Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Kenyan Islamists Join Alshabaab Amiir Godane welcomes them

Recommended Posts

Dagaalyahano Ka Soo Jeeda Dalka Kenya oo Ku Biiray Xarakada Al-Shabaab

 

Wadaadka ugu saraysa koox diimeedka dalka kenya shiikh Cali Iiman Axmed ayaa cajal muuqaal ah ku sheegay in ay ku biireey Xarakada al-Shabaab ee soomaliya.

 

Sheekh Iiman ayaa sheegay in ku biiritaankooda Al-Shabaab ay ku xoojinayaan dagaalada ka socda Soomaliya ee xarakada Al-shabaab ay kula jirto dawlada kenya iyo Soomalaiya .

 

Shiikha ayaa sidoo kale sheegay in codsiga ku biiritaanka al-Shabaab ay u gudbiyeen amiirka Ururka al-Qaacida e bariga Africa isla markaana ah amiirka Xarakada A-Shabaab ee soomalia Sheekh Mukhtaar Abuu-Subeyr isla markaana uu ka qabalay in ay si toos ah ugu biiraan.

 

Wadaadkan oo ku hadlay afka sawaaxiliga ayaa dhanka kale ka hadlay dagaalada ay kula jiraan dawlada kenya waxaana uu sheegay in kooxdiisu ay haysato awood ay ku muquunin karto ciidamada Kenya.

 

Sheekh Cali Iiman ayaa sheegay in ku biiritaankooda Al-shabaab ay soo celin karto Imaaradii Islaamka ee ka jirtay gobolada bariga Afrika waxaana uu ku daray in ay taasi tahay mawqifkooda koowaad ee ay dagaaladan ugu jiraan.

 

Sheekha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhamaan muslimiinta ku nool dalka kenya in ay garab istaagaan isla markaana ay ku taageeraan dagaalka lagula jiro cadawga ilahey .

 

Ku biiritaanka kooxda Cali Iimaan iyo xarakada al-Shabaab ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhowar maalin ka hor qarax banbaano lagu weeraray kaniisad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya .

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wallee nimankan dagaal diimeed hor leh bay keenya kasoo wadaan. Muslimiinta Kenya waxay ka mid yihiin minorities-ka aduunka ugu xuquuqda wanaagsan, kristanka & muslimiinta kenyana waa dad is qadariya oo waligood xumaan dhex marin, laakiinse hadda shabaab iyo Qaacida oo billaabay inay kaniisadaha dadka ku qarxiyaan haddaan layska qaban Kenya wax xun baa kasoo socdo oo nigeria way ka dareysaa, soomaalida daganna hantidooda waa u dhamaatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this