Sign in to follow this  
Dr_Osman

Garowe: 70 IDPS And 30 Locals Getting Skilled Up In A Technical Trade For 6 Months. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

GAROOWE : Ururka Somali Family Service (SFS) oo daah-furay Mashruuc Xirfado lagu barayo Barakacayaal iyo Dadka Deegaanka

 

April 29, 2012 7:10 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

Garoowe:-Ururka Somali Family Service (SFS) ayaa maanta daah-furay Mashruuc Xirfado kala gadisan lagu barayo dad isugujira Barakacayaal iyo Dadka deegaanka kaas oo socon doona muddo 6 bilood ah oo ay maalgalisay hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga UHNCR.

 

Maxamed Xaamid oo ka mid ah hawlwadeenda SFS ayaa waxa uu sheegay in 100 q0f oo 70 ay yihiin Barakacayaal 30 ay yihiin dadka Deegaanka la bari doono xirfado kala duwan oo ay ku shaqaysan doonaan si suuqa ay ula qabsasdaan.

 

Barakacayaaasha, ayuu sheegay in la bari doono Xirfado ay ka mid yihiin Makaanik, Alxan, Tolida Dharka iyo Karinta Dharka, dadka deegaanka ayuu sheegay in la bari doono Kumbuutar iyo Xisaabaad.

 

Maxamed, waxa uu la tababarayaasha ku dhiiriyay in ay ka faa’iideystaan mudada uu socdo Mashruuco ayna maanka ku hayaan in dad gaaraya 6000 laga soo xushay, sidaasdarteedna aysan khasaarin ujeedada laga leeyahay Mashruuca oo ah in laga faa’iideysto, si qof kastaaba uu u ahaado xirfadle.

 

Cabdilaahi Cali Jaamac Agaasimewaaxeedka Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland

 

Cabdilaahi Cali Jaamac Agaasimewaaxeedka Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxa uu ka hadlay ahmiyada ay leedahay Waxbarashaddu, waxaana uu sheegay in qofka marka u wax barto oo xirfad leeyahay uu yahay qof sharaf leh oo isku filan, waxaana uu la tababarayaasha ku bogaadiyay in aysan lumin fursadan qaaliga ah oo ay ka faa’iideystaan.

 

Duqa Caasumadda Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi ayaa ammaan u jeediyay hay’adaha midna fulineyso mid maalgalisay ee SFS iyo UNHCR, waxaana uu sheegay in si dhab ah looga faa’iideysto Mashruucan oo uu sheegay in dadaal dheeraad ah oo ay sameeyeen SFS uu ku yimid, waxa uu sheegay in uu isagu goobjoog u ahaa markii masuuliyiinta SFS ay Xafiiska UNHCR ay ku leedahay Nayroobi ay ka codsanayeen Mashruucan.

 

Sargaal ka socdey UNHCR, ayaa aad ugu mahadqnay SFS, waxaana uu la tabarayaasha ku dhiiriyay in ay ka faa’iideystaan Mashruuca, waxaana uu sheegay in ay kormeer ku sameyn doonaan sida uu u socdo mashruucu.

 

Beexaani Axmed Bare Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha ee dhanka Barakacayaasha ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in aan laga abaal dhicin dadka isku soo taxalujiyay hirgalinta Mashruucan iyo sidii uu ahaaan lahaa mid taabagala, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga faa’iideysto mudada uu socdo oo aan shaley imaan oo aan wakhtiga la dayicin amaba iyada oo niyaddu maqan tahay aan la imaan tababarka.

 

Sikastaba, SFS, ayaa deegaamada Puntland ka wada dhowr Mashruuc oo wax ku ool ah oo dadka deegaanku ay ka faa’iideystaan.

 

Puntlandpost.com

 

Maxamed Xaamid (SFS)

S1.jpg

 

Cabdilaahi Cali Jaamac Agaasimewaaxeedka Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland

cabdilaahi.jpg

 

Cabdicasiis Nuur Cilmo Duqa Garoowe

S4.jpg

 

Sargaal ka tirsan UNHCR

S5.jpg

 

Beexaani Axmed Barre Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland

Beexani.jpg

 

Barakacayaal iyo Martigaliyaan Xirfado la barayo

S3.jpg

 

Masuuliyiin kala duwan

S2.jpg

 

Xogta Mashruuca

S.jpg

 

SFS

sfs.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this