Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalilands foreign minister makes the People of Somaliland proud by Abdiweli Goth

Recommended Posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Waxa Uu Ka Dhawaajiyey War Ay Shacabka Reer Somaliland Ku Farxaan

 

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Mohamed Abdillaahi, ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta xilligan ku suntan in ay si fiican u hoggaaminayaan shaqada loo igmaday amma dhaqdhaqaaqoodu uu aad u badan yahay. Waxana uu muddooyinkan dambe si wanaagsan uu cagta u saaray meeshii laga rabay. Tusaalena waxa aan u soo qaadan karnaa hadalkii uu dhawaan ka dhex jeediyey golaha baarlamanka Yurub, ee sida fariidnimada leh uu uga dhex hadlay, isaga oo madashii ka akhriyey wax loogu yeedhi karo cashar…ku saabsan waxa ay Somaliland gasho amma guddo. Ee ay weliba Yurub ka mudan tahay.

 

Intii uu Wasiirkani ( waa Mohamed Cabdillaahiye ) uu shaqada wasaaradda hayey, waxa uu u muuq egaa shakhsi wax badani ka qaldan yihiin, waxana ay saaxiibbadii ku xaman jireen, in uu isbeddel ku dhacay amma in aanu dadka la tashan, oo uu weliba ka dhuunto asxaabtii ay wada tashan jireen wakhtigii ay mucaaradka wada ahaayeen, ee ay isku siyaasadda ahaayeen. Waxase mid cad noqotay in ay hawshu ku badatay, oo haleelkiisu yaraa. Oo ay mawjadda siyaasaddu liqday amma uu ku haftay.

 

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa uu Mohamed muddaba hoggaaminayey siyaasad aad u xasaasi ah, oo aanay Somalilanders badani aad u fahamsanayn dhinaca uu u wado, waxana immiga la wada garawsaday in uu wax badan ku saxsanaa, gaar ahaan siyaasadda fur furan ee uu ku hoggaamiyey dhinaca arrimaha dibadda.

 

Arrinta wada hadalka Somalida oo ahayd mid dadka reer Somaliland aad ugu adkaydna waxa uu shacab badan tusay in ay ahayd mid loo baahan yahay, laakiin waxanu aad u hubsan albaabada badan ee uu dhinac walba ka ballaqay, oo ay dad badani shaki ka qabeen in ay jiir, bisaas iyo halaquba uu aayar uga soo geli karo. Balse, waxa uu wasiirkani arrimaha dibadda Somaliland noqday mid feejigan, waxanu si dhakhsa ah u xidhay albaabadii uu ballaqay.

 

Haddii aan in yar ku noqonno arrimaha uu Wasiir Maxamed ka diday ayaa noqonaysa, qaabka ay Puntland doonayaan in ay uga faa’iidaystaan wada hadalka Somaliya iyo Somaliland. Sidoo kale waxa uu Wasiirku qaadan waayey qaabka uu Sh. Sharif u soo xulayo wasiirradiisa, ee uu weliba labada dheeraysiiyey dhinaca Somaliland oo soo xushay shan kaliya.

 

 

Si kastaba arrini ha ahaatee, Dr. Mahamed waxa laga yaabaa in uu kitaabkiisa uun akhristay, laakiin ay dhici karto in uu seeggan yahay waxa ay kuwa kale doonayaan amma damaca Somalida kale. Dad badanina waxa ay aamminsan yihiin in ay Puntland ka mid tahay Somalida ay habboon tahay in ugu horreyn lala hadlo. Maamul goboleedkan ( waa Puntlande ) oo ay siyaasadda Somaliya amma ta Sh. Sharif ka shidaal qaadato. Waase mid ku adag Somalilanderska in ay dantooda ka raadiyaan Puntland….waxana uu Dr. Mohamed ka doorbiday in uu wada hadalkaba albaabada u laabo. Waxana la leeyahay waa mid uu ku saxsan yahay.

 

 

Ahmedweli Goth.

 

UK

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this