Liibaan Posted April 24, 2012 Wufuuda Garaadada Khaatumo State uu Hogaaminayo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaciil oo Galabta soo Gaaray Muqdisho Muqdisho (RBC) Wafdi odayaal dhaqameed iyo haween ka socda maamulka Khaatumo State oo lagu wado inay ka qeybgalaan shir Muqdisho ka dhacaya dhamaadka bishan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Wafdigan oo uu hogaaminayey Garaad Saleeban Garaad Maxamed ayna xubnoka ahaayeen garaado, isimo iyo haween ka kala yimid gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa abaare 2:00 duhurnimo ee maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha caalanmiga ee Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho. Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo markii uu ka soo degey garoonka ka dib telefoonka kula hadlay Shabakada Raxanreeb ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaanshaha magaalada Muqdisho oo aad loogu soo dhoweeyey. “Waxaan u nimid Muqdisho aniga iyo wafdiga reer Khaatumo inaan ka qeybgalno shirka looga doodi doono dastuurka cusub, waxaanu rajeyneynaa in waxwanaagsani ka soobaxaan” ayii yiri garaadka. Wagdiga reer Khaatumo waxaa garoonka diyaaradaha maanta ku soo dhoweeyey wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo masuuliyiin, waxaana saraakiil ka tisan guddiga gacanta ku haya soo dhoweynta ergada ay Raxanreeb u sheegeen in beesha Sool ergadeeda uga qeybgaleysa shirarka wada tashiga si toos ah loogu warejiyey maamulka Khaatumo State oo DKMG ah hadda u aqoonsan tahay maamul goboleed ka tirsan habka federaalka. Wafdigan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa oo dhaqan ah oo ka socda deegaanada Khaatumo oo yimaada Muqdisho tan iyo intii lagu dhawaaqay maamulka Khaatumo State. Dhanka kalew ergooyin ka socda gobolada Nugaal, Bari iyo Mudug ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho kuwaasoo iyaguna ka qeybgaki doona shirweynaha dastuurka oo Muqdisho ka furmi doona 30-ka April sida qorshuhu yahay. RBC Radio Xafiiska wararka Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted April 24, 2012 War Deg,Deg ah: Garaad Sulieman, Garaad Jaamac Ismaaciil Iyo Wafdi Golaha Dhaqanka Khaatumo State Oo Iminka Soo Gaadhay Muqdisho… Waxaa galabta Soo gaadhay magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka Somaliya wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed,waftiga ayaa waxaa sidiiradn loogu soo dhoweeyay Muqdisho. Waftiga Golaha dhaqanka ee uu hogaaminaayay Garaad saleebaan garaad Maxamed ayaa waxaa ku weheliyay Garaad Abshir Saalax Maxamed,Garaad jaamac garaad Ismaaciil Ducaale,Suldaan Siciid Maxamed Sanyare iyo xubna kale Oo la socday. Waftigan isimada ah ayaa waxaa Adan cade International Airport ku soo dhoweeyay Xubno ka mid ah maamulkha Khaatumo State Of Somalia oo uu ka mid yahay wasiirka Amniga Maxamed Ducaale iyo dadweyne kale Oo si weyn u sugayay Isimadan. Isku soo wada duuboo Isimada ayaa waxay ka soo kicitimeen magaala madaxda Maamulka Khaatumo Ee Taleex iyagoo Socdaalkooduna uu daaranyahay isu imaatinka Isimada guud Ee Soomaalida oo la doonaayo inay kaga qaybgalaan soo xulitaanka baarlamaanka Cusub Ee uu wadanku yeelanaayo marka la ga baxo xiliga ku meel gaardhka ah Ee ku aadan badhtamaha sanadkan. Ugu danbayntii ayaa garaadada iyo Suldaanak ayaa waxa ay soo mareen magaalada Gaalkacayo Oo halkaas ay shirqool ugu maleegeen qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedka Puntland balse ayay ka badbaadeen shirqoolkaas Oo la doonayay in lagu xod xoto Isimadaas qaar ka mid ah si looga weeciyo wadada toosan ee ay haystaan balse waxaa wararku intaa ku darayaan in fashilaadii shirqoolkan iyo ku hungowgii lakulanka garaadada ay bilaabeen inay hadalo aan waxba kajirin ku soo qoraan saxaafada Oo ay leeyihiin Reer hebel ayaa garaad samaysanaya reer hebelna horey kaaga samaysteen IWM Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted April 24, 2012 Wufuuda Madax Dhaqameedka Maamulka Khaatumo State oo Gaaray Caasimada Muqdisho April 23, 2012 - Odeyaal dhaqmeed iyo Haween ka socda maamulka Khaatumo State of Somalia ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho iyagoo ka qaybgalaaya Shirka ay yeelanayaan Odeyaasha Soomaaliyeed. Wefdiga waxaa hogaaminaaya Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo kamid ah Issimada ugu caansan gobolada SSC,waxaana ku weheliya Garaad Jaamac Garaad Ismaacil,Garaad Abshir Saalax iyo Odeyaal kale. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay dadweyne,Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo wefdi kasocda maamulka Khaatumo oo hore halkaas u joogay. Issimada ka socda maamulka Khaatumo ayaa la filaaya in ay ka qaybgalaan Shirka Odeyaasha Soomaaliyeed dhowaan ka dhici doona Muqdisho. Waa markii u horeysay Odeyaal ku socda magaca Khaatumo ay ka qaybgalaan Shir ay soo qaban qaabisay Dowladda Federaalka. Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Axmed ayaa labo bilood kahor aqoonsaday maamulka Khaatumo oo kamid ah maamul goboleedyada ka jira dalka. Bosaso Press Quote Share this post Link to post Share on other sites