kingofkings Posted April 25, 2012 Hay’ada Baarlamaanada Afrika dhanka tababarada u qabilsan AWEPO ayaa maanta tabar u soo gabagabaysay xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland sidoo kalan qlab ku wareejisay Gudddoonka Baarlamaanaka . Hay’ada AWEPO ayaa maanta ku wareeejisay Guddoonka Baarlamaanka Puntland qalab ka kooban Computero iyo agab xafiiseed kuwaasi oo lagu wado in tababaro loogu furo xubnaha baarlamaanka Puntland . Xasan Daahir Maxamuud [Xasan Carab ]oo ah xoghaynta Hay’ada AWEPO ee deegaanda Puntland ayaa qalabkaasi si rasmi ah ugu wareejiyay Agaasimaha Guud e Baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame .. Guddoomiyaha barlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in ay aad uga mahad celinayaan Hay’ada AWEPO qalabkaani ay maanta ku wareejisay baarlamaanka Puntland uuna yahay mid tababaro loogu furi doono qaybo ka mid ah baarlamaanka Puntland xusayna in aysan hayn markii ugu horraysay ee ay Hay’adaani deeq soo gaarsiiso baar lamanaka Puntland . Dhanka kalana Hay’ada AWEPO ayaa maanat soo gabagabaysay Tababar ka socday xarunta cilmi barista Puntland ee PDRC muddo laba cisho ah Kaasi oo ku saabsanaa howl maalmeedka Baarlamaanka . Quote Share this post Link to post Share on other sites