Sign in to follow this  
Somalia

Gaalkacyo Police Seize Bombs and Arrest Suspect

Recommended Posts

Somalia   

Faahfaahin: Booliska Gaalkacyo oo qabtay Qarax iyo Ninkii waday.

Posted by Pi G 2 on April 25th, 2012

Gaalkacyo(puntlandi.com):- Ciidamada Booliska ee magaalada Gaalkacyo ayaa goor dhawayd gacanta ku dhigay nin dhalinyara ah oo waday qarax aad u xoogan oo dad badan dili kara hadii uu qaraxo.

 

Taliyaha qaybaha Booliska gobolka Mudug G/sare Jaamac Axmed Maxamuud ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen ninkani iyo qaraxii uu watay, kadib markii ay dad shacabka ah oo ka shakiyay ay xogta u soo gudbiyeen Ciidanka islamarkaana la daba galay ilaa laga soo qabtay.

 

“Ciidamada amniga gobolku guul bay gaareen waxaana wax jira in la qabtay qaraxasi iyo nika watay labadaba, guushaasani waxay saaka mar kale soo celinaysaa rajadii dadweynaha ee ahayd in Amniga gacanta lagu dhigo iyadoo la iskaashanayo, dadweynaha waxaanu u sheegaynaa in ay jiraan dad wali doonayaa in ay shacabka ka dhex sameeyaan falal aad u xun xun oo lagu baabi’inayo waxaanu leenahay ka feejignaada oo soo sheega wax walba oo aad ka shakidaan” Taliyaha qaybaha Booliska gobolka Mudug G/sare Jaamac Axmed Maxamuud.

 

Taliyuhu wuxuu sheegay in talaabadani ay shacabku suutagaliyeen maadaama ay Ciidamka Booliska ku soo wargaliyeen ninkan oo ay ka shakiyeen islamarkaana Ciidanka oo feejigan ay si qiyaasan oo taxadar uu ka buuxo ay gacanta ugu dhigeen qaraxaasi iyo ninka watay islamarkaana hada lagu hayo Saldhiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo.

 

Taliyaha qaybaha Booliska gobolka Mudug G/sare Jaamac Axmed Maxamuud wuxuu tilmaamay in qaraxani laga qabtay wadada Laamiga ah ee u dhaxaysa Dugsiga sare ee Cumar iyo xarunta Maamulka gobolka Mudug, wuxuuna taliyuhu carabaabay in qaraxani uu yahay mid aad u weyn oo hadii uu qarxo dad badan ay ku dhiman karaan.

 

Ninka qaraxan lagu qabtay ayuu taliyuhu ku sheegay in uu ka soo jeedo Koonfurta Soomaaliya wuxuuna carabaabay in ay baaritaano adag ku hayaan sharcigana ay horgayn doonaan mudo kooban kadib.

 

Warar kale oo madex banaan ayaan sheegaya in ninkani dad shacab ah oo ka shakiyay ay ka soo daba kaceen meel aad uga fog goobta lagu qabtay islamarkaana Ciidanka Booliska ay ku hagayeen hadaba goobta ay marayaan iyo talaabada uu ninka qaraxa wata qaadayo, taas oo markii dambe suurtagalisay in ninkaasi gacata lagu dhigo.

 

Maahan Markii ugu horaysay ee Ciidamada boolisku ay gacata ku dhigaan qarax aan wali la qarxin iyo shaqsigii watay, wuxuuse dadaalkani qayb ka yahay hawlgalada Nabadagalyada Magaalada Gaalkacyo lagu sugayo kuwaas oo hada u muuqda in ay soo celiyeen rajadii dadweynaha magaalada Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Somalia get out of europe the castle towns and move to real cities.

 

Gold Coast Australia

 

Screenshot2012-04-22at63007PM.png

 

sydney

img1615l.jpg

 

Melbourne somali capital

7056959085_c85e4ee6ee_b.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

I cant believe people is badiye but its so much modern then wallahi european cities. I went to europe and its backwardsssssss as hell places in london dont even have shower-heads they using buckets to shower. Plus all european cities are sooooooooooooo oldddddddd its ugly

Share this post


Link to post
Share on other sites

GALKAYO, Somalia Apr 24 2012 (Garowe Online) – Galkayo authorities apprehended a man with explosives early Wednesday morning, Radio Garowe reports.

 

Chief of police for Mudug region Colonel Jama Mohamed Ahmed held a press conference in Galkayo said that the man was apprehended Wednesday morning with a large amount of explosives in close proximity to Omar Samatar secondary school and a municipal headquarters in Galkayo.

 

Chief Ahmed declined to say if the man was linked to Al Shabaab because the investigation was in its early stages but did say that the man was from southern Somalia.

 

Galkayo a city that has a reputation for violence has been relatively stable in the past months with Puntland authorities tightening security in the city. Galkayo police monitor by foot neighborhoods in Galkayo regularly, which has led to a dent in crime in the capital of Mudug region.

 

Chief Ahmed told Galkayo residents to be cautious and to report suspicious activities to authorities.

 

With Al Shabaab being forced out of their strongholds in southern Somalia reports say they travelled north infiltrating Puntland and Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this