Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Cabdi Cawar not happy with President Sheikh sharifs Leadership.

Recommended Posts

Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Muujiyay sida uusan ula dhacsanayn Qaabka uu Madaxweyne Shariif wax ku Maamulayo

 

Khamiis, Abriil 19, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa muujiyay inuusan la dhacsanayn habka uu madaxweyne Sheekh Shariif wax ku maamulayo, kaddib hadal si sir ah looga qabtay oo laga sii daayay qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho.

 

Mudane C/weli Gaas ayaa ku sheegay hadalkiisa inaysan kooxdii heshiiska la gashay dowladdii C/llaahi Yuusuf ee xilka looga tagay (Maxkamadihii Islaamka) aysan muujin hoggaan wanaag wax looga qaban karo dalka.

 

"Kooxdii la dagaalamaysay dowladdii TFG ee Col. C/llaahi Yuusuf uu hoggaaminayay in dhibka uu meesha ka baxayo haddii ay Itoobiyaan baxaan iyaguna ay meesha tagaan taasise ma dhicin," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Laba arrimood ayaan u sabeynayaa arrintaas kuwaasoo kala ah: inay iyagu weli dagaalka sii wadaan iyo ragga madaxda ka ah oo aan la imaan hoggaan fiican iyo karti ay wax uga qaban karaan dalka."

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladdu ay kusoo koobantay in hadba caasimad la tago, hadba wadan la aado oo wafdi la ahaado, isagoo xusay inaysan waxba soo kordhinayn in Mareykanka la tago ama Yurub la tago haddii aan gudaha waxba laga qaban.

 

"Madaxweynuhu wuxuu madaxweyne ku yahay inuu sugo nabadgalyada dalka uuna maamulka gaarsiiyo gobollada dalka oo dhan," ayuu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku sheegay hadalkiisan sida sirta ah looga qabtay.

 

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo khilaaf ka dhashay qaraxii Tiyaatarka ee ay dadka badan waxyeelladu kasoo gaartay uu dhexeeyo madaxda dowladda KMG ah, iyadoo hadalkanna uu sii adkeyn karo khilaafka labada mas'uul u dhexeeya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

What's wrong with this hadal, the PM on the spot in all his statements above, it does not seems sinister and need not be secret, it proves Abdiwali is sincere about the whole thing.

 

"Madaxweynuhu wuxuu madaxweyne ku yahay inuu sugo nabadgalyada dalka uuna maamulka gaarsiiyo gobollada dalka oo dhan," ayuu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku sheegay hadalkiisan sida sirta ah looga qabtay.

So true, this is no secret its obvious hadii kale muxuu madaxwaynahaa wadanka kayahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yunis   

These two have been simmering under the surface for few weeks, its now in the public domain. an other PM vs president rift is on again. Not a shocker, since 2000 in Arta - this time could be more damaging considering the gains that has been made.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Arintaan waa isku dirr. Dad raba in ay nimankaan is qabtaan oo dawladaana la curyaamiyo baa ka dambeeya. Laakiin qofkii caqli waa iska garayaa inay tahay isku dirr

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this