kingofkings Posted April 22, 2012 Wasiirka Wasaarada Amniga iyo DDR Dowlada Puntland Gen Khaliif iyo Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga Dowlada Puntland Abwan oo La Kulmay Jaaliyada Puntland Ee Dalka Oman. Wasiirka Oo Dhawaahana Ku Sugnaa Dalka Saldanada Oman oo uu Ku Yimi Booqasho Rasmi Ah oo Ay Dowlada Oman u Fidisay Tan Puntland Si Ay Uga Wada hadlaan Xiriirka labada Dowladadood. Wasiirka Oo horay ugu Sugnaa Caasumada Dalkan Ee Muscat Ayaa Safar Booqasho Ku Yimi Magaalada Ay U Badanyihiin Bulashada Reer Puntland Ee Salalah Taas oo Si Wayn Ay Ugu Soo Dhaweeyen bulshada Magaalada Salalah Degan . Hadaba Is waraysi Iyo Casho Sharafeed Ay u Samaysay Jaaliyadu Kadib Waxaa halkaas Magarafoonka lagu Soo Dhaweeyey Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliyeed iyo Tan Puntlandba Ahna Wakiilka Safaarada SOmaliyeed Ee Gobolada Koonfureed Ee Dalkan Oman. Gudoomiyaha Ayaa uga Xog Waramay Nolashan Jaaliyada Ee Wadankana Degaan Ahaan iyo Ganacsi Ahaan Wuxuuna Ku Amaanay Bulashada halkan Ku Nool Isku Xirnaanta iyo Walaalnimada Joogtada Ah Ee ka Dhaxaysa Muwaadiniinta SOmaliyeed iyo Kuwa Martida Loo Yahay Ee Oman. Gudoomiyuhu Wuxuu Ku Timaamay Jaaliyada Ku Nool halkan Inay Sadex U Qaybsamaan oo Kala Ah Muwaadiniin Somali Asalkoodu Yahay Hadase Dhalashada iyo Dhaqankaba Leh Kuwa Dalkan . Kuwo Cumaaniyiin Ah oo Ku Dhashay Dalkii Hadana Somali Wax La Wadaaga iyo Dadka Sharciyada kuleh . Gudoomiyuhu Wuxuu Wasiirka Ugu Dhiibay Fariin Madaxwayanaha Dowlada Puntland Dr Cabdurahmaan mohamed Mahamud Faroole . Kuxigeenkiisa , Wasiirada iyo DHamaan Bulasha Waynta Puntland Wuxuuu Faray Inay Wadaan Horamarka Lixaadleh Ee Dalkeena ka Socda Dhawraana Nabada . Wuxuuna Ugu Danbayn Kula Dardarmaay Inay Dowlada Puntland Culays Badan Saarto Inan La Yeelano Dalkan Xiriir Ganacsi oo Muhiim inoo Ah Madaama Hantideena Ay Dhamaanba Halkan Taalo Wuxuuna Kusoo Dhaweeyey WaSiirka Wasaarada Amniga Dowlada Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan . ugu Horayn Wasiirku Wuxuuu uga Mahad Celiyey Jaaliyada Puntalnd Ee Dalkan Isku Xirnaanta Iyo Wanaaga Kalgacal Ee Wajiyadooda ka Muuqda Wuxuuuna Uga Mahadceliyey Casho Sharaftan Qiimaha Leh Wuxuuna uga Makhraati Kacay Sida Ay Goor Walbaba Madaxdooda usoo Dhaweeyan Bulashada Ku Nool Dalkan Gaar AhaanGobolada Konfureed Ayna Salaalah Ka Mid Tahay. Wasiirka Wuxuu u Sheegay Bulashada Dalkan Inoo Uga Wado Salaan Qaali Ah Madaxwaynaha Dowlada Puntland iyo Golayaashiisa Wuxuuna Ugu Celiyey Inay Dowlada Ka Warhayso Umadeeda Goobkasta Oo Caalamka Ah. Wasiirka Oo Mawduuca Horay u Galay Wuxuu uga Warbixiyey Jaaliyada Safarkiisa Dalkan Wuxuuna Kusoo Koobay inay Muhiimada Kowaad Ay u yimaadeen Ay Tahay Xaalad Amniga uguna Horayso Dhinaca Burcad Badeeda Wuxuuna uga Farxiyey Jaaliyada inay Maqli Doonaan Dhawaan Guulo Muhiim Ah oo Ay ka Gaari Doonaan La Dagaalankeeda Wasiirka Wuxuu uga Warbixiyey Jaaliyada Howshii Wadanka Wuxuuna Ugu Hanbalyey Dastuurka Cusub oo Markii horaysay Bulashada Puntland Ay Yeelatay Dastuur Rasmi Ah . Wuxuu Uga Waramay Xaalada Amni iyo Mida Dhaqaale Ee Dalkeenii Hooyo . Wuxuuna Ugu Hanbleyey Inaan Cidna Joogi Doonin halkan oo Dhawaan lasoo Gabagabayn Doono howshii Shidaal Qodida Ceelka Shabeel 1 oo howshiisa Socotay Dhawaanahan . Ugu Danbayntii Wuxuu ugu Dardaarmay Bulashada Inay is Nabad Galiyaan Ayna Nabad Galiyaan Dadka Ay la noolyihiin dowladuna Baratay Dalkan Oman Kuna Soo Noqnoqnayso . Intaas Dabadeed Waxaa Magarafoonka lagu Soo Wareejiyey Wasiirkii Hore ee Ganacsiga Puntland Cabsi Samad Yusuf Mohamed Abwan . oo Bulashada uga Farxiyey Guulo Muhiim Ah oo laga Gaaray Hormarka Ganacsi iyo Mida Amni Ee Dalkii wuxuuna kula kaftamay Jaaliyada In La Gaaray Wakhtigii Xisbiyada Dadkuna Ay Dimuqraadiyad wax Ku Dooran Doonaa Cida Ay Rabaan iyagana La Dooran Doono Loona Baahanyahay In Dalka Lagu Soo Noqdo Waxna La Qabsado . Ugu Danbayn Ganacsatadii Halkaas Kawada hadashay iyo Madaxdii Dowlada ayaa isku afgartay Isku Doonbi iyo Hormar in Lagu Soo Gabgabeeyo Howl Walba oo ina Hortaagan Gacmahana la is Qabsado . Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted April 22, 2012 job well done Minister of Security of PL Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted April 22, 2012 shout out to all the reer PL in Oman. :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted April 22, 2012 puntland is charging forward GET OUT OF THE WAY Mogadishu Reaction Somaliland Reaction Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hustler Posted April 22, 2012 Caafimaad ayu u tagay. Oman dhakhatiir fiican ayey jooga Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted April 22, 2012 what was he doing there....sell some more slaves to them again.!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted April 22, 2012 Hustler;821554 wrote: Caafimaad ayu u tagay. Oman dhakhatiir fiican ayey jooga Hater gonna Hate Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted April 22, 2012 Rudy, Faroole enters like a President not Through back-gates like a beggar The feared cabinet A diaspora waiting for one MAN A paprazi for a president GIVEEEEEEEEEEEEE UP RUDY PUNTLAND WA DAWLAD Quote Share this post Link to post Share on other sites