Sign in to follow this  
Carafaat

Faisal Ali Waraabe secretly meets President Shariif in UAE

Recommended Posts

Carafaat   

Madaxweynaha Muqdisho oo si qarsoodi ah ku yimi Imaaraadka

Thursday, April 26, 2012 - 09:08 AM

 

 

Shir si qarsoodi ah uga socoda Abu-dabey oo dhexmaray maamulka shiikh shariif & iyo qaar ka mid ah maamulka SNM ee magaalada Hargeysa. Madaxweyne shariif ayaa wararku sheegayaan inuu xalay soo gaadhey wadanka Imaaraadka carabta isagoo ku sugan magaalada Abu-dabey qasri ku yaal oo magaciisa la yiraahdo Qasrul imaaraad.

 

Madaxweyne shariif oo aan la shaacin socdaalkiisan ayaa wararku sheegayaan inuu u yimi inuu si qarsoodi ah ula kulmo qaar ka mid ah maamulka Siilaanyo. Kulan habeenkii xalay ka dhacay qasrigaa ayaa wararku sheegayaan inuu dhexmaray labada dhinacan kuwaas oo ay goobjoogeyaal ka ahaayeen dhinaca somalidiidka Faysal Cali waraabe iyo ganacsade u ololeeya arimaha SNM oo magaciisa la yiraado Cismaan Dheere oo ka soo jeeda beesha ******** iyo weliba Cabdilaahi Goongo oo ka soo jeeda beessha *******.

 

Dhinaca maamulka Muqdisho ayaa sidoo kale naloo xaqiijiyey inay ka qayb galeen kulankaas Wasiirka arimaha dibada ee shiikh shariif kana soo jeeda beesha ******. Sidoo kale waxaa kulankaas goobjoog ka ahaa wasiirka arimaha gudaha ee maamulka shiikh shariif kana soo jeeda beesha **** iyo weliba wasiirka maaliyada ee maamulka shiikh shariif kana soo jeeda beesha *********.

 

 

Ilaa hada lama oga ujeedada dhabta ah ee shirkan qarsoodiga ah balse waxaa loo malaynayaa in maamulka Shiikh shariif aanu waxba ka qabin kala goynta Somalia hadii uu taageero ka helo maamulka Siilaanyo si dib loogu soo doorto. Kala soco Xargaga Online ka qayb galeyaashii shirkan qarsoodiga ah ee ka dhacay magaalada Abu-dabey magacyadooda iyo weliba wixii uu ku dhamaaday shirkaasi.

 

 

XOL

Share this post


Link to post
Share on other sites

oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha .................

 

 

What a news ,,,,,,,,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ The writer of this article oo ka soo jeeda beesha ****** is trying to hint at some sort of an alliance. Typical Somali politics! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

waxan waa iska garbage weeye!!! propaganda news ayay dadka ku soo jiitan si ay lacag ku qaatan advertisement iyo wixi lamid ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Shariif iyo Feysal Cali Waraabe oo Xalay Kulan Gaar ah ku Yeeshay Dubai

 

Sheekh_Shariif_Iyo_Faysal_Cali_Waraabe.j

Dalweyn Media | April 27, 2012 | Featured Posts · Somali News

DALWEYN Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo weheliyaan xubno isugu jira Siyaasiyiin iyo Ganacsato Somaliland u dhashay ayaa Shalay Magaalada Abu Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta kulan Saacado qaatay kula yeeshay Madaxweynaha Dawlada Ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya Md. Sh. Shariif Sh. Axmed.

 

Kulanka masuuliyiintan oo ka yimi dhinca Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sida DALWEY MEDIA ay u sheegeen ilo ku dhaw-dhaw waxa labada dhinac kulankooda kaga wada hadleen Xubnaha ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland ee Sh. Shariif ku daray ergada wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, arrintaasoo Sh. Shariif markii hore ku gacan saydhay, kuna adkeystay in haba-yaraatee aanu waxba ka bedeli doonin Guddigii uu magacaabay.

 

Guddoomiye Faysal oo xubnaha kulankaa ku weheliyey uu ka mid ahaa Cabdillaahi Koongo ayaa dhinacooda ku wargeliyey Sh. Shariif in aan waxba ka socon doonin wada hadalka isla markaana jawaab aanu mahadin ka siin doonaan, taasina sababtay in kulankii natiijo la’aan ku gebo-geboobo.

 

Hase-yeeshee, Madaxweynaha Dawladiisu kala qeybsan tahay ayaa waxa uu ka codsaday xubnaha inay isugu yimaadaan kulan danbe, kaasoo aakhirkii Sh.Shariif ogolaaday inuu dhinaciisa diyaar u yahay wax kasta oo Somaliland raali ku tahay, si aanu u burin wada hadalka labada dhinac, sidoo kalena waxa uu soo jeediyey in Wasiirkiisa Arrimaha Debada iyo Somaliland ay kulan danbe ka yeeshaan dhameystirka arrintan.

 

Geesta kale Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo kulankaa ka dib xidhiidh dhinaca Telefoonka ah lasoo sameeyey Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi, ayaa ku wargeliyey nuxurka kulankii dhex maray isaga Sh. Shariif.

 

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa inkastoo ay aqbashay wada Xaajood dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya, hadana waxay shuruud ka dhigtay in ergada wada hadalada ee Dawlada KMG laga saaro Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;823670 wrote:
Sheick is securing votes from
Dhirta
, more like it.

:D

 

This word reminded of the dastuur adverts on Universal TV- where they ask the elderly nomad if he knows what dastuur is and replies "Dastuur waxaan u aqaan sida dhirta loo dhaqdo"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

orf, wexe ku balameen Crown Plaza, beach side terras ayee fadhiyeen. Suuqa dahab is full of pirates middle men. And its supposed to be secret. Wax fahan. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif oo si dhuumasho ah uga baxay Muqdisho si uu ula kulmo Somaliland

 

Posted by Pi on April 27th, 2012

Madaxweyne Shariif ayaa si qarsoodi ah uga dhoofey Magaalada Muqdisho si uu ula kulmo Somaliland kulankasoo ka dhacay Dubai, Faysal Cali Waraabe ayaa kulanka uga qayb galay Somaliland, Waraysi uu siiyey Faysal cali waraabe BBC Somali wuxuu sheegey iney kawada hadleen arimaha Shirka lagu balan sanyahay TFG iyo Somaliland.

 

Arintaan waxay cadeyneysaa in ay Somaliland dadaal ugu jirto iney TFG-fa kasaxiixato waraqaha aqoonsiga, balse ay carqalad ku noqonayaan labada xubnood ee Puntland, taaina waa tan Somaliland ka dagaalamayso.

 

Kulamadaan uu Madaxweynuhu sida qarsoodiga ah ula yeeshey Soomaaliland ayaa ah mid Khiyaamo Qaran ah, sababtoo ah wadahadalka TFG iyo Somaliland waxaa lagu balan sanaa inay ka dhacaan London ayna galan laba Gudi balse waxaad hada moodaa in kulankii uuba ka dhacay Dubai.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this