Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

TARSAN vs SHABELLE RADIO

Recommended Posts

Muqdisho: (Sh. M. Network) Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho oo maanta ka hadlayay munaasabad ka dhacday gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si cad u aflagaadeeyay Maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle, isagoo sheeganaya in uu yahay Mas’uul dowladadeed.

 

Tarsan ayaa ku aflagaadeeyay Maamulka iyo Shaqaalaha Shabelle inay yihiin dad kasoo horjeeda Nabadda islamarkaana Caalamka kaga dawarsada waxyeellada Saxafiyiinta ka shaqeysa Idaacadda Shabelle sida uu hadalka u dhigay.

 

Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir oo wajigiisa ay ka muuqatay Cadiifad iyo sida uu u dhibsanayo xaqiiqda ay maamulkiisa ka baahineyso Shabelle ayaa waxa uu isku amaanay in uu awood u leeyahay in uu xiro Warbaahinta Shabelle maadaama Shabelle ay inta badan ka hadasho Xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta gobolka iyo musuq maasuqa hareeyay Maamulka uu horboodayo Tarsan.

 

Deegaanka Gudhaa oo ah dhul caan ah, kuna yaalla Jubbada Hoose ayaa Tarsan oo si cad isaga indha tiraya aqoonta uu u leeyahay deegaankaasi islamarkaana inkiriya waxa uu sheegay in Shabelle ka hor uusan maqlin deegaankaasi oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed islamarkaana uu hadda ka hor calanka Soomaaliya ku gubay.

 

“Idaacadbaa waxay tiri Tarsan wuxuu Kudhaa ku gubay Calanka Soomaalida, war Xasan Turki ma’aqaano Kudhaa wax la dhaho Afkoodaa iigu horeeyo, Kudhaa inay Af-jabaan tahay iyo inay Af Soomaali tahay aan kala garaneyn” sidaasi waxa yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur (Tarsan).

 

“Waxaan u tacsiyadeynayaa oon ka xumahay dhalinyarada Mustaqbalka leh ee Shabelle ka shaqeysa ayaan u tacsiyadeynayaa sababtoo ah waxaa lagu kallifayaa waxayna aaminsaneyn oo lagu qabso inay ku hadlaan baala doonahayaa, dambi malahan, marka dhibka ay ku jiraan baan la garowsanaynaa, dadka Saxafiyiinta dhibaatada ugaysanahaya ee Adduunka ugu tuugsanaya C/maalik baa ugu horeeya Jiiska oo London fadhiya, waxa uu raadinaya waxa weeye in Tarsan uu dagaalamo war Tarsan ma dagaalamayo” sidaasi waxa yiri gudoomiye Tarsan.

 

“Waxay dhaheen Tarsan wuu noo dhaartay, war aniga haddaan soo qaban karaa laakiin marabo anaa rabin, sababtoo ah marabo waxay ku andacoodaan oo adduunka ay ku tuugsadaan marabo, inay tuugsadaan bay rabaan oo dadka dhiigoodu iyo dadka sharafkoodu ku tuugsadaan bay doonayaan hadalkeygii bay soo gooyeen annoo dhahaya Shabaaban la dagaalamaynaa bay waxay ku xireen su’aal la waydiiyay oo aheyd Shabelle maxaad ka leedahay, markaasan ku iray Shabelle dadkaa nici doona” sidaasi ayuu kusoo gaba gabeeyay gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir oo si cad u aflagaadeeyay Maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this