Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:Xaqsoor party opens up in Laascaanood+VIDEO

Recommended Posts

Daawo urursiyaasadeed uu horkacayo cali sandule oo munasabadiisa lagu qabtay laascanod (urur siyaasadeedka Xaqsoor) cuqaal taageertay

 

Holnews-Munaasibad balaadhan oo ay isugu yimaadeen Taageerayaasha urur siyaasadeedka xaqsoor oo ka mida 6-da urur siyaasadeed ee Somaliland ee ku soo baxay tartankii xisbiyada somaliland ayaa lagu qabtay Hotel kulan ee magaalada lasanod ee xarunta gobolka sool

 

kulankan ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xisbi siyaasadeedkaasi qaybaha kala duwan ee ururada bulshada kuwa haweenka dhalin Cuqaal waxgarad iyo bahda ciyaaraha iyagoo dhamaantood muujiyay sida ay uga go,antahay taageerada Xisbi siyaasadeedka Xaqsoor oo talaabo horumar leh dhinaca siyaasada u qaaday, taasoo ka qayb galayaasha munaasibadan ay si weyn ugu taageersanaayeen Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Xaqsoo.

 

 

Kadib qadar aayadaha quraanka kariimka ah waxaa madasha ka hadlay, Aqoonyahano, dhalinyaro, waxgaradka Cuqaasha iyo masuuliyiinta xisbiga xaqsoor oo wajiyadooda ay ku dheenayd taageerada xisbiga ay la garab taagan yihiin.

 

Caaqil Cabdi kariin Maxamed Cabsiiye, ayaa hadalkiisii ku bilaabay” waanu ku faraxsanahay xisbiga Xaqsoor sida qiimaha leh ee u gartay in muraayadiisa siyaasadeed ka dhex muuqdo siyaasi can ah oo deegaanka aad looga qadariyo Cali Axmed Maxamuud{Cali sandule} wuxuuna ugu hambalyeey sida ay uga soo baxeen kaalintooda

 

 

Caaqil Cabdi Casiis iyo Caaqil Axmed Warsame oo halkaasi ka hadlay ayaa iyana si isku mid ah u taageeray xisbiga xaqsoor isla markaana sheegay inay soo dhaweynayaan

 

Munaasibada urur siyaasadeed xaqsoor loo qabtay ayaa ah tii ugu weynayd ee intii ololaha urur siyaasdeedka Somaliland ka dhcada magaalada laascaanood iyadoo aysan jirin urur sidan oo kale u soo bandhigay taageeradiisa gudaha magaalada laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this