Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Madaxweyne Sharif oo Safiirka Cusub ee Palestine ka Gudoomay Waraaqihii Aqoonsiga

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Falastiin u soo magacawday Soomaaliya, isagoo kaga gudoomay waraaqihiisa aqoonsiga.

 

Madaxweyne Shariif oo uu wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa ku soo dhoweeyay Safiirka Caasimada Muqdisho, oo si rasmi ah Dowladda Falastiin ay Safaarad uga furan doonto.

 

Danjiraha Falastiin u soo magacawday Soomaaliya Kaamil C/llaahi ayaa Madaxweynaha u gudbiyay dhambaal salaan ah oo uu kaga siday Hogaamiyaha Falastiin, isagoo sheegay in Falastiin ay xiriir wanaagsan oo soo jireen la leedahay Walaalaha Soomaaliyed.

 

Danjire Kaamil ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Soomaaliya Safiir loogu soo magacaabo, isagoo sheegay inuu ka qeyb qaadan doono sidii uu u xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Falastiin ka dhaxeeya.

 

Falastiin ayaa ka mid ah Dowladaha Carabta ee ku jira Ururka Jaamacada Carabta, waxaana inkastoo dhulkooda ay xoog ku heystaan Yuhuuda uu ka mid yahay dalalka ka tirsan Caalamka.

 

Tallaabadan ayaa qeyb ah sidii Caalamka Safaarad uga furan lahaa Soomaaliya muddo 20-sano kadib, iyadoo Muqdisho ka furan yihiin Safaaradaha dalalka Yemen, Libiya, Jabuuti, Ethiopia, Sudan, iyadoo ay jiraan Safiiro dalalka Midowga Yurub ka socday oo waraaqahooda aqoonsiga laga gudoomay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A distant relative of mine ayaa Falastiin ku duugan. In late '80s in the heyday of first Intifada ayee Yahuuda ku gubeen somewhere in Daanta Galbeed (West Bank). He was an NGO worker. Rabi ha u raxmado marxuumka.

 

Soomaalida xishmad gaar ayee Falastiimiinta u haayaan, waana dowladda dowladaha ugu horeeye hiil iyo hooba u haaye Reer Falastiin. Xataa gabdhaheena magacaas u bixinaa. I don't think any other Muslim community gabdhahooda u bixiyo Falastiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Allaha midieeyo dhexdooda wax badan bay soomaalida la wadaagaan waa dad dhaqaalaha samayn yaqaan oo caqli badan hadana waa daciif lakala iibsan karo

Intaanan aqoonta u yeelan waan ugu yeeri lahaa gabadhayda falastiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this