Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Blast hits Beledweyne Ethiopian soldiers open fire on civilians

Recommended Posts

Qarax Ka Dhacay Beledweyn Iyo Ciidamada Itoobiya Oo Rasaas Ay Fureen Dad Rayid Ah Ku Laayey

 

Magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta qarax lagula beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee magaaladaas ku sugan.

 

Miinada qaraxday oo ahayd mid dhulka hoostiisa lagu aasay ayaa lala beegsaday gaari marayey bartamaha magaalada oo ay ciidamo Itoobiyaan ahi saarnaayeen.

 

Qaraxaas oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay xarakada Al-shabaab ayaan si cad loo ogeyn khasaaraha kasoo gaarey ciidamada Itoobiya, inkastoo dad goobta ka dhowaa ay sheegeen in khasaare kasoo gaaray.

 

Dhinaca kale waxaa rasaas ay ciidamada Itoobiya qaraxaas kadib fureen ku geeriyoodey 3-qof oo rayid ah kuwaas oo xiligii qaraxu dhacay meesha marayey.

 

Dadka rasaasta ciidamada Itoobiya ku geeriyoodey ayaa sida ay maamulka degmadaasi sheegeen waxaa ku jira wiil dhalinyaro ah oo looga shekiyey inuu ahaa qofkii miinadaas qarxiyey.

 

Qaraxyada lala bartilmaameedsanayo gaadiidka ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKG ayaa magaalada Beledweyn kusoo badanayey wixii ka danbeeyey xiligii Al-shabaab magaaladaas laga saaray.

 

Waana markii ugu horeysey ee ay tiro intaas le’eg oo rayid ahi hal mar ku geeriyoodaan rasaasta ciidamada Itoobiya tan iyo intii ay magaalada Beledweyn gaareen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this