Sign in to follow this  
Somalia

Galmudug Election Thread

Recommended Posts

Somalia   

The Galmudug Election has taken a dramatic turn with the candidacy of Mujaahid General Qeybdiid who has a long and distinguished career.

 

General Qeybdiid.

He was the Police Chief of Mogadishu in 2001.

 

He held up bravely and was the last to fall against the Islamists in Mogadishu, the same ones that today are fighting as Al-Qaeda.

 

He took part in the foundation of Somalia's second federal state Galmudug. He was part of those who defended those regions against the expanding Islamist forces.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Omar Suuri Musharax / Xildoon Miyaa ?

 

ASC Salaan ka bacdi waxaan bulshada Galmudug ugu baaqayaa Alle ka cabsi , midnimo , iyo wadashaqayn iyo iscafis. Intaanan qorin jawaabta cinwaanka qoraalkaygaan, waxaan jeclaystay inaan wax ka taabt waxii aan soo qabtay muddaadii aan Galmudug ku sugnaa, waxaan u mahad celinayaa dhamaan intii gacan igu siisay.

 

1. Waxaan waxqabadkayga ka soo bilaabay dhismihii iskuulkii ugu horeeyay ee degaanada Galmudug laga dhiso bilowgii sanadkii 2000. Iskuulkaas oo maanta ardadii ka soo baxday yihiin macalimiin , shaqaale iyo arday jaamacadaha dhigata.

 

dhagax%20dhig%20school%20Cumar%20Suuri.j

 

Waxaan aad ugu farxay markaan booqday iskuul ka mid ah iskuulada Galmudug oo macalimiintii isoo dhawaysay 4 ka mid ah ay ahaayeen kuwii ayagoo yar yar aan iskuulka qoray.

 

2. 2005 Waxaan tagay Gaalkacyo Waqtigaas oo bulshada aan ku wacyi gelinaynay baahida maamul shaqeeya loo qabo, isla markaasna waxaan ”survey” ku soo sameeyay Airport-ka iyo dekeda Hobyo sidii loo dhisi lahaa.

 

3. 2007 waxaan Galmudug u tagay inaan bilaabo qorshihii dhismaha Airportka Hobyo oo weli aan sugayno dhismihiisa dhaqaalo badan oo Jaaliyada aan ka soo qaadnayna ku bixinay. Insha Allah waxaan ku rajo waynahay in mashruucaas hirgelino sanadkaan. Waxaa kale oo la taliye u noqday Ku simaha Madaxweynaha Galmudug Mudane Abdi samad.

 

4. Bilowgii 2008 waxaan dib u habayn ku sameeyay xaruntii caafimaadka ee magaalada Hobyo oo muddo dheer xirnaa ka dibna aan ku wareejiyay gudoomiyihii gobolka - Caalin. Waxaa dhaqaalaha bixiyay Gabdhaha Galmudug ee Norway iyo Birmingham.

 

5. Feb-March 2008 Waxaan gudoomiye u ahaa gudigii abaaraha ee Galmudug State. Qofna looga sheekayn mayo sidii hufnayd ee gudigaas u gutay waajibaadkiisa wadan

 

5%20Masuliyinta%20galmuudg.JPG

 

April – October 2008 ka dib markii maamulkii habacsanaan ku timi wasiiradii dawlada oo 99% Diaspora ahaa ku laabteen Europe iyo America , Waxaa la ii magacaabay gudoomiyaha gudiga Amniga ee Galmudug State. Waxaa gudigaas u suurtowday inay isbaarooyinkii laamiga daadsanaa qaadaan isla markaasna ciidamada ku xareeyaan xero looga sameeyay tuulada CeelFaarax Geedi agteeda oo muddo 4 bilood ah ku xaraysnaayeen. Dhaqaalo daro awgeed xeraddii loo xiray

 

7. Oct 2008 Waxaa la ii magacaabay Wasiirka Amniga ee Galmudug State.

 

8. 2009 Waxaa la ii magacaabay wasiirka qorshaynta ee maamulkii Madaxweyne Axmed Shariif, hase yeeshee lagu qabsaday. Waxaa aakhirkii soo dhawaynay dhexdhexaadintii labada dhinac kadibna u tanaasulnay garabkii kale. Ka dib waxaa la iga codsaday inaan noqdo wasiirka arimaha dibedda.

 

omarsuuri.jpg

 

9. January 2010 ilaa June 2011 oo aan ku magacaabnaa wasiirka xiriirka dibedda ayadoo dhaqaale lagu shaqeeyo iyo mushaar midna qaadan yaan ka shaqeeyay in dhamaan hay’adaha iyo inta badan safaardaha la shaqeeya Somalia ee Nairobi inaan xiriir wada shaqayn la yeeshaan Galmudug State. Waxaan booqasho ku tagay wasaarada arimaha dibedda ee Sweden ( Stockholm iyo wasaarada arimaha dibeda ee Norway (Oslo ) . Sidoo kale waxaan shan jeer ku tagay xafiiska foreign and common wealth UK. Dadaalkaas arimaha dibeda aan u galay waxuu mirihiisii noqday in Galmudug loo ogolaado shirarkii UNPOS ee Nairobi iyo wadamo kale shirar ka dhacay. Waxaan sidoo kale ku guulaysanay in hay’adaha samafalka xafiisyo ka furtaan Galmudug State bilaabaan in mashaariicda samafalka ka hirgeliyaan GM. Mudadaas aan arimaha W. Arimaha dibeda ahaa kuma ekayn wajibaadka dibeda balse Gaalkacyana waan joogay oo xibnaha kale ee dawlada waa wadashaqaynaynay.

 

10. Waxaan isku dayay in heshiis lala dhamaan qabaa’ilka iyo maamulada ku hareeraysan Galmudug, anigoo aaminsan horumarka Galmudug inuu ku xiran yahay dib u heshiisiinta.

 

11. Dhinaca hawlaha private-ka , Galmudug waxaan ka abuuray shirkada maanta ugu fiican dhinaca adeegyada Internet-ka iyo telefoonada dibedda oo u suurto gelisay in dad badan bilaash ama lacag yar kula soo hadlaan eheladooda Gaalkacyo.

 

12. Waxaan Galmudug geeyay hanti aan dibeda kala tagay iyo hanti aan Xamar ku lahaa anigoo guryana ka dhisay dhul badana maalgeliyay.

 

13. June 2010, ka dib markaan arkay habacsanaanta ku timi maamulka Galmudug waxaan u soo jeediyay madaxweyne Caalin inuu kala diro golaha wasiirada oo aan anigu ka mid ahay. Si loo helo fursadna loo siiyo dad is bedel samayn kara muddada u hartay maamulka. Waxaanan waqtigayga ku soo qaatay qilaaf iyo isqabqabsi la’aan.

 

Waxaa jira xubno dhaqanka ka mid ah, dhalinyarada, aqoonyahanka, climada, haweenka iyo dhiyaasbaro in muddo ah igula talinayay inaan isu soo sharaxo doorashada Madaxweynaha ee Galmudug State. Xubnahaas waxaan leeyahay aad baad u mahadsantihiin. Waxaanan idiin soo gudbinayaa raali gelin. Waxaanan dhamaan bulshada Galmudug dibed iyo guddo ogaysiinayaa inaanan ka mid noqon doonin dadka isu sharaxaya xilkaas madaxweynenimada diyaarna u ahayn inaan xil kale qabto anigoo u arka mas’uuliyad culus oo aakhiro iyo aduunyaba la igula xisaabtamayo. Iyo anigoo u arka xaalada adag ee maanta Galmudug ku jirto u baahan tahay xukun military. ( Weligeey Galmudug xil iyo dhaqaale midna kama codsan, ayadoo la i magacaabo yaan arki jirey. haatana diyaar uma ihi inaan codsado ama la ii magacaabo xil Galmudug . Hase yeeshee hiil iyo hoo waxii igu soo aada kala bakhiili maayo. Guusha Galmudug waa guusha naftayda, dadkayga iyo dalkayga. Sidoo kale Somalia.

 

Omar Mohamoud (Omarsuuri )

 

Omar_suuri@hotmail.com

 

mudugnet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Somalia;824243 wrote:
The Galmudug Election has taken a dramatic turn with the candidacy of Mujaahid General Qeybdiid who has a long and distinguished career.

 

General Qeybdiid.

He was the Police Chief of Mogadishu in 2001.

 

He held up bravely and was the last to fall against the Islamists in Mogadishu, the same ones that today are fighting as Al-Qaeda.

 

He took part in the foundation of Somalia's second federal state Galmudug. He was part of those who defended those regions against the expanding Islamist forces.

. Lol....taariikhdiisa qaar baad ka soo tagtay....why are you picking and choose?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

The dynamics of Galmudug politics is in my interest as a citizen of Galkacyo Puntland, it is also in my interest that it expands and becomes a fully fledged state and I believe a man like Qeybdiid has the experience to make it happen. He seems like a man who's the voice of reasoning all of a sudden. This leaves me to believe he wants to leave with a good legacy.

 

That's the man needed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Lol....Somalia....It looks like in C/Risaaq hayo what Gaalkacyo needs:D intaad is qalan lahaydeen reer Gaalkacyoodoow xoolihiinna qasha ayuu leeyahay sidaan u fahmey.....ninkaan maa u beddelatid inaad taageerto instead, Cabdi Qaybdiid dagaal ma ahane ciyaar haka sugin. Lol...Let us wait for isagana wuxuu yiraahdo haddii aad hayso bal noo soo dhig meeshan. Rag kalena waa soo socdaane ogoow ha degdegin lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

That man is inexperienced, a strongman is clearly needed. This man is talking about building a slaughterhouse instead of a port in Hobyo, what the hell is that? And Caalin has been an embarrassment, do you not feel ashamed when you hear him speak "Haa aniga hada waxaan ka imaadey Nairobi", I mean shut the hell UP baa ii heesa in aan iraadho.

 

Here we have what I am talking about Qeybdiid and a changed nuisance, a man with a vision and the dream of leaving a legacy. We must read into his changing tone.

____________________________________________________________________

 

Cabdi Qaybdiid oo ugu baaqay Qaybaha Bulshada ee Gobalka Mudug inay ka shaqeeyaan Nabadda Gobalka

Gaalkacyo-hobyonet)General Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid Musharaxa Xilka Madaxweyne ee Maamulka Galmudug oo kulan la sheeshay Ururka Dhalinyarada Galmudug ayaa ugu baaqay Qeybahaa Bulshada ee Gobalka Mudug inay ka shaqeeyaan soocelintii Nabadda Gobalka Mudug.

Cabdi Qaybdiid waxa uu sheegay in aan loo dulqaadan karin Dhibaatooyinka ka jira Gobalka Mudug wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay Qaybaha Bulshada inay u midoobaan sidii loo soo celinlahaa Isdhexgalkii Dadka reer Gaalkacyo iyo sidiilaiskaga qaban lahaa Dad uu kiu sheegay inay markasta carqalad ku hayaan Bulshada Gobalak Mudug.

Hadalka Cabdi Qaybdiid ayaa imaanaya xili uu dhawaan sheegay inuu u taagan yahay Xilka madaxtinimo ee Maamulka Galmudug,wxuuna balan qaaday hadii uu noqdo Madaxweynaha Galmudug inuu wax ka qaban doono Dhibaatooyinka u dhexeeya Beelaha wada daga Gobalka Mudug iyo Deegaanada kale ee Galguduud oo Xiisado kuwaas lamid ah ay ku soo noq noqdeen Sanadihii la soo dhaafay.

Www.hobyonet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Somalia, Iminka ma waxa no keenisaa warka sub-sub-sub-sub-sub clan State Doorasho dhiganiya? Please stay with the usual sub-sub-sub-sub clan State. that is far more interesting. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Aragti-hobyonet)Waxaan ku Bilaabayaa Magaca ilaahay Mahadi oo Dhan Alle ayey u sugnaatay Nabadgalyana Nabigeena Muhamad Caleyhi Salatu Wasalam, Intaas Kadib Markii Ay soo dhowaatay doorashada Galmudug ayna soo baxeen musharaxiin badan ayaan Go,aansaday inaan fikirkeyga ku biiriyo waxaana u kala qaadi doono mid intii aan ka Awoodo waxaana ku bilaabanayaa musharaxa ugu horeeya Mudane Cabdi qeybdiid.

 

Waxaan aaminsanahay kuna kalsoonahay in Musharaxaha Madaxweynaha Galmudug State General Cabdi Hassan Cawale ( Qeybdiid) inuu mudan yahay in loo Doorto xilkaas sababaha aan u leeyahay waxaa ugu waaweyn inuu ka soo Dhalaali karo hawlaha xiriirka Caalamiga, xiriirka la xisaabtanka Dawladda Federaalka ah, inuu kaalin wanaagsan ka gali karo dib u heshii-siinta arrimaha Soomaaliya, ka qaybgalka shirarka Caalamiga ah, xasilinta iyo qorsheynta hufan ee Arrimaha maaliyadda ee aan waligeed talaabo loo qaadin, sugida amniga, dhisida Kaabayasha dhaqaale, dhisid ciidan IWM, qoraalkeyga waxaan ku bogaadinayaa Uguna hanbalyeynayaa iney timid musharaxnimadiisa xili muhiim u ah bulshada GALMUDUG STATE amase xiligii loo baahnaa ( Right Time).

 

Waxaan kaloo ugu hambalyeynayaa in uu ku tallaabsaday dib u sixidda iyo turxaan Bixinta nabadgelyada iyo midnimada GALMUDUG STATE intii uu usoo wareegay Deeganadaasi oo hore loo waayay, waxaana ugu baryaynaa in Allaah ku guuleeyo Hawshaas adag ee uu usoo diyaargaroobay kana mid ah nolosha iyo jiritaanka reer Galmudug.

Waxaan kaloo ku raja weynahay haduu alle idmo inuu ku guuleysan karo Xaqdhawrka iyo derisnimada, nabad kuwada noolaanshaha, barwaaqada iyo Walaaltinimada . Hana la wada ogaado in aanay cidna dan u ahayn in la soo faag-Faago fidno iyo belaayo mar hore la aasay.

 

Waxaan kale oo aan rajeynayaa inuu xal waara ka gaari arimaha garoonka Galkacayo, nabadgelyo buuxdana dhaqso loo gaaro. Cid kasta oo ehel hoose iyo Derisba ah haddii dhibaato adduun dhexmarto waxay heshiin karaan markay dhibta Jirta runta ka wada sheegaan,wax kasta oo dabka sii hurinayana ka wada hortagaan, Waxaana boogtu sii hurin kara markii kolkii been, faan, damac waalan iyo isla weyni la isku sheego, dhaxalkeeduna wuxuu markaas noqonayaa (KADAR OO DIBI DHAL) .

TALO SOO JEEDIN

 

Waa kugula talineynaa Md General Qeybdiid Hadii aad ku guuleysatid Xilka Madaxweynaha Galmudug State inaad xoogga saarto in la qoro ilaa ugu yaraan 2.000 oo ciidammo Galmudug ah, dhaqsona loo tababaro, aadna loo qalabeeyo si ciidankaasi uga hawlgalo nabadgelyada deegaannada Galmudug oo dhan, lagana hortago nooc kastoo fidno ah, loona qorsheeyo dhaqaale *****li kara baahidooda. Haddii ay suuragal tahay waxaan ku talin lahaa in ciidanka amniga ah ee la qorayo ay ahaadaan dhallinyaro nadiif ah, aqoon leh, laguna aamini karo amniga shacabka Galmudug.

Hadii aad ku guuleysato xilkan waa inaad xoojiso la xisaabtanka Dawladda Federaalka aadna u badiso talooyinka wax ku oolka ah ee loo gubiyo Soomaalida inteeda kale, islamarkaasna aad badisaan Adiga iyo Maamulka intiisa kale booqashooyinka caadiga iyo kuwa kediska ah ee aad ku maraysaan deegaannada Galmudug, dadkana aad loo wacyigeliyo, xaqiiqada iyo dhibaatooyinka jirana wax badan laga soo ogaado, waxqabad muuqdana loo diyaargaroobo, lana xoogeeyo wadatashiga iyo iskaashiga Maamulka iyo shacabkaba.

Ugu dambaystii waxaan ka codsanayaa Mudane General Cabdi Qeybdiid hadii aad ku guuleysatid Xilka Madaxweynanimo in dib loo akhriyo, dibna loo qiimeeyo nidaamka iyo shuruucda u dagsan GALMUDUG STATE si loo helo kala dambeyn dhinaca dastuuriga ah.

 

Wixii aan asiibay alle SWT ayey ka sugnaatay wixii aan qaldayna sheydan ayaa lahaaday qoraalkan cid uu si qaas u quseeyso ma jirto waxa u gaar ku yahay qoraaga.

Wabilahi Towfiiq

 

Mustaf Hassan Ahmed

London-UK

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this