Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Madaxweyne Sharif oo Ina Jirde Xuseen u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha

Recommended Posts

Wareegtooyin si kala gaar gaar ah ugasoo wada baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa xil ka qaadis loogu sameeyey Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Bulshada,Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Ispoortiga ayadoo isla maantana Wasiir Cusub loo magacaabay Wasaaradaasi.

Wareegtooyinka ayaa hadaba ukala qornaa Sidan:-

XEER MADAXWEYNAHA j.s. Lr.124, taariikh 19/04/2012

Xil Ka Qaadis Wasiir

Markuu arkay:- Qodobka 44aad,xubintiisa 3aad ee Axdiga kumeel gaarka ah;

Makuu arday:-
Qodobka 2aad ee Sharci Lam. 14 ee 3dii Juun 1962kii iyo wax ka bedelkii ka dambeeyey

Nidaamka Dowladda (Ordinamento del Governo);

Makuu tixgeliyey:- Soo Jeedintii Ra’isulwasaaraha,Sumad XRW/481.04.12 kuna taariikheysan 18ka April

2012, oo ku saabsaneyd xil gudasho la’aanta Wasiirka WasaaraddaShaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Sboortiga

Asagoo Aqoonsaday:- In ay waajib tahay in shaqada Qaran loo guto si hufnaan,amaanno iyo karti ku Dheehanyihiin;

Wuxuu soo sarayaa Xeerkaan:

Qodobka 1aad

Waxaa xilkii Wasiirnimo ee uu hayey laga qaaday: Mudane Maxamed Muxiyidiin Sheekh Mursal oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Waxaana Wareegtadan ku saxiixan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed



Wareegtada kale ee iyana lagu magacaabay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyara iyo Isboortiga ayaa u qorneyd sidan:-



XEER MADAXWEYNAHA j.s. Lr.125,taariikh 19/04/2012

Magacaabid Wasiir

Markuu arkay:
Qodobka 39aad, Farqadda 2aad, Qodobka 44aad Farqadda 1aad, Xafarka”e” Axdiga KMG ah ee J.s.

Makuu arkay:
Qodobka 78aad, Farqadda 4aad ee Dastuurka 1960kii

Makuu Tixgeliyey: Soo Jeedinta Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ee ku sumadeysan

XRW/481.04.12 taariikh 18 April 2012

Markuu garwaaqsaday:
In Jagada Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Isboortiga Banaanaatay ayna waajib tahay in la buuxiyo si ay dani ugu jirto maslaxadda umadda Soomaaliyeed

Wuxuu Soo Saaray Xeerkan Soo Socda:

Qodobka 1aad

Laga billaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo Dekreetadan waxaa Mudane Maxamuud Jirde Xuseen loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Federaalka KMG ah.

Wareegtanna waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this