Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Amina Mooge one of Uganda's most wealthiest people invites the Somaliland team to Laburnam Courts

Recommended Posts

Marwo Aamina xirsi Mooge oo kamida Maalqabeenada Dalka Uganda oo Maanta Dhismeheeda QaaligaAh Ku Casuuntay Ciyaartoygii Ku Ciyaarayey Magaca Caasimada Hargaysa ee Somaliland.

 

UGANDA(OWN)- Marwo Aamina xirsi Mooge oo kamida maalqabeenada dalkan Uganda ayaa maanta dhismeheeda qaaliga ku casuuntay ciyaartoogi ku ciyaarayey magaca Caasimada Hargaysa Marwo Amina Xirsi Mooge oo dhalasho ahaan kazoo jeeda S.land ayaa kamida 10 qof e ugu qanisan dalkan uganda, iyadoo guud ahaan ka ganacsata Dhismaha iyo sidoo kale qalabka dhismaha, waxanay magalada Kampala ku leeday dhismayaal ay kamid yihiin Oasis Shopping Mall, oo uu kuyaal Supermarket magalada ugu wayn ee Nakuma iyo dhismaha ay maanta ku qaabishay ciyartoga oo lagu magacabo Laburnam Courts oo ah guryaha isku dhamayska tiran ee loogu tala galay dadka lacagta haysta iyo wufuuda calamiga. Ciyaartoogan ayaa ayaamihii u danbeyey ku suganaa casimada dalkan Uganda si ay uga qayb qaatan Wareega kubada Kolayga ee Kooxaha Magaaloyinka Bariga iyo Badhtamaha Africa oo sanadkasta ay soo qaban qaabiso FIPA Africa, oo ah koox u dhaqdhaqaaqda horumarinta kubada Kolayga Wareegan aya waxa guud ahaan kazoo qayb galay kooxo ka kala socoday magaaloyinka Kampala, Mokono, Moyo, Mombasa, Kigali, Juba, Moqdisho iyo Hargaysa, dhawrkan kooxd aya loo qaybiyey laba group oo kala ah A iyo B, Wareega aya ku dhaw gaba gabo, iyado lagu wado inu so xidhmo 29 April 2012 Waa markii u horeeysay ee koox ka socota S.land kazoo qayb gasho wareegan, kooxdan oo dhamaysatay ciyarehoodi aya waxay isku dheceen Kooxo ka kala socda Magalooyinka Mombasa, Mokono iyo Kigali oo kala ah dalalka Kenya, Ungada iyo Rwanda (siday u kala horeeyan). Ugu danbayntii kooxdan oon marna guulaysan ayaa lagu wada inay dhawan ku laabtan dalkii iyadoo la hubo inay la gurya noqon doona waayo aragniyo iyo xirfado cusub.

Oodweynenews.com/Kampala, Uganda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this