Carafaat Posted April 27, 2012 Madaxweynaha Muqdisho oo si qarsoodi ah ku yimi Imaaraadka Thursday, April 26, 2012 - 09:08 AM Shir si qarsoodi ah uga socoda Abu-dabey oo dhexmaray maamulka shiikh shariif & iyo qaar ka mid ah maamulka SNM ee magaalada Hargeysa. Madaxweyne shariif ayaa wararku sheegayaan inuu xalay soo gaadhey wadanka Imaaraadka carabta isagoo ku sugan magaalada Abu-dabey qasri ku yaal oo magaciisa la yiraahdo Qasrul imaaraad. Madaxweyne shariif oo aan la shaacin socdaalkiisan ayaa wararku sheegayaan inuu u yimi inuu si qarsoodi ah ula kulmo qaar ka mid ah maamulka Siilaanyo. Kulan habeenkii xalay ka dhacay qasrigaa ayaa wararku sheegayaan inuu dhexmaray labada dhinacan kuwaas oo ay goobjoogeyaal ka ahaayeen dhinaca somalidiidka Faysal Cali waraabe iyo ganacsade u ololeeya arimaha SNM oo magaciisa la yiraado Cismaan Dheere oo ka soo jeeda beesha ******** iyo weliba Cabdilaahi Goongo oo ka soo jeeda beessha *******. Dhinaca maamulka Muqdisho ayaa sidoo kale naloo xaqiijiyey inay ka qayb galeen kulankaas Wasiirka arimaha dibada ee shiikh shariif kana soo jeeda beesha ******. Sidoo kale waxaa kulankaas goobjoog ka ahaa wasiirka arimaha gudaha ee maamulka shiikh shariif kana soo jeeda beesha **** iyo weliba wasiirka maaliyada ee maamulka shiikh shariif kana soo jeeda beesha *********. Ilaa hada lama oga ujeedada dhabta ah ee shirkan qarsoodiga ah balse waxaa loo malaynayaa in maamulka Shiikh shariif aanu waxba ka qabin kala goynta Somalia hadii uu taageero ka helo maamulka Siilaanyo si dib loogu soo doorto. Kala soco Xargaga Online ka qayb galeyaashii shirkan qarsoodiga ah ee ka dhacay magaalada Abu-dabey magacyadooda iyo weliba wixii uu ku dhamaaday shirkaasi. XOL Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 27, 2012 oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. oo ka soo jeeda beesha ................. What a news ,,,,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted April 27, 2012 ^^ The writer of this article oo ka soo jeeda beesha ****** is trying to hint at some sort of an alliance. Typical Somali politics! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted April 27, 2012 waxan waa iska garbage weeye!!! propaganda news ayay dadka ku soo jiitan si ay lacag ku qaatan advertisement iyo wixi lamid ah Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 27, 2012 Sheekh Shariif iyo Feysal Cali Waraabe oo Xalay Kulan Gaar ah ku Yeeshay Dubai Dalweyn Media | April 27, 2012 | Featured Posts · Somali News DALWEYN Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo weheliyaan xubno isugu jira Siyaasiyiin iyo Ganacsato Somaliland u dhashay ayaa Shalay Magaalada Abu Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta kulan Saacado qaatay kula yeeshay Madaxweynaha Dawlada Ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya Md. Sh. Shariif Sh. Axmed. Kulanka masuuliyiintan oo ka yimi dhinca Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sida DALWEY MEDIA ay u sheegeen ilo ku dhaw-dhaw waxa labada dhinac kulankooda kaga wada hadleen Xubnaha ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland ee Sh. Shariif ku daray ergada wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, arrintaasoo Sh. Shariif markii hore ku gacan saydhay, kuna adkeystay in haba-yaraatee aanu waxba ka bedeli doonin Guddigii uu magacaabay. Guddoomiye Faysal oo xubnaha kulankaa ku weheliyey uu ka mid ahaa Cabdillaahi Koongo ayaa dhinacooda ku wargeliyey Sh. Shariif in aan waxba ka socon doonin wada hadalka isla markaana jawaab aanu mahadin ka siin doonaan, taasina sababtay in kulankii natiijo la’aan ku gebo-geboobo. Hase-yeeshee, Madaxweynaha Dawladiisu kala qeybsan tahay ayaa waxa uu ka codsaday xubnaha inay isugu yimaadaan kulan danbe, kaasoo aakhirkii Sh.Shariif ogolaaday inuu dhinaciisa diyaar u yahay wax kasta oo Somaliland raali ku tahay, si aanu u burin wada hadalka labada dhinac, sidoo kalena waxa uu soo jeediyey in Wasiirkiisa Arrimaha Debada iyo Somaliland ay kulan danbe ka yeeshaan dhameystirka arrintan. Geesta kale Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo kulankaa ka dib xidhiidh dhinaca Telefoonka ah lasoo sameeyey Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi, ayaa ku wargeliyey nuxurka kulankii dhex maray isaga Sh. Shariif. Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa inkastoo ay aqbashay wada Xaajood dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya, hadana waxay shuruud ka dhigtay in ergada wada hadalada ee Dawlada KMG laga saaro Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 27, 2012 The Xargaga guys wax kasta qabil iyo beel bay ka dhigayaan Yool and Dalwayn and Boramanews baa arinta sii fiican u soo qoray siiday wax u dhaceen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 27, 2012 http://www.bbc.co.uk/somali/maqal_iyo_muuqaal/2012/04/120427_faysal_wareysi.shtml Sultan Faisal Confirmed he met with president Sh sharif. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 27, 2012 Faisal is looking for a job.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted April 27, 2012 Sheick is securing votes from Dhirta, more like it. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted April 27, 2012 Sharif is a brilliant politician, it does not surprise me if he wins again come August. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted April 27, 2012 Carafaat;823670 wrote: Sheick is securing votes from Dhirta , more like it. This word reminded of the dastuur adverts on Universal TV- where they ask the elderly nomad if he knows what dastuur is and replies "Dastuur waxaan u aqaan sida dhirta loo dhaqdo" Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted April 27, 2012 We should forgive Carafaat dhirta kulahaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted April 27, 2012 Wonder where they met? Suuq Dahab? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted April 27, 2012 orf, wexe ku balameen Crown Plaza, beach side terras ayee fadhiyeen. Suuqa dahab is full of pirates middle men. And its supposed to be secret. Wax fahan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 27, 2012 Madaxweyne Shariif oo si dhuumasho ah uga baxay Muqdisho si uu ula kulmo Somaliland Posted by Pi on April 27th, 2012 Madaxweyne Shariif ayaa si qarsoodi ah uga dhoofey Magaalada Muqdisho si uu ula kulmo Somaliland kulankasoo ka dhacay Dubai, Faysal Cali Waraabe ayaa kulanka uga qayb galay Somaliland, Waraysi uu siiyey Faysal cali waraabe BBC Somali wuxuu sheegey iney kawada hadleen arimaha Shirka lagu balan sanyahay TFG iyo Somaliland. Arintaan waxay cadeyneysaa in ay Somaliland dadaal ugu jirto iney TFG-fa kasaxiixato waraqaha aqoonsiga, balse ay carqalad ku noqonayaan labada xubnood ee Puntland, taaina waa tan Somaliland ka dagaalamayso. Kulamadaan uu Madaxweynuhu sida qarsoodiga ah ula yeeshey Soomaaliland ayaa ah mid Khiyaamo Qaran ah, sababtoo ah wadahadalka TFG iyo Somaliland waxaa lagu balan sanaa inay ka dhacaan London ayna galan laba Gudi balse waxaad hada moodaa in kulankii uuba ka dhacay Dubai. Quote Share this post Link to post Share on other sites