Dr_Osman Posted April 29, 2012 GAROOWE : Ururka Somali Family Service (SFS) oo daah-furay Mashruuc Xirfado lagu barayo Barakacayaal iyo Dadka Deegaanka April 29, 2012 7:10 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor Garoowe:-Ururka Somali Family Service (SFS) ayaa maanta daah-furay Mashruuc Xirfado kala gadisan lagu barayo dad isugujira Barakacayaal iyo Dadka deegaanka kaas oo socon doona muddo 6 bilood ah oo ay maalgalisay hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga UHNCR. Maxamed Xaamid oo ka mid ah hawlwadeenda SFS ayaa waxa uu sheegay in 100 q0f oo 70 ay yihiin Barakacayaal 30 ay yihiin dadka Deegaanka la bari doono xirfado kala duwan oo ay ku shaqaysan doonaan si suuqa ay ula qabsasdaan. Barakacayaaasha, ayuu sheegay in la bari doono Xirfado ay ka mid yihiin Makaanik, Alxan, Tolida Dharka iyo Karinta Dharka, dadka deegaanka ayuu sheegay in la bari doono Kumbuutar iyo Xisaabaad. Maxamed, waxa uu la tababarayaasha ku dhiiriyay in ay ka faa’iideystaan mudada uu socdo Mashruuco ayna maanka ku hayaan in dad gaaraya 6000 laga soo xushay, sidaasdarteedna aysan khasaarin ujeedada laga leeyahay Mashruuca oo ah in laga faa’iideysto, si qof kastaaba uu u ahaado xirfadle. Cabdilaahi Cali Jaamac Agaasimewaaxeedka Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdilaahi Cali Jaamac Agaasimewaaxeedka Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxa uu ka hadlay ahmiyada ay leedahay Waxbarashaddu, waxaana uu sheegay in qofka marka u wax barto oo xirfad leeyahay uu yahay qof sharaf leh oo isku filan, waxaana uu la tababarayaasha ku bogaadiyay in aysan lumin fursadan qaaliga ah oo ay ka faa’iideystaan. Duqa Caasumadda Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi ayaa ammaan u jeediyay hay’adaha midna fulineyso mid maalgalisay ee SFS iyo UNHCR, waxaana uu sheegay in si dhab ah looga faa’iideysto Mashruucan oo uu sheegay in dadaal dheeraad ah oo ay sameeyeen SFS uu ku yimid, waxa uu sheegay in uu isagu goobjoog u ahaa markii masuuliyiinta SFS ay Xafiiska UNHCR ay ku leedahay Nayroobi ay ka codsanayeen Mashruucan. Sargaal ka socdey UNHCR, ayaa aad ugu mahadqnay SFS, waxaana uu la tabarayaasha ku dhiiriyay in ay ka faa’iideystaan Mashruuca, waxaana uu sheegay in ay kormeer ku sameyn doonaan sida uu u socdo mashruucu. Beexaani Axmed Bare Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha ee dhanka Barakacayaasha ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in aan laga abaal dhicin dadka isku soo taxalujiyay hirgalinta Mashruucan iyo sidii uu ahaaan lahaa mid taabagala, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga faa’iideysto mudada uu socdo oo aan shaley imaan oo aan wakhtiga la dayicin amaba iyada oo niyaddu maqan tahay aan la imaan tababarka. Sikastaba, SFS, ayaa deegaamada Puntland ka wada dhowr Mashruuc oo wax ku ool ah oo dadka deegaanku ay ka faa’iideystaan. Puntlandpost.com Maxamed Xaamid (SFS) Cabdilaahi Cali Jaamac Agaasimewaaxeedka Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdicasiis Nuur Cilmo Duqa Garoowe Sargaal ka tirsan UNHCR Beexaani Axmed Barre Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland Barakacayaal iyo Martigaliyaan Xirfado la barayo Masuuliyiin kala duwan Xogta Mashruuca SFS Quote Share this post Link to post Share on other sites