray inaysan dhibaateyn dadka shacabka ah oo doonaya inay ka banaanbaxan Dastuurkaasi.

 

Tan iyo xilligii uu soo if baxay Dastuur cusub oo loo sameynayo Soomaaliya ayaa bulshada qeybaheeda kala duwan waxa ay kasoo horjeesteeni Dastuurka oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid kala fogeynaya shacabka oo aan wax raad ah ku laheyn Shareecada Islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Imposing this document while Somalia is recovering and rebuilding is wrong. there is no single valid reason why it can be prosponed, unless Faroole and Co want to grab power and dictate Muqdisho by legalizing "federalism" state structure.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Pirates exposed thmslvs many times ova.No one gives thm ear nxt time even when telling nothing but the whole truth.Spin,propaganda & power grab become synonymous with that entity:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this