Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Elders, traditional Chiefs from SSC discuss Puntland clarify many points....

Recommended Posts

DSC002601-640x360.jpg

 

Qurbajoogta iyo dhalinyarda iyo qaybo badan oo ka mid ah waxgaradka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa maanta ka hadlayo arrimo farabadan ku qotoma Dastuurka Puntland, Maamulka Khaato, iyo Siyaasada Soomaaliland ee gobolladan.

 

Halkan ka roggo hadaladii laga jeedi shirkaasi jaraa’id

 

Shir Jaraa’id oo maanta ay magaalada Garowe si wada jir ah ugu qabteen Siyaasiyiinta, Cuqaasha, Qurbajoogta iyo dhalinyarda iyo qaybo badan oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa waxay aad ugu qodobeeyeen arromo dhawr ah oo ay ku jiraan:-

 

• Dastuurka Dawlada Puntland ee 18th April Garowe lagu ansiixiyay.

 

• Xaaladaha Siyaasadeed ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee la xiriirta Khaatumo, iyo Somaaliland.

 

• Khilaafka ku saabsan xubnaha wada hadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ee uu dhawaan magacabay Madaxweyne Shariif, Soomaaliland-na ay ka biya diiday.

 

• Jawaab ku qotanta hadal dhawaan ka soo yeeray Cali khaliif Galayr oo la xiriira ergadda ansixinta Dastuurka Puntland ee gobollada SSC.

 

Boqor C/laahi Axmed Dabagooye oo shirka gudoominayey ayaa ugu horeyn furay waxaana uu sheegay in uu wakiil ka yahay Isimada gobolladaas Sool, Sanaag iyo Cayn waxaana uu ku dheeraday habkii loo soo xulay ergadii ansixisay dastuurka Puntland ee gobolladas iyadoo uu sheegay in ay xulidooda lahaayeen salaadiinta gobolka lagalana tashaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergadii Gobolka Sool Uga Qayb Galay Shirkii Ansixinta Dastuurka Oo Ka Jawaabey Edeyntii Prof.Galayr [Codad]

 

Updated:- 5 hours ago| 6 Commnets

 

Ergooyinkii laga soo xulay gobolka Sool ee ka qayb galay shirkii ansixinta Dastuurka ayaa ka jawaabey hadal dhowaan kasoo yeeray Prof. Cali Khaliif Galayr.

 

Hadalkaas oo ahaa in ergadii gobolka Sool shirkaas uga qayb galay ay yihiin kuwo aan gobolka metelin ayaa waxaa si kulul uga jawaabey qaar kamid ah Isimadii iyo cuqaashii ansixinta Dastuurka ka qayb qaatay.

 

Shir ay magaalada Garoowe Saxaafadda ugu qabteen ayey ku sheegeen in hadalka kasoo yeeray Prof. Galeyr uu yahay mid aan sax ahayn islamarkaana uu dhibaato weyn u geysan karo sumcaddiisa.

 

Boqor Cabdilaahi Dab-gooye oo ka tirsan isimada gobolka Sool islamarkaana qayb ka ahaa ergadii shirka ansxinta Dastuurka Puntland ka qayb galay ayaa sheegay in ansixinta Dastuurku ay u dhacday si hufan oo sharci ah.

 

Wuxuuna intaas ku daray in loo baahan yahay in laga fogaado wax walba oo dadka sii kala qoqobaya si looga badbaado in cadow dano siyaasadeed oo gaar ah lihi uu uga dhex faa’iideysto kala yaacsanaanta dadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^Well what you have here is a huge delegation from the SSC regions in Garowe. We know they want not much to do with Hargaysa and never even visit the place for not wanting to be linked to the SNM secessionist delusions...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mukulaalow;821767 wrote:
DSC002601-640x360.jpg

 

These elders were in Taleex conference, what are they doing in Garowe?

It proves there is nothing between Taleex & Garowe, they are but the same...:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;821766 wrote:
^^^^Well what you have here is a huge delegation from the SSC regions in Garowe. We know they want not much to do with Hargaysa and never even visit the place for not wanting to be linked to the SNM secessionist delusions...

Haaji Omar Camay Family live in hargeysa burco even Haji Mahamoud visited burco many times adeer try again these people made it clear they want nothing to do with the garowe clan enclave.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

NugaalMedia.com

 

Golaha Sare ee Dhaqanka Dowlad Goboleedka KHatumo State Of SOmalia oo Baaq Ka soo Saaray Mid kamid ah oo Xeerki KHatumo State Of SOmalia ku Xadgudbay Mudo Toobad

 

Golaha Sare ee Dhaqanka Dowlad Goboleedka KHatumo State Of SOmalia ayaa Bayaan ka soo saaray mid kamid ah Golahaasi oo ku Xad Gudbay Axdigii Dowlad Goboleedka KHaatumo isla mar ahaantaana waxa ay golaha sare ee dhaqanku ay War murtiyeed ka soo saareen arintaasi

 

 

Nuqulka War murtiyedkaasi ayaa soo Gaadhay warbaahinta

 

 

Golaha Sare ee Dhaqanka KHaatumo State Of SOmalia [Midaynta Muruqa, Maalka iyo Maskaxda]

 

20/04/2012

 

 

Ku:Golayaasha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Ee KHatumo State Of SOmalia

 

 

Ku:Shacabka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Ee KHatumo State Of SOmalia

 

 

 

Ujeedo: Gudoon Gole.

 

 

 

Golaha Sare ee Dhaqanka KHatumo State Of SOmalia wuxuu ku dhisan yahay, xubnuhuna kaga mid yihiin, go,aamo ay isla qaateen 13 ka xubnood ee Goluhu ka kooban yahay. Go’aamadaa waxaa saldhig u ah qodobadii kasoo baxay shirwaynihii Khaatumo 2 ee ku qabsoomay Magaalada Taariikhiga ah ee Taleex Golaha Sare ee Dhaqan kuna si wadajir ah ay ugudoomiyeen. Go,aamadaa waxaa ugu muhiimsanaa:

 

Ø Samaynta Dowlad Goboleedka KHatumo State Of SOmalia

Ø In Golaha Sare ee Dhaqanku ka mid yahay Golayaasha Dowlad Goboleedka KHatumo State Of SOmalia

Ø In laga baxay heshiisyadii maamul iyo siyaasadeed ee lala galay maamulada Puntland iyo Somaliland.

 

Golaha Sare ee Dhaqanka KHatumo State Of SOmalia waxaa ka go’an ilaalinta midnimada Golaha sare iyo tan KHatumo State Of SOmalia, midnimadaa oo lagu hayn karo heshiis iyo axdi si adag loo wada dhowro. Xubintii ku kacda talaabo jebinaysa axdiga GSD, wuxuu goluhu siinayaa mudo ay kaga noqoto mudarada ay fashay hadii xubintaasi ku sixi waydo khaladkeeda mudadaa waxay waayaysaa xubinimadeedii Golaha sare ee dhaqanka.

 

Hadaba waxaa nasiibdaro ah in xubin kamid ah Golaha sare ee dhaqanka (Boqor Cabdi Laahi axmed Cali.) uu kaqayb galay shir maamul goboleed kale kaga hadlayay arimo dastuur oo ugaara, goluhuna u igman, talaabdaas oo ka hor imaanaysa axdigii iyo heshiiskii GSD iyo tii KHatumo State Of SOmalia

 

 

 

Golaha Dare ee Dhaqanka KHatumo State Of SOmalia, kadib markay ka tashadeen talaabadaa uu qaaday boqorku, waxay isla qaateen gudoonkan:

 

1. In la wargeliyo Shacabka Khaatumo jebinta Boqor cabdi Laahi ee heshiiskii uu kaga mid ahaa Golaha.

2. In Boqorku mudo todoba maalmood ah kaga noqdo axdi jebinta uu sameeyay,una cadeeyo si ay ku qanacsan yihiin Golaha sare ee dhaqanka

 

 

 

iyo golayaasha kale ee KHatumo State Of SOmalia

 

 

Waxaa Gudoonkan saxeexay Xubnaha Golaha Sare ee Dhaqanka KHatumo State Of SOmalia.

 

 

___________________________________________

 

 

Garaad Abshir: " Maamulada Hareeruhu Sida Somaliland Iyo Puntland, Raali kama aha Inaanu Tashano, Wayna Kasoo Horjeedaan KHaatumo State Of SOmalia"

 

Halkan Ka Dhageyso:

http://radiokhaatumo.com/radio-khaatumo-state-of-somalia-wararka-fiidnimo/

 

 

_______________________________

 

18.jpg

 

Garaad Abshir Saalax, Garaad Jaamac Garaad Ismaciil Iyo Dhamaan Garaadada KHaatumo oo Uga Digay Faroole Faragelinta uu Kuhayo Maamul-Goboleedka Khaatumo State

 

 

waxaa maanta kadhacay magaalada taleex shir balaadhan kaas oo ay ka hadleen Madaxda Maamulka khaatumo State iyo sidoo kale Golaha dhaqan deeganada Khaatumo State.

 

Shirkan ayaa waxaa lagaga hadlayey Faragelinta uu maamulka faroole ku hayo shacabka deegaanada khaatumo State iyadoo loogu baaqayna inuu faraha kala baxo maamulkaasi arimaha quseeya deegaanada Khaatumo State.

 

Waxaa halkaas ka hadlay Garaad abshir saalax iyo garaad Jaamac Ismaaciil oo kamida golaha dhaqanka ee deeganada Khaatumo iyagoo ku nuux nuuxsaday inaysan caqli gal ahayn indadka ka tashaday masiirkooda lala dabayaaco waxaan munaasib ahayn.

 

Dhinakale waxa isna madhasha ka hadlay madaxwayne Axmed karaash oo dhankiisa ku tilmaamay dadka wax magaratada ah ee looga yeedhay magaalada laascaanod siay u ansixiyaan dastuurka maamulka firdhiye ayna waxa saamayna lahayn.

 

gabagabadii kulan ayaa waxaa ka hadlay Afhayeen maamulka khaatuo cumar jaamac saleebaan oo shaaca ka qaaaday in shacabka Ssc ay horay uga tirsanayeen Puntland hasa ahaatee hada ay yihiin khaatumo State kadib shirkii ka dhacay Magaalada Taleex.

 

__________________________________

 

Garaad Abshir Saalax Iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo Maamulka Faroole Cambaareeyay, Uguna Baaqay In uu Joojiyo Faro Galinta uu Ku Hayo Deeganada khaatumo State

 

 

 

Kulankan oo saka ka dhacay madaxtooyada maamulka khaatumo state of somalia ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda maamulka madaxda dhaqanka iyo golaha wasiiradda dowlad goboleedka khaatumo,waxaana shir gudoominayey madaxwayne axmed cilmi cismaan karaash waxaana laga soo saaray qodobo dhawr ah kuwaas oo saxaafadda uu u akhriyey afhayeenka madaxtooyadda maamulka khaatumo cumar jaamac saleebaan.

waxaana kulankan lagu canbaareeyey maamulka waqooyi barri ee hore loo odhan jiray (P/land) Hawlaha fara galinta ah ee ku aadan dastuurkooda oo ay doonayaan inay ka dhaqan gashaan degmoyon khatumo ka tirsan oo ay ka kaxaysteen qaar kamid ah dadka xoola dhaqatadda ah kuwaas oo la geeyey garowe lagana doonayo in lagu buuxsado sawiradda.

 

Dhinaca kale waxaa kulankan ka hadlay garaad Abshir Saalax iyo Garaad Jaamac Garaad ismaaciil ducaale oo yaguna maanulka faroole ugu baaqay in uu joojiyo faro galinta uu ku hayo deeganada khaatumo

Midnimossc News Desk/Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

General Duke;821766 wrote:
^^^^Well what you have here is a huge delegation from the SSC regions in Garowe. We know they want not much to do with Hargaysa and never even visit the place for not wanting to be linked to the SNM secessionist delusions...

Duke, SSC elders have every tight to visit their cousins and close kind in Garowe. I hope to visit my cousins in Marka one day as well, maybe even buy a house and settle there and mediate in disputes. Maybe even hold a grande conference of the larger Duriyada block in Marka. The bond between brothers is unbreakable. But there is diffrence between clan and governance. And clan leaders dont govern State's.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guys GD is right, these elders went to Garowe not for shopping trip, but to participate the vote for the constitution and here if you listen they are even talking about being still part of Puntland.

 

here is the audio proof. this is big blow for khatumo.

http://taleex.net/2012/04/21/madaxda-dhaqankacuqaashadhalinyarada-iyo-qurbajooga-***********-oo-shir-jaraaid-qabtay-codsawiro

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Mukulaal, aboow, traditional elders can do what they want. In fact the Suldaan of Duriyada went to Artah Conference. doesnt politicians have to follow him. In fact Garaad Jaamac said in his historic Minesota speach, Saladiin have no borders and go everywhere Somali's might need them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mukulaalow;821778 wrote:
Guys GD is right, these elders went to Garowe not for shopping trip, but to participate the vote for the constitution and here if you listen they are even talking about being still part of Puntland.

 

here is the audio proof. this is big blow for khatumo.

A huge delegation from SSC attended the Puntland ratification and you have the elders voices in audio discussing these issues.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;821775 wrote:
Duke, SSC elders have every tight to visit their cousins and close kind in Garowe. I The bond between brothers is unbreakable. But there is diffrence between clan and governance. And clan leaders dont govern State's.

Carafat, its good you admit these people are a kin, and let me add that they wont be divided. The elders were in Garowe not for shopping but to be part of the ratification of the constitution. This in itself is the game changer.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this