Dr_Osman Posted April 23, 2012 Dowladda Kenya oo safaaradeeda dib uga furanaysa Soomaaliya Sun, 22 Apr 2012 22:21:50 -0400 pm -04:00 -14400 Mogadishu, Apr 22 -Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa inay dib safaaradeeda uga furato dalka Soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdisho. Wefti balaaran oo uu hogaaminayo wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Kenya Mr Richard Onyonga oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la kulmay madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Wasiir kuxigeenka arimaha dibadda Kenya Mr Richard Onyonga ayaa u sheegay warbaahinta kulanka markii uu soo dhamaaday, madaxwaynaha inay isku afgarteen inay dowladda Kenya ay dib u howlgaliso safaaradii ay ku lahayd dalka Soomaaliy. Mr Richard Onyonga ayaa sheegay madaxwayne Sheekh Shariif inuu ogolaaday dib u furidda safaaradda Kenya ee Soomaliya. Dowladda Kenya oo dhowaan ku biirtay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qorshaynaysa inay dhowaan ciidamadeeda ka howlgalaan magaalooyin ka mid ah koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho. Diiwaanka Wararka Daljir Bossaso. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted April 23, 2012 Good move by the Kenyans. Quote Share this post Link to post Share on other sites