Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland vice president Abduraxmaan Seylici officially opens new constructed roads in Hargeysa

Recommended Posts

M/Ku xigeenka Iyo Maayarka Hargeysa oo furay Waddooyin cusub, kuwo kalena dhagax-dhigay

 

April 24th, 2012

 

Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Md. C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dhagax dhigay waddo cusub oo laami ah oo dhererkeedu yahay 1.8Km oo laga hirgelinayo xaafadda DAAMI ee degmadda Gacan-libaax ee magaaladda Hargeysa isla markaana xadhiga ka jaray waddo kale oo xaafadaasi laga dhisay oo dhererkeedu dhan yahay 900m oo ka bilaabanta Geerashka Cabdi-Xasan ilaa Baliga Daami.

 

Waxa kale oo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland xadhiga ka jaray wajigii labaad ee jidka 150-ka oo isku xidha degmooyinka 26 June, Koodbuur iyo Gacan-libaax.

 

Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay dhagax dhiga jidkan ayaa sheegay dawladda Hoose ee Hargeysa ay dedaal badan gelinayso sidii ay wax uga qaban lahayd adeegyadda bulshadda ee Xaafadda Daami ee degmadda Gacan-libaax, waxaanu tilmaamay in wadani ay qeyb ka tahay qorshahooda ku wajahan xaafaddan.

 

“ Runtii dadweynaha ku dhaqan xaafaddan Daami in badan ayaan waxba loo qaban taas oo noqon karta iyada oo aanay is abaabulin dadweynaha xaafaddu ama iyada oo aan loo soo jeedsan, laakiin imika waxaanu ku faraxsanahay in Akadamiyada beelaha la habysooco ee ay hogaaminayaan la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada iyo gudoomiyaha cusub ee degmadda Gacan-libaax inay dar dar cusub geliyeen hawlihii xaafada oo xaafada wadooyinkeedii ay baneeyeen, dawladuna kolba xaafada is maamusha ee wax qabsanaysa diyaar ayey u tahay inay wax la qabato,”ayuu yidhi Maayarka Hargeysa Md. Xuseen Maxamuud Jiciir.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil oo ka hadlay kulankaas waxa uu yidhi “Waxa noo farxad ah inaanu dhagax dhigno waddadii u horaysay ee dhex maraysay Xaafadan Daami taas oo dhererkeedu yahay 1.8Km,runtiina waa nagu qasab in xaafadaha, degmooyinka iyo gobolada dib uga dhacay horu marka in la soo gaadhsiiyo meelaha kale ee horumarka gaadhay, waana waajib in khayraadka dalka la baahiyo oo la gaadhsiiyo gobol kasta iyo degmo kasta oo ka mida dalka, Dadweynaha xaafadan ku dhaqana aad ayaan ugu hambalyeynayaa abaabulka ay sameeyeen.”

 

Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu sheegay in mudadii ay xilka hayeen ay dadweynaha ku dhiirigeliyeen sdiii ay horumarka ugala shaqayn lahaayeen xukuumadda.

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay inay goboladda iyo degmooyinka dalku ay isu abaabuleen sidii ay gacan kaalin wax ku ool ah ka qaataan horumarinta adeegyadooda daruuriga ah maadaama oo uu xusay in dhaqaalaha dawladdu xadidan yahay.

 

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay La Taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada Md. Barkhad Jaamac Xirsi waxaanu ammaan balaadhan u soo jeediyay dawladda Hoose ee caasimadda oo uu xusay inay waxyaabo badan ka qabatay mudooyinkii u dambeeyay horumarinta adeegyadda bulshadda ee xaafadda Daami.

 

“Waxaan u mahad naqayaa dhamaan masuuliyiinta Madaxweyne ku xigeenku hoggaaminayo, Wasiirradda iyo Maayarka caasimadda ee ka soo qeyb galay dhagax-dhiga wadadan oo wax weyn ka taraysa horumarkii xaafadda.waa markii ugu horaysay ee masuul sare oo ka tirsan qaranka mudadii ay jirtay Somaliland uu yimaado xaafada Daami taas oo farxad gaara noo ah Shicibka ku dhaqan xaafada Daamina waxay dareensiinaysaa sida xukuumadda ay uga go’an tahay oo ay cadaynayso siday u danaynayaan wax u qabashadda bulshadda xaafaddan,”ayuu yidhi Barkhad Jaamac Xirsi.

 

La Taliyuhu wuxuu si weyn ugu mahad celiyay shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL oo konton foosto oo daamur ah ugu deeqday dhismaha wadadan iyo Wasiirka duulista hawadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ugu yaboohay inuu ugu deeqayo sodon foosto oo daamur ah.

 

Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa xadhiga ka jaray waddo laga dhisay xaafadda Jameecadda ee degmadda Maxamuud Haybe oo dhererkeedu yahay 1.9m taasi oo isku xidha xaafadda Jameecadda illaa xaafada libaaxyadda. Waxaanu maayarku u mahad celiyay dadweynaha xaafadaasi ee ka qeyb galay lacagtii qaadhaanka ee lagu dhisay jidkan. Waxa kale oo uu Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir xadhiga ka jaray waddo kale oo laga dhisay xaafadda Jig-jiga yare ee degmadda Koodbuur ee magaaladda Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this