Xaaji Xunjuf Posted April 30, 2012 Dagaalyahano Ka Soo Jeeda Dalka Kenya oo Ku Biiray Xarakada Al-Shabaab Wadaadka ugu saraysa koox diimeedka dalka kenya shiikh Cali Iiman Axmed ayaa cajal muuqaal ah ku sheegay in ay ku biireey Xarakada al-Shabaab ee soomaliya. Sheekh Iiman ayaa sheegay in ku biiritaankooda Al-Shabaab ay ku xoojinayaan dagaalada ka socda Soomaliya ee xarakada Al-shabaab ay kula jirto dawlada kenya iyo Soomalaiya . Shiikha ayaa sidoo kale sheegay in codsiga ku biiritaanka al-Shabaab ay u gudbiyeen amiirka Ururka al-Qaacida e bariga Africa isla markaana ah amiirka Xarakada A-Shabaab ee soomalia Sheekh Mukhtaar Abuu-Subeyr isla markaana uu ka qabalay in ay si toos ah ugu biiraan. Wadaadkan oo ku hadlay afka sawaaxiliga ayaa dhanka kale ka hadlay dagaalada ay kula jiraan dawlada kenya waxaana uu sheegay in kooxdiisu ay haysato awood ay ku muquunin karto ciidamada Kenya. Sheekh Cali Iiman ayaa sheegay in ku biiritaankooda Al-shabaab ay soo celin karto Imaaradii Islaamka ee ka jirtay gobolada bariga Afrika waxaana uu ku daray in ay taasi tahay mawqifkooda koowaad ee ay dagaaladan ugu jiraan. Sheekha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhamaan muslimiinta ku nool dalka kenya in ay garab istaagaan isla markaana ay ku taageeraan dagaalka lagula jiro cadawga ilahey . Ku biiritaanka kooxda Cali Iimaan iyo xarakada al-Shabaab ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhowar maalin ka hor qarax banbaano lagu weeraray kaniisad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya . Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mukulaalow Posted April 30, 2012 Wallee nimankan dagaal diimeed hor leh bay keenya kasoo wadaan. Muslimiinta Kenya waxay ka mid yihiin minorities-ka aduunka ugu xuquuqda wanaagsan, kristanka & muslimiinta kenyana waa dad is qadariya oo waligood xumaan dhex marin, laakiinse hadda shabaab iyo Qaacida oo billaabay inay kaniisadaha dadka ku qarxiyaan haddaan layska qaban Kenya wax xun baa kasoo socdo oo nigeria way ka dareysaa, soomaalida daganna hantidooda waa u dhamaatay. Quote Share this post Link to post Share on other sites